Kadib markii idacaada laanta afka somaliga ku hadasha ee bbc somali service madax looga dhigay yuusuf garaad sanadkii 2000 ayaa waxa uu bilaabey in uu ku dadaalo sidii uu u noqon lahaa nin horumar la taaban karo gaadhsiiyo idaaca bbc- da isla markaan uu wax badan uga badali lahaa qaabka ay u shaqeeyso idaaca kuna soo kordhiyo wax yaabo badan
Shaki kuma jiro in uu xoogaa horumara ka gaadhay sidii uu idaacada dadka dhageysta uu ugu fududeyn lahaa dhagaysigooda markiiba waxuu bilaabey in uu idaacaha looyaqaano fm-ta ee ka hawl gala gobolada dalka uu xidhiidh la yeesho isla markaan dadka dhageysta uu u fududeeyo dhagaysiga idaacada
Balse mudo yar kadib horumarkii weynaa ee lagu sugaayey in uu idaacada kusoo kordhiyo meeysan sii socon ee waxuu bilaabey in uu shaqaalihii waxtarka lahaa meeshii ka kala eryo isagoo ilxun iyo afkoo la buuro uu wariyayaasha uula soo galin jirey markuu shaqada soo galayo
Waxa uu wariyayaashaas waxtarka lahaa uu dhamaantood ku badalay kuwo hab qabiil uu meesha ku keenay oo ah kuwo reer ahaan isaga isku qoomiyad kasoo wada jeeda iyo kuwo kale oo aan iyagana ah kuwo uu meelahaas kasoo ururiyey isla markaana meesha u jooga in ay mushahar ka qaataan tabiyana wararka isaga xiisa galinaya uu markaas jecleeysanayo xitaa waxaa kaloo jira suxufi kusheegyo kale oo ugasoo warama muqdisho iyo baydhabo kuwaas oo ah dhalinyaro aan tabar lahayn balse saxaafada kusoo galay qaab qabiil kadib markii ay ka hawl gali jireen idaacada horn afrik ee ay leeyihiin isaga iyo rag kale oo isku reero ay yihiin
Suxufiyiintan ayaa ah kuwo aan sidaa xirfad saxafinimo lahayn kuwaas oo durbadiiba ka dhigay idaacadii bbc-da mid aan af-somali fiican lagaga hadlin maadaama gobolada dadka af-somaliga fiican ku hadlaa aysan ka hawl galin idaacada loogamana baran idaacada mid ku hadasha af-ka reer xamarka dadkii idaacada horey u yaqaaneyna waxay ku tilmaamaan bbc-da meel ciyaal ka taliyaan isla markaana sideey doonaan ka yeelayaan
Waxaa kale uu bilaabey isla markaana uu tafaha u xeeytey sidaa uu habeen iyo maalin warar xumaan xambaarsan oo xaqiiqda ka fog uga tabin lahaan dowlad goboleedka somaliyeed ee puntland iyadoo idaacada uu madaxda ka yahay ee bbc-da ay garan weeyday in horumarka ay gaadhay puntland faafiso ama ay gaadhsiiso oo ay ku daydaan dadka degan gobolada dhexe in ay sameeyaan sida puntland sameeysay
Mudadii burburka iyo daagalada xun ka jireen magaalada muqdisho ee habeen iyo maalin dadka masaakinta ah xabada lagu leyn jirey habeen iyo maalin idaacadu kameeysan hadli jirey dadka wax dili jirey habeen iyo maalina waxay ahaayeen dad la yaqaano balse idaacadu waxay markasta ka hadli jirtey danaha shaqsiyaad la yaqaano ha ugu horeeyaan c/qaasin salaad iyo sheik xasan daahir aweys labadanin oo ah kuwo ciidankooda maalin kasta lagu weerari jirey maagalada kismaayo ama dhoobley oo ah dhul aaney shaqo kulahayn isla markaan qabiilo kale kibir ugu duuli jirey kuna xasuuqi jirey meeshaas
Maanta oo dowlad la helay umada oodhana ka dhaxaysa ninka madaxda u ah laanta afka somaligee wuxuu habeen iyo dharaar makarafoonka bbc-da lasoo taagan yahay dadkeeygii ayaa la xasuuqayaa xamar ayaa laga qaxiinayaa
guryahoodii ayaabaa lagusoo doontey iyo waxyaabo kale oo sidaasi lamida
Waanu ognahay magaalada muqdisho aysan ahayn magaalo shalay lasoo dagay balse ay tahay magaalo qadiimiya oo waligeed dadku deganaa dadkii guryaha kulahaa ama dhismtey magaalada muqdisho 17 sano cagta waa ay soo saari waayeen taasoo sabab u ah in magaaladii caasimada somaliya ay qabiil gaara ka dhigteen tuulo ay iyagu asal ahaan u leeyihiin isla markaana cid kale oo la wadaagta aysan u ogoleyn iyadoona la wada ogsoon yahay umadan imika xamar joogta ee aan la aqoon ineey cirka ka yimadeen iyo ineey geedaha kasoo dageen in ay dagan yihiin guryo dad leeyihiin isla markaana ay isku sheegi jireey in ay xoog ku haystaan isla markaana isku arka kuwo iyago iskaleh mar ahaantaana ah kuwa xaq uleh guryaha ay dagan yihiin
Iyadoo waxaas oodhan dadka u muuqato ayaa idaacada bbc-da habeen iyo maalin si cad oo badheedh ah ay ku taagersaneyd dadka muqdisho deganaa ee ku noolaa dhaca iyo dilka umada somaliyeed xaqdarada ku taageeri jirtey dadkuna uwada muuqatey
Hadaba miyaan la is odhan karin akhritoow dadkii muqdisho deganaa ee uu habeen iyo maalin bbc-du tageersaneyn xaqiibaa kusoo dilaacay iyo dhagartii ay umada somaliyeed ka galeen .
Maxaa keenay hadaba maanta in idaacada bbc-da in habeen iyo maalin ay ku qayliso dad ayaabaa la laayey dadbaa la xasuuqay dadbaa guryahoodii laga barakiciyey iyadoo la ogsoon yahay waxyaabihii horey uga dhacay magaalada muqdisho
Wabilaahi Towfiiq
Abdirahman Mohamed
gaambool@hotmail.com
Idaacada Bbc da Ma Idaacad Qabiilbaa Mise Waa idaacad somali
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Posts: 164
- Joined: Mon Aug 13, 2007 12:34 pm
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 325 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 4 Replies
- 283 Views
-
Last post by Faranacab
-
- 1 Replies
- 331 Views
-
Last post by Hargaysa1982
-
- 0 Replies
- 479 Views
-
Last post by abgaalKING
-
- 0 Replies
- 566 Views
-
Last post by MenaceToSociety
-
- 11 Replies
- 926 Views
-
Last post by foolxume2005
-
- 3 Replies
- 708 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 470 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 9 Replies
- 877 Views
-
Last post by Jamac_Yare