Marxuum Siyaad Barre Dal waa katagyay laakin Dad kama tegin
Posted: Thu Feb 07, 2008 2:36 pm
Marxuum Siyaad Barre Dal waa katagyay laakin Dad kama tegin oo Taariikhdii Dalka Soomaaliya waxaa mugdi geliyay Raggii uu ka Dar-Daarmay by Waasuge.
(HMN)Dalka Soomaaliya oo Lugaha lagalay Sanadkii 18-aad oo dagaallo iyo Bur-Bur ah ayaan waxaa muuqan wax looga bixi karo Dhibaatada ku habsatay Shacabka Soomalaiyeed oo naqday meel ay ku dul dagaalamaan kooxo is diidan.
Bartamihii sanadii 2006-da ayaa waxaa Dalka ka dhashay wax u eg Dowlad oo soo celiyay Haybadii Qaranka Soomaaliyeed iyo dadnimadiisii.
Maxkamadihii Islaamka ee mar katalin jiray Gobalada Dalka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay in ay ahaayeen Geesiyaal ku sifoobay Maamul wanaag iyo cadaala ay ka dhaxsameeyeen Bulshada Soomaaliyeed balse Maalma yar gudahood ayuu qaaday Daad kayimid Dabaylo Cadaw soo jireen ah.
waxaa mugdi galay Qaranimadii Dalka Soomaaliya, Ciidamad cadawga Itoobiya ayay u rumawday Riya ay ku taami jireen Qarniyo, hada Soomaaliya waxay kamid naqatay Gelinka lixaad ee dalka Itoobiya sida uu cadawgu doonayay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad Barre ayaa ahaa Ninka kaliya ee hortaagnaa Ciidamad Cadawga Itoobiya oo markasta doonayay in mar uun ay cagta soo dhigaan Soomaaliya.
Marxuum siyaad Barre ayaa markii ugu Dambaysay Noloshiisa ku hadaaqayay " Anigu Dal-waan ka tegay laakiin Shacab kama tegin", Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa siyaaba kaladuwan u fasirtay Hadlkiii uu Marxuum siyaad sheegay, intabadan Dadkii falanqeeyay hadkii Barre ayaa ku macneeyay in uu ula jeeday Dad kama tegin C/laahi yuusuf iyo Hugaamiyaashii USC-da oo ahaa kuwa aan wadaniyiin ahayn.
Marxuum Barre ayaa mar-maka qaar Oran jiray " Anigu laba Nin oo kala ah Caydiid iyo C/laahi yuusuf waan ka cabsi qabaa Caydiid waxaan uga baqayaa Xukunkayga, C/laahina waxaan uga cabsi qabaa Qaranka oo waa Nin Amaaxarada Jecel".
marka Taariikha dib loo raaco waxaa hubaal ah in siyaad Barre uu ahaa Nin oga waaqica taagan waloow uu iska ahaa kaligii taliye aan ku wanaagsanayn Diinta balse u wanaagsanaan Dalka iyo Dadka, hada waxaa muuqto in wixii uu siyaad kamurugoo jiray ay Dalkii ka dheceen C/laahi ayay ku rumawday tuhunkii uu Siyaad barre kamuujiyay oo dalkii ayuu kusoo horkacay Cadawgii soo jireenka ahaa.
Waasuge Huriwaa.com Somalia