Ciidamada Booliiska Soomaaliland oo Howlgal Laascaanood ka
Posted: Fri Feb 08, 2008 8:13 pm
Ciidamada Booliiska Maamulka Soomaaliland oo maanta Howlgallo ka sameeyay magaalada Laascaanood
Beerdhiga 08.02.2008 23:46
Waxaa maanta Ciidamada Booliiska ee gobolka Sool oo ku gaashaaman baabuurta tignikada ah ay ka bilaabeen Magaalada Laascaanood hawl gal loogu magac daray hawlgalka sugida Amniga magaalada, ciidankaas oo saaka baadhitaano ka bilaabay Gudaha magaalada laascaanood waxana isku balaariyeen dhamaan qaybaha magaalada Laascaanood iyagoo sheegay inay wadaan hawlgal lagu baadigoobayo kooxo ay ku sheegeen qas wadayaal, kuwaas oo sida ay hadalka u dhigeen uga shakisan yahiin in laga soo abaabulay Puntland.
Hawlgalka ciidamada Booliiska maamulka Soomaaliland fuliyeen maanta ayay kusoo qab-qabteen dad ay sheegeen in ay magaalada ka waday qas iyo qalalaase, dadkan oo ay ku tilmaameen kuwo ku hawlanaa inay magaalada khalkhal galiyaan iyagoo shacabka magaalada deggana ku dhiiri galinayay inay sameeyaan kacdoon shacbi.
Dadkan ayaa sida booliisku sheegay waxaa laga soo abaabulay dhinaca Garoowe,waxayna si dhuumaalaysi ah ku soo galeen magaalada,waxaana booliisku sheegeen in shacabka magaaladu ay la soo socodsiiyeen dadkan qasdoonka ah.
Waxaa kale oo ciidamadu gacanta kusoo dhigeen hub,rasaas, lacag jawaano laga soo buuxiyay iyo waliba ragii watay waxaana hada lagu hayaa saldhiga booliiska ee Magaalada Laascaanood iyadoo su'aalo lagu weydiinayo halkaas.
Taliyayaasha ciidanka booliiska ee gobolka Sool ayaa sheegay in nabada magaaladu ay wanaagsan tahay,oo qofkii danbi galaba si deg deg ah wax looga qabto isla markiibana sharciga la hor geeyo,taasoo ah arin ku cusub gobolka.
Waxaa kale oo Loo furay ciidanka Booliiska siminaaro iyo tababaro lagu barayo sharciyada.
Waa hawlgalkii ugu horeeyey ee ay sameeyaan ciidan Booliska Maamulka Somaliland tan iyo intii ay Magaalada ka baxeen ciidamada Puntland, waxayna magaaladu gacanta ugu jirtaa maamulka Soomaaliland oo dhawr dagaal kula galay maamulka Puntland oo ay ku muransan yihiin gacan ku haynta gobolada Sool iyo Sanaag oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.