Rer Ahmed Gen Dhumal kills hutus in Mugadishu

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Rer Ahmed Gen Dhumal kills hutus in Mugadishu

Post by CoolPoisons »

Col Yuusuf Dhuumaal oo sheegay inay soo afjarmayaan amaanka Muqdisho
Posted by Abu-raas
Thursday, January 03 @ 08:52:58 PST
Gobolka gedo iyo maamulka
Col Yuusuf Dhuumaal oo ah taliyaha howlgallada Gaarka ah ee ciidanaka Booliiska Somaliya ee DFKMG ah ayaa maanta sheegay in ay si dhaqso ah ku soo afjarayaan amaanka iyo xasilooni ku soo celinta magaalada Muqdisho. Col Dhuumaal ayaa sheegay marka laga reebo kooxaha qarandiidka ah ee wadaado ku sheega ahi, in Xaalada Muqdisho ay hada tahay mid wanaagsan dhinaca nabad gelyada waxaana uu sheegay in hada ay jirto nabadgelyo la isku haleyn karo laakiin howlgallo kale ay harsan yihiin


Col Dhuumaal oo u xilsaaran hogaaminta iyo qorshaynta miidaansan ee lala beegsado ragga ka soo horjeeda DFKMG ah, taliyana ka ah ciidan gaar ah oo loogu talagalay fulinta dilalka qorshaysan ayaa sheegay in ay si dhaqso ah muqdisho xasiloonideeda dib ugu soo noqon doonto.

Dadwaynaha reer Muqdisho waxay si aad ah ugu eedeeyaan Col Dhuumaal in ciidamadiisu ay xasuuqyo badan ka gaysteen goobaha ay ka mid yihiin sida Suuqa bakaaraha iyo stadiyo Muqdisho dagaaladii ka dhacay bishii hore ee Disember iyo Nofembere.

Col Dhuumaal oo u waramayey warfidiyeenada ayaa sheegay in beryahan Muqdisho ay ku soo badanayaan xasilooni daro baahsan, taasoo ay ay keentay marki ay ciidamadii maxkamadaha si dhuumashaal ah ay magaalada u soo camimeen, waxaana uu balan qaaday inay gacan bir ah ku qaban doonaan, kana saari doonaan magaalada.

Col Dhuumaal ayaa sheegay marka laga reebo kooxaha qarandiidka ah ee wadaado ku sheega ahi, in Xaalada Muqdisho ay hada tahay mid wanaagsan dhinaca nabadgelyada waxaana uu sheegay in hada ay jirto nabadgelyo la isku haleyn karo laakiin howlgallo kale ay harsan yihiin.

Col Dhuumaal ayaa Col C/laahi Yusuf u magacaabay xilkaan, isla markaasna uu u dalacsiiyey jagada General Dhuumaal.


Abu-raas
Nairobi
Gedoweb Online
Hobeey
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 778
Joined: Wed Jan 02, 2008 3:09 pm
Location: Darwiishland: Laascaanood,Caynaba,Taleex,Xudun,Boocaame,Yagori. Blessed Ma Is Tidhi..

Re: Rer Ahmed Gen Dhumal kills hutus in Mugadishu

Post by Hobeey »

Hutuska yaa waye :o
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”