Everything Back To Normal In Kismaayo....
Posted: Mon Jan 14, 2008 10:51 am
Xasan Dheere: ''Waa la xaliyey khilaafkii dhexyaalay beesha SADE''
Posted by Kismaayo
Sunday, January 13 @ 06:09:22 PST
Afhayeenak beesha Sade ee gobolka J/hoose Xasan Maxamed Cali (Xasan Dheere) shir jaar'id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday in gebi ahaanba la xaliyey khiaafkii siyaasadeed ee dhawaanahanba ka dhex aloosnaa siyaasiyiinta beesha Sade, kaasoo ka danbeeyey markii xilka laga qaaday guddoomiyihii Golaha siyaasadda beesha Sade C/risaaq Faarax Taanno.
Xasan Dheere ayaa sheegay in beeshu dhexdeeda ay turxaan bixisay khilaafkii yaraa ee ka jiray, la iskuna raacay in guddoomiyaha Golaha siyaasadda beesha Sade uu ahaada Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiin Raadeer) oo ay soo magacaabeen xubnaha golaha siyaasadda, islamarkaana ay ansixiyeen hoggaanka dhaqanka beesha Sade, waxaa uu xusay in meel fagaare ah oo waxgaradka beeshu ay ku dhan tahay ay raggii kale ee ku loolamyey qabashada xilka siyaasadda beesha ka sheegeen in ay ka tanaasuleen si daacad ah.
'' Dhammaanba wax Alle iyo wixii khilaaf iyo is faham darro ahaa ee beesha Sade ka jiray waa la xaliyey, hadda kadibna ma dhaceysa arrintan oo kale, wax walba caadi ayey ku soo noqdeen waadna arkeysaan adinkuba, Dr C/risaaq Taanno iyo Ismaaciil Qalinle waxay noo sheegeen in ay la shaqeynayaan guddoomiyaha cusub Yaasiin Raadeer'' ayuu ku yiri afhayeenka beesha Sade xasan Maxamed Cali (Xasan Dheere) shirkii jaraa'id ee wariyayaasha u qabtay.
Dhinaca kale guddoomiyaha golaha siyaasadda Yaasiin Raadeer oo maanta hadlay ayaa sheegay in la magacaabay guddoomiye ku xigeenno Golaha siyaasadda iyo xoghaya guud ee Golaha oo loo kala magacaabay, saddex guddoomiye ku xigeen ayaa loo magacaabay Xaaji Maxamed Mire, Ismaaciil Maxamed Nuur (Qalinle) iyo Bille Cabdille Cabdi, halka isna xoghaya guud loo magacaabay Khaalid Cabdi Xayir oo horay u ahaa madaxii maaliyadda dekedda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo.
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo