Dagaal xoogan oo ka socda Degaanka Diinsoor iyo nawaaxigiisa ee Gobolka Baay
Beerdhiga 01.02.2008 14:29
Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Dagmada Diinsoor ee Gobolka Baay oo uu khadka teloofoonka kula xirriiray wariyaheena Gobolka Baay ayaa u xaqiijiayay in dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu ka soconayo duleedka Dagmada Diinsoor
Dagaalka ayaa ah mid ka fool-ka fool ah oo u dhaxeeya DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya oo ka soo kicitimay Degmada Diinsoor iyo Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo iyagu mudooyinkii u danbeeyeey la hadal hayey in ay ku sugnaayeen deegaanadaasi
Dagaalkan ayaa la sheegayaa in uu hadda xoogiisu ka socdo Tuulada Misir oo la sheegay in ay u soo gudbeen Ciidamada DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan iyada oo lagu soo waramayo in Dagaalku uu habeenimadii xalay ka bilowday Deegaanka Raamacadeey oo ka tirsan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaana xiligaan lagu soo waramayaa inuu ku fiday deegaano badan oo ka tirsan Dagmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Dadka Dagmada Diinsoorna waxay xaqiijinayaan in Rasaas culus laga maqlayo gudaha Dagmada Diinsoor
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya iyada oo masuuliyiinta Gobolka Baay iyo kuwa Dagmada Diinsoor ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dagaalkaasi haseyeeshee dadka Dagmada Diinsoor ayaa xaqiijinaya in dagaalku uu xiligaan socdo
Dhaawacyo kala duwan ayaa la gaarsiiyey Isbitaalka Dagmada Diinsoor oo wax yeelo ka soo gaartay dagaalkaasi.
Ma'ahan markii ugu horaysay oo DFKMG ah iyo Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ay ku dagaalamaan qaybo kamid ah Gobolka Baay
Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo huwantooda ka wadaan magaalada Muqdisho iyo Gobolka Hiiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo la xiriira istiraatiijiyad cusub oo la sheegay in ay tahay mid dagaal.
Wixii warar ah ee ka soo baxa dagaalkaasi wali socda dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa insha allaah.
Dagaal xoogan oo ka socda Degaanka Diinsoor iyo nawaaxigiis
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
Re: Dagaal xoogan oo ka socda Degaanka Diinsoor iyo nawaaxigiis
walle geesinimo waa loo dhasha
SHEIKH ABU MANSUUR GUUL IYO GOBANIMO
SHEIKH ABU MANSUUR GUUL IYO GOBANIMO
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 1154 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 1 Replies
- 626 Views
-
Last post by adanboy
-
- 3 Replies
- 702 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW
-
- 0 Replies
- 804 Views
-
Last post by xaseey
-
- 3 Replies
- 423 Views
-
Last post by Morrison
-
- 1 Replies
- 690 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 5 Replies
- 964 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 0 Replies
- 401 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 454 Views
-
Last post by kambuli