Baaq-Nabadeed:Jaaliyadda Reer Dalal Iyo Jaaliyadda Wagardhac Ee Dalka Norway
Jan 26,2008
by Norway-GEDO-NN
Ku:Dhamman Issimada Beesha Sade
Dhamman Issimada Beesha Reer Dalal iyo Wagardhac
Maamulka iyo Siyaasiinta Beesha Sade
Culunaaudiinta Beesha Sade
Dhamman Jaaliyadda Dibedda ee Beesha Sade
Jaaliyadaha Beesha Reer Dalal iyo beesha Wagardhaceed ee ku nool Dalka Norway ayaa bishaan 25.01.2007 waxay shir ku yeeshaan Magaaladda Oslo/ Norway, iyagoo oo ka ambaqaadeen dhibka iyo khilaafka inta badan ka taagan deegaanka Magaaladda Caabud-waaq iyo nawaaxigeeda.
Waxaad moodaa Beesha Reer Dalal iyo Beesha Wagardhaceed inay seerooyin u dhex taalo Magaalada Caabud-waaq dhexdeedeen taasoo ah wax fool xun isla markaana laga xumaado, inkasto ay muddo dheer nabad ku jiree,isla markaana ay beelahaan walaalaaha ahi si nabad ah ku xalin-jireen haddii uu khilaaf soo dhex galo waqtiyaddi hore, laakiin waayahaan waxay ka dhammaan la,yihiin " Nin la dilay nin loo dilay".
Waxgaradka 2da beelood ee ka soo qeyb galay shirkaan waxay si qododheer isku tusaaleeyeen in dhibaatada loo wada istaago soo celinta midnimada , kalsoonida, ka shaqeynta Nabadda iyo xasiloonida, isla mar ahaantaas dhowritaanka Sharafta iyo karaamada dhammaan Beesha Sade oo idil.
Talo soo jeedin:
-In la dhamman Issimada Beesha Reer Dadal & Wardhac ay xaliyaan dhibaatatan ,isla Marakaana ka shaqeeyaan xasilinta nabad Iyo Ilaalinta danta guud ee bulshada iyago meesha ay ka maqana in wax lagu xaliyo wadahal ee aan wax lagu xalin Qori .
-In Colaada 2da beelood joojinteeda saldhiga dhigo Shareecada Diinta Islaamka.
- In dhibaatada loo saaro Guddi farsamo oo ehel u ah isla markaan lagu kalsoon yahay inay baaris cadaalad soo diyaariyaan.
-In laga digtoonaadi gacmaha dibadeed ee hurinaya kana faa,idaysana inay xal nabadee gaaraan 2da beelo ee walaalaha ah.
-In la taageero wax alle wixii maamul ah ee suurta galin karo in deegaan nabad lagu soo dabaalo.
-Inay beelaha walaalaha ah ee gacalka isku ah, walaalkii ah abti iyo adeer wada ah,tolniimada aan kala go,aynin, kala noolaan karin, isku baahan weligood, waxaan idiin ku baaqaynaa inaad ilaalisaa nabad sida waxaa yiri " Abdikariin Shire Cige Guushaa".
Jaaliyadaha Reer Dalal iyo jaaliyaada wagardha ee Reer Norway waxay halkaan tacsi uga dirayaa dhammaan intii xaq-daro loogu dilay dagaaladaas, khaas waxaan tacsi u diraynaa Marxuum Colonel Wadaadyare Jaamac Gurbe oo ahaa nin ku dambeyey oo ay haleeshay xabad xaq-daro ah. Samir iyo iimaan eebbe haga wada siiyo Aamiin Amiin
Ka qeyb-galayaasha shirka:
Nabaddoon Cabdikariin Shire Cigaal " Guusha"
Nabaddoom Galad Ilix Soofe
Nabadoon Cabdi Axmed Aden
Nabadoon Caanood Xundumeey Gir.
Nabadoon Liibaan Cabdi Shire.
Nabadoon Yuusug Saciid Diiriye
Nabadoon Cabdirisaaq Faarax Xirsi
Nabadoon Maxamed Jaamac Xirsi.
Nabadoon Xasan Cabdi Xoosh
Nabadoon Yuusuf Kaahiye Maxamed
Nabadoon Mahad Xalane Aden
Waa Bilaahi towfiiq.
Waxaa soo diyaariyey-
Cabdi Jaamac Faarax ( Qaawane)
Oslo -Norway
E-mail. Abdj64@hotmail.com
Baaq-Nabadeed:Jaaliyadda Reer Dalal Iyo Jaaliyadda Wagardhac
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
- Shankaroon_614
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4644
- Joined: Tue Feb 14, 2006 5:21 pm
- Location: Dhabad, Caabudwaaq, and Baledxaawo!!
Re: Baaq-Nabadeed:Jaaliyadda Reer Dalal Iyo Jaaliyadda Wagardhac
Alla Adeerkay is one of them lol
I won't name names ;)
I won't name names ;)
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 806 Views
-
Last post by dhuudhuu
-
- 0 Replies
- 347 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 4 Replies
- 552 Views
-
Last post by original dervish
-
- 0 Replies
- 534 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 353 Views
-
Last post by MALMAHA
-
- 18 Replies
- 1050 Views
-
Last post by ZubeirAwal