13 askari oo itoobiyaan ah oo maanta siyaabo kala duwan loogu dilay M/Muqdisho
Beerdhiga 28.01.2008 13:32
13 askari oo ka mid ah ciidamada gumeysiga itoobiya ayaa saaka siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho ka dib markii ayxoogaga mujaahidiinta soomaaliyeed Qarax Miino ku dileen xili ay damacsanaayeen in ay howl-gal ka sameeyaan suuqa deegaanka "Suuqa Xoolaha" ee Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Mid ka mid ah dadka deegaankaasi oo Beerdhiga la soo xiriiray ayaa u xaqiijiyay in miino wadada dhinaceeda lagu aasay lala beegsaday ciidamo ka soo kicitimay labada fariisin ee kala ah Warshadii hore ee Baastada iyo waliba Xerada Maslax isla markaana ku soo wajahnaa in ay baaritaano ka sameeyaan Suuqa Ganacsiga ee deegaanka Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
4 ka mid ah askartaasi ayaa iyagu toogasho meel fog ah lagu dilay xili ay si teel teel ah u taagnaayeen wada dhinaceeda ee Degmada heliwaa.
Qaraxan miino iyo waliba toogashada lagu dilay askartaasi ayaa dhacday abaare 07:30 subaxnimo sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah oo ku dhadhaw xoogaga mujaahidiinta soomaaliyeed.
Dhinaca kale abaare 10:30 barqanimo ee maanta xiliga magaalada Muqdisho ayaa 4 kale oo ka mid ah ciidamada gumeysiga itoobiya waxa iyaguna qarax miino lagula beegsaday deegaanka "Esh campany" ee magaalada Muqdisho sida uu noo xaqiijiyay ilo xog ogaal ah oo ku dhadhaw Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed.
Khasaarahan soo gaaray ciidamada gumeysiga itoobiya ayaa noqonaya kii ugu badnaa oo soo gaara in mudo ah, taas oo maanta ka hor istaagtay in ay joojiyaan baaritaanadii ay ka damac sanaayeen in ay ka sameeyaan deegaanka Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan ka dib ayaa waxaa la arkayay ciidamada gumeysiga itoobiya oo si aan loo meel dayin u ridaya hubka fud fudud oo uu ku jiro qoriga dhashiikaha loo yaqaano.
Arintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ciidamada gumeysiga itoobiya ay isaga huleeleen inta badan gobolka hiiraan iyo gobolada dhexe isla markaana ay soo badanayaan weerarada iyo qaraxyada isdabo jooga ah ee lagula beegsanayo magaalada Muqdisho.
http://www.Beerdhiga.com
13 askari oo itoobiyaan ah oo maanta siyaabo kala duwan loo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 264 Views
-
Last post by MJ-Pride
-
- 30 Replies
- 1359 Views
-
Last post by samadoon-waaxid
-
- 13 Replies
- 697 Views
-
Last post by shitguy
-
- 1 Replies
- 427 Views
-
Last post by Madman23
-
- 1 Replies
- 378 Views
-
Last post by snoop12
-
- 2 Replies
- 662 Views
-
Last post by Ugaas Diini
-
- 2 Replies
- 534 Views
-
Last post by samatar133