Kadib muddo sideed cisho ah oo dekedda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo ay u xirneyd maleeshiyaad ku heyb ah guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Dr C/risaaq Faarax Taanno ayaa maanta odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta beesha Sade waxay maanta ku guuleydaan in ay furaan dekedda kadib markii ay ka saareen maleeshiyaadkii afaafta hore ee dekedda isbaarada dhigtay.
Nabadoon Cabdi Warsame Gurux oo kamid ah hoggaanka dhaqanka beesha Sade oo ka waramay isbaarada laga qaaday dekedda ayaa sheegay in si nabadgelya ah ay ku qaadeen jidgooyada taalay irida dekedda, islamarkaana aysan jirin wax dhaqaale oo la siiyey maleeshiyaadkii xirtay dekedda, wuxuuna sheegay in dadaalkoodii uu hirgelay.
"Maleeshiyooyinka dekedda ay u xirneyd waxaysan rumeysneyn xil ka qaadista Taanno iyo sida ay u dhacday, waxayna codsadeen in xilka qaadista C/risaaq Taanno la cadeeyo", ayuu yiri Nabadoon Cabdi Warsame Gurux oo hadalkiisa sii raaciyey in ay isfaham uu dhexmaray waxgaradka iyo maleeshiyaadka.
Inkastoo isbaaradda mudada ka badan toddobada maalmood taallay dekedda weyn Kismaayo ayaa haddana saac uun kadib markii la qaaday jidgooyadaasi waxaa ay maleeshiyaad hor leh markale isbaaro dhigteen iridda dekedda, sidoo kale ayaa maleeshiyaad ku hubeysan gawaarida dagaalka ee technikada waxaa ay isbaaro taa lamid ah dhigteen maanta isgoyska Somali Star ee xaafadda Calanley oo ah bar muhim u ah isu socodka gaadiidka dadweynaha ee PL-ka iyo kuwa kale ee raaxada, ma cada in isku ujeedda ay yihiin kooxihii horay dekedda looga soo saaray, balse waxaa jira warar sheegaya in ay dalbanayaan lacago mushaaraad ah.
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.
Isbaaro la qaaday oo isbaaro kala beddeshay, waa yaab
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: Isbaaro la qaaday oo isbaaro kala beddeshay, waa yaab
This gettin out of hand. Its not funny anymore. Rer Siyad Husein are boycoting Rer Ba'ayeste Isbaaro. Ur on Ur own.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 16 Replies
- 1314 Views
-
Last post by Minneapolis Mayor
-
- 39 Replies
- 2234 Views
-
Last post by Lillaahiya
-
- 0 Replies
- 246 Views
-
Last post by muslim-man
-
- 0 Replies
- 315 Views
-
Last post by Lacageylacag
-
- 1 Replies
- 303 Views
-
Last post by Murax
-
- 13 Replies
- 984 Views
-
Last post by FAH1223
-
- 1 Replies
- 315 Views
-
Last post by *Nobleman*
-
- 2 Replies
- 395 Views
-
Last post by watchman
-
- 6 Replies
- 1100 Views
-
Last post by FBISOMALIA