Amniga Dekeda Kismaayo oo la Adkeeyay & Mobilada Toshalaha l

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Amniga Dekeda Kismaayo oo la Adkeeyay & Mobilada Toshalaha l

Post by CoolPoisons »

Adkeynta Xaalada Amaan ee Dekeda Caalamiga ah Ee Magaalada Kismaayo ayaa lagadareemayaa Afaafka Hore Ee lagasoo Galo Marsada Caalamiga ah iyadoo halkaasi na ay soo Buux dhaafsheen Ciidamada Amaanka U qaabilsan Beehsa Gacanta Maamuka Magaalada waxaana Meelaha ay Buuxdhaafsheen Ciidamada Kamid ah Xiradii Hore Ee Ciidamada Bada ee Mariino oo in kayar 3talaabo uga Beegan Dhinaca Beriga Magaalada.

Waxaana ay tilmaamyn Howlwadeenada Dekeda Caalamiga ah in loo kuur Galayo guud ahaanba Xaalada sidookale Dhinaca Beriga ee Xeebta Magaalada Kismaayo waxaa laga ilaalinayaa Dekeda weyn Ee Magaalada waxaana Halkaasi Laga dareemayaa Gaadiid atirsan kuwa dagaalka oo iyagu halkaasi ku waabariistay waxaana Baaritaanada Lagu sameeynayaa dadka isticmaalaya Daekeda iyo Gaadiibkaba iyagoo ay u gudbiyaan gudaha Dekeda Markii Su'aalo labeydiiyo .

Ciidamada U Qaabilsan Howhsa sare u qaadista amanka ayaa waxaa inta Badan ay yihiin kuwo Dadka weydiinaya Su'aalo ubadan waxyaabaha Dadku ay kadoonayaan gudaha iyo waxa ay uga socdaan gudaha Dekeda iyo Magacyada Dadka howshan ayaa waxaa looga Goleeyahay sida ay xaqiijinayaan sarakiil milateri oo kaqeyb Qaadaneysa Baaritaanadani in Gebi ahaanba lagu Adkeeyo sarena loogu Qaado Xaalada Amaan Ee gudaha magaalada Kismaayo iyadoola adkeynayo ilaha dhaqaale ee mihiimka u ah Gobolka J/hoose .

Waxaana intabadan iyagu lagajoojiyayay Gebi ahaanba Marsada In lalagalo taleefoonada gacanta lagu qaato gaar ahaan noocyada Ileyska ah oo ay Dadweynuhu ay u Yaqaanaan Tooshlaha ayadoo Saraakiisha Howsha Baaritaanadawadana ay ku Tilmaameyn in arimahaasi ay yihiin kuwo ay kawarqabaan iyagu in loo isticmaalo Qaraxyada Gacanta laga Hago taasina ay Keentay in iyagu ay joojiyaan in dekeda Weyn Lagu Dhexisticmaalo Bobilada Ileyska leh .

Intabadan Saraakiisha ayaa sheegay inay kadhex Baadi Goobayaan Marka taleefoonadaasi Gacanta ku dhigaan Barnaamijyo lasheegay in lagu isticmaalo Qaraxyada oo koonfurta wadanka Soomaaliya siweyn uga can Baxay .

Marka lagasootago dekeda weyn ee Magaalda Kismaayo ayaa Goobaha Kale ee ay Ciidamdadu kahowlgalayaana waxaa lamid ah wadooyinka waaweyn Ee Magaalada Kismaayo ayadoo Ciidamo Dareeshorleh Sitana Lagu Dhex arkayo Gudaha Magaalada Kismaayo islanarkaasna ay Dadweynuhu ay sheegeen in ay yihiin kubo Su'aalo Badan Dadka ay weydiinayaan Marka ay Arkaan Dadka Isticmaalaya Taleefoonada ileyskaleh magaalada Kismaayo ayaa arintani waxa ay tahay midi Ugu Sahameynta Weyneed Ee Laga dareemo Tan iyo intii uu dhacay Qaraxii 28/1/2008 ee aynu kasoo gudubnay .

Hasayeehsee Garoonka caalamiga ah Ee Magaalada Ayaa Isagu Xili Hore laga mamnuucay in lalagalo Tellfoonada taas oo lasheegay iyaduna in Si Deg deg ah uu halkaasi Shil uga Dhicikaro Marka Dadka Ku Gudajira Amaan Xumadaay iskula Xiriiraan .



Max'ed Salaad Cabdule

SBCInternational-Kismaayo
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”