Ciidamada guutada 19aad ee xooga dalka Soomaaliya oo gaaray B/weyne iyagoo gadood ah
Jamaal Cismaan
_____________________
Muqdisho, 07 Feb, 2008 (WDN)-Ciidamo ka tirsanaa ciidan Mileteri oo ku xareysnaa garoonka Bali Doogle ee gobalka Shabellaha Hoose, ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ciidamadaasi oo la sheegay in ay gadoodeen. Ciidamadan oo u badan guutada 19aad ee xooga dalka Soomaaliyeed ayaanan la aqoon sababaha ka dambeeya godoodka.
Wararka naga soo gaadhaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in taliyaha ciidmadaasi Col. Axmed Cilmi Guuto, uu ka sheegay magaaalda Baladweyne inay ciidmadiisu uga soo tageen Balli Doogle si naftooda ay u badbaadiyaan, iyada oo ciidmadaasi aan la siin xaqoodii.
Wararka ka imaanaaya magaalada Balad Weye ayaa sheegaya in ciidamadaasi hadda ay ku sugan yihiin duleedka iyo meelo gudaha ah magaalada, waxana ay noqotay sheekadooda mid ka mid ah sheekooyinka ugu waaweyn ee Balad Weyne lagu hadal hayo. Lama oga wax cad ah oo illaa iyo hadda ay u tabanayaan ciidamadaasi.
Magaalada Balad Weyne ayaa hadda la ciir ciireysa amni darro baahsan iyadoo ka dhaceen falal dil qorshysan ah.
Ciidmadaasi gadoodka ah ayaa waxaa ku soo dhaweeyeen degmada Baladweyne xubno uu horkacyo gudoomiyha goblka Yuusuf Dabo-Geed.
Dhinac kelena taliyihii canshuraadka suuqa weyn ee xaafadda Howlwadaag ee degmada Baladweyne iyo ku xigeenkiisii ayaa shaaciyay inay iska casileen jagooyinkii ay ka hayeen dowladaha hoose ee gobolka Hiiraan.
Labadan mas'uul oo lagu kala magacaabo Cabeey Ibraahim Aadan iyo Cusmaan Xasan Maxamed ayaa waxay sheegeen inaysan sii shaqeyn karin, iyagoo sabab uga dhigay is casilaaddooda inay salka ku hayso dilalka ka billowday magaalada Baladweyne ee lala beegsanayo dadka howlaha ka haya gobolkaas.
"Waxaan doonaynaa inaan caddeyno inaan iska casilnay jagooyinkeennii si aan uga badbaadno kooxaha weerarrada ku haya saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan, mana doonayno inaan dib ugu laabano howlaheenna" ayay yiraahdeen labadaas mas'uul oo sheegay inay cabsi awgeed uga tageen shaqooyinkoodii.
Ma jiro mas'uul ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay iscasilaadda ay ku dhawaaqeen mas'uuliyiintaan ka tirsan waaxda canshuuraadka ee dowladaha hoose. Waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysya oo mas'uul ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan uu shaqadiisa ka tago.
Jamaal Cismaan
WardheerNews, Muqdisho
19th Division of National defense forces reached Beletwein.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 554 Views
-
Last post by sahal80
-
- 15 Replies
- 2052 Views
-
Last post by Keyse_0208
-
- 7 Replies
- 565 Views
-
Last post by xoogSADE14
-
- 19 Replies
- 1376 Views
-
Last post by galia
-
- 22 Replies
- 2008 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 0 Replies
- 387 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 76 Replies
- 6164 Views
-
Last post by Isseayaanle
-
- 87 Replies
- 6183 Views
-
Last post by WardenOfTheNorth
-
- 36 Replies
- 2125 Views
-
Last post by AbdiWahab252