TODAYS NATIONAL DAY IN SOOMALIYA. WAA MAALINTA WARFAAFINTA
Posted: Mon Jan 21, 2008 3:39 pm
21-Janaayo 1973-dii Maxaad ka xusuusataa maalinta Afka Somaliga?
Sidaan ka wada warqabno sanadkii 1972-kii ayaa waxaa lagu dhawaaqay in la qoro afkeenii hooyo ee af-somaliga.
21kii janaayo 1973kii ayay ahayd markii uu soo baxay wargeyskii ugu horeeyey ee ku qoran af-somali oo ay soo saartey wasaaraddii warfaafinta ee xilligii dowladdii jeneral Maxamed Siyaad Barre.
Isla maalintaas 21ka janaayo ayaana loo aqoonsaday in ay tahay maalinta warfaafinta soomaliya.
Waxaana lagu xasuustaa heesihii xilligaas ka bixi jiray 21kii janaayo, Radiyihii Muqdisho iyo Hargaysa ee ay dowladdii xilligaasi gacanta ku haysay.. ahaayeenna raadiyaha kaliya ee soomalidii xilligaasi ay haysteen.
Heesta ay qaaddo Fannaanadda Hibo Maxamed "Hibo Nura" oo uu alifay allaha u naxariistee Abwaankii goor dhawayd ku geeriyoodey oslo Xasan shiikh muumin.
"Habeen iyo dharaar.. hadalladaan dhisnaa..
Afkeena hooyo oo horumaraan ku haminaan..
Ma hakranee waannu how galnaa.. murtidaan kala hufnaa ka haqab tirnaa u heesnaa..
Dadweynahaan hanuuninaa hasaawinaa danta u hagnaa"
Wuxuu boggaan Calanka.com hambalyo u dirayaa inta qalinkooda af-somali ku qorta ee ku kala baahsan dunida oo aan leenahay, hambalyo waa maalin ay ka soo wareegatay 35sano xilligii wargays af-somali ku qoran laga akhristo dunida korkeeda.
Cidii gacan ka geesatay qorista afka hooyo waxaan leenahay allaha idinka abaal mariyo waxa aad u qabateen inta afka somaliga ku hadasha. inkastoo ay nagu yar tahay in aan dhahno kuwii abaalka nagu lahaa Mahadsanidiin.
Waana hubnaa haddii afkeenna af aan ahayn wax isugu gudbin lahayn in aan dhibaato aan yareyn la kulmi lahayn.
Wayna adkaan lahayd in ay dadka dibadaha jooga ay xaalka soomaliya sida ay haatan ula socdaan ama ay uga akhristaan websedyada aysan u akhrisan lahayn.
Maxamed Macallin cali "Calas"
m_alisow@hotmail.com)