Sacuudi Arabiya: Wiil Soomaaliyeed (Qiso naxdin leh)
Waxaan bishii 12.aad sanadkii hore ee 2007 magaalada Makka kula kulmay Sh. soomaali ah oo lagu magacaabo Macalin Dhaqane oo dagan magaalada Madiina waxna ka barta waxbarasho diini ah oo ka baxda masjidka nabiga swc, Macalinka waxaan weydiiyay xaalada guud ee wadanka Sacuudiga gaar ahaan xaaladda soomaalida ku nool boqortooyada sacuudiga.
Macalinku wuxuu ii sheegay guud ahaan in soomaalida duruufo adag ku haystaan wadankaan laakin intaan arkayay soomaali dhibaateysan waxaa iigu darnaa wiil Soomaali ah oo aan xabsi uu dil suge ku yahay aan ku soo booqday. Aniga iyo laba saaxiibaday ah oo ila socotay baa isla markiiba weydiinay xaalada wiilka iyo qisadiisaba.
Markaa ayuu macalinkii bilaabay inuu nooga waramo qisada wiilka sida ay tahay: Macalinku wuxuu yiri:- Waxaan macalin quraan ka ahaay muddo 15 sano ah gobol aad u fog oo ka mid ah gobalada sacuudiga oo aad dadka dhulkaa dagan aan isu baranay, waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mid ah uu telefan igu soo wacay wiil soomaali ah wuxuuna igu yiri, waxaan helay telefankaada waxaana rabaa inaan kuu sheego inaan ahay wiil soomaali ah oo dil suge ah, hadda waxaa iigu duran dhar fiican oo aan xabsiga ku jooga ma haysto ee fadlan adeeroow i caawi.
Arinkii wiilka ayaan waxaan u gudbiyay ardada Soomaaliyeed ee waxka barata Madiina waxaana ku iri aniga ayaa dharka u gadaya una qaadaya ee walaalayaaloow idinka bixiya tikidka diyaarada oo ah 600 oo riyaal waa lacag qiyaastii u dhiganta 180 doolar. Sidii ayuu xaalkii noqday waxaana tagay xabsigii wiilka uu ku jiray markaan isu sheegay maamulkii xabsiga ayaa waxay igu yiraahdeen waa inaad maxkamada ka soo qaadato ogolaasho inaad booqan karto. Waxaan aaday maxkamadii waxaana soo qaatay warqadii ogolaashaha aheyd inaan booqan karo, waxaana dib ugu soo laabtay xabsigii wiilku ku jiray.
Markaan wiilka arkay waan miyir daboolmi gaaray , nabarada ku yaala aawadood. Wiilka da,diisa waxaan ku qiyaasay 20 jir, waxaan wiilkii weydiiyay arinkaan haysta sida uu ku yimid markaa ayuu wiilka hadalkiisi ku bilaabay:
Adeer waxaan ka imid meel miyi ah, waxaan maqlay waxaa loo dhoofaa Sacuudi waxaan ka soo hayaamay xoolahaynii iyo qoyskeygii waxaan aakhir imid Boosaaso, halkaa ayaa waxaan ka soo raacay doon tahriib ah oo ay soomaali badan saaran tahay waxaan imid wadanka Yaman kadibna waxaan tahriib ku soo galay sacuudiga markaan imid tuuladii iigu horeysay ayaa nin sacuudi ah wuxuu igu yiri anaga oo faraha ka wada hadleyna xoolo ma ilaalinaysaa? waxaan ku iri waa yahay waxaana kula heshiiyay bishii 100 doolar maalintii iigu horeysay oo aan xoolaha raaco ayaa waxaan iga dhuntay laba neef oo ari ah, galabkii markaan keenay xoolahii ayuu ninkii tirsaday arigii markaa ayaa waxaa maqnaaday labo ka mid ah wuu i weydiiyay faraha ayaan taag taagay waayo magaranayo meesha ay ku ambadeen ninkii wuxuu soo qaatay dhagax aniga oo hadlayo ayuu halgaad iiga dhigay wuxuuna afkeygii ka dhigay sida aad u jeedo oo ilkahaygii waa wax daatay iyo wax jajaban."
Wiilkii oo hadalkiisii sii wata ayaa yiri: "Intaa kumuusan ekaane wuxuu ninkii soo qaatay toorey
wuxuuna damcay inuu dhuunta iigu shubo waxaan u dhigay gacantaan aad arkeyso oo wuxuu cadeeyay lafta. Haddana wuxuu isku dayay inuu wadnaha iiga mudo nasiib wanaag kor ayey uga kacday oo wuxuu iga galiyay meeshaan aad arkeysa oo ah garabka iyo wadnaha inta u dhaxeysa. Kadib ninkii waxaan isla qabsanay tooreydii waxayna tooreydii ku soo wareegtay gacanteeyda. anigoo is leh iska difaac ninka ayaa markii aan ku waabiyayba waxey ka heleeshay wadnaha waxaana ku dhuftay halmar kaliya sidii ayuuna ninkii ku dhintay".
Almuhiim waa la ixiray waxaana aakhir la i keenay maxkamad waxayna igu xukuntay dil. Hadda adeer waxaan ahay dil suge, cid aan aqaan oo aan la xariiro oo aan adiga aheyna ma aqaan adna waxaan telefankaada ku helay maadaama aad macalin meeshan ka ahaan jirtay marka xaalkeyga waa sidaa ayuu yiri wiilkii. Macalin Dhaqane wuxuu isku dayay inuu la xariiro maxkamadii wiilka waxaana lagu yiri waa inaad qabsataan looyar markaan raadiyay looyarna wuxuu u baahan yahay dhaqaalo xoogan taana waan awoodi waynay.
Saaxiibaday ayaa waxa ay ku dhaheen macalinka ninkaamba waa looyar markaas ayaan ku iri waa in looyarka markuu maxkamad wax ka difaacayo uu haysto ruqsad, marka suurta gal ma aha, laakin waxaa suurta gal ah inaan wiilka arinkiisa gaarsiiyo soomaali badan oo naxariis leh bal iney ka damqadaan dhibka wiilka haysta, kadibna sidaa islaamnimo iyo dhiig wadaag in markaa wax loogu qabto.
Ugu dambeyntii qof walba oo ka damqanaya dhibka haysto wiilkaa yar wuu ila soo xariiri karaa.
Ahmed-haadi Muhumad
haadi30@hotmail.com
Odense- Danmark
Short rough translation in english:
a young boy refuge from somalia who worked for a fatrich saudi is facing execution because the somali boy lost some money ,the fat rich saudi became angry at him so he wanted to kill his worker for losing the money.
The man stabbed him with his sword and stoned him with stones. The somali boy defended himself by taking the sword from his boss and killed him with his own sword.
Now he is facing execution.
He got this information from dayniile. Focking Dayniile is offline.
------------------------
What the %%%%%%% is wrong with them? The boy defended himself for god sake!! These %%%%%%%%%%%%%%%% saudis kill everyone who is poor and non-saudi citizen. %%%%%%%%%% this world.
I %%%%% hate these saudis,they have no mercy for fellow muslims.
Developing news: Somali boy facing execution
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1996
- Joined: Sun Jul 15, 2007 11:29 am
- Location: Curse Be upon him Who Terrorized SOMALIA 21 years!
Re: Developing news: Somali boy facing execution
That is sad
No wonder they say there is no democracy & human right in the Middle East!
No wonder they say there is no democracy & human right in the Middle East!
- kambuli
- SomaliNet Super
- Posts: 17268
- Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
- Location: Proud Toothless Old Faqash Woman
Re: Developing news: Somali boy facing execution
Kuwaasi qof aan dilin bayba diilaane, maxaad u malayn qof is difaacay oo wax diley...Gurigiin be, necbiyee...
Ilaahow dalkeena duliga ka qaad..
Ilaahow dalkeena duliga ka qaad..
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1005
- Joined: Sun Oct 28, 2007 3:01 pm
- Location: Somaliland Forever
Re: Developing news: Somali boy facing execution
If this story is true
Nacalaa bastarariinta Saudis fukin fat animals
They need to be exterminated
if there is any honor left in us
We should stop this mothafucker
Somaliland , Djibouti , TFG somalia
Do whatever you can
save the life of this miskiin
these unjust madafuckers needs to be dealt with.
Nacalaa bastarariinta Saudis fukin fat animals
They need to be exterminated
if there is any honor left in us
We should stop this mothafucker
Somaliland , Djibouti , TFG somalia
Do whatever you can
save the life of this miskiin
these unjust madafuckers needs to be dealt with.
-
- Posts: 21
- Joined: Sun Mar 25, 2007 8:39 am
Re: Developing news: Somali boy facing execution
Wiilkaani maanta Soomaali ayuu u baahanyahay in ay caawiso. Maxaa yeelay sida la ogyahay Sacuudiga dadka inta badan dilka lagu soo xukumo waxay u badan yihiin dad ajaanib ah. waxaa la sheegaa in ka badan 80% in ay yihiin ajaanib.
He will be beheaded with a sword if we don't do anything about this.
He will be beheaded with a sword if we don't do anything about this.
- PINK_BUNNY
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2472
- Joined: Sat Dec 29, 2007 6:59 pm
- Location: le desert chaud d'Arabie.....recherchant pour Aladdin
Re: Developing news: Somali boy facing execution
I have a hard time reading Somali, but Saudi Arabia again? What did he do? I saw on CNN that the only executed like 9 people this year which is an all time low.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 483 Views
-
Last post by Mondey
-
- 2 Replies
- 420 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 4 Replies
- 503 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 2 Replies
- 425 Views
-
Last post by Django
-
- 14 Replies
- 1020 Views
-
Last post by hanad_mn
-
- 9 Replies
- 843 Views
-
Last post by Maduro
-
- 32 Replies
- 3159 Views
-
Last post by Abdi_westldn
-
- 0 Replies
- 338 Views
-
Last post by SunFromNorth
-
- 0 Replies
- 317 Views
-
Last post by KingBlack
-
- 28 Replies
- 2030 Views
-
Last post by MujahidAishah