(08-02-2008)Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay kulan ay wada yeesheen Wakiilka tigreega ee Gobolka Hiiraan Yuusuf dabageed iyo saraakiisha cadawga Tegreeda ee ku sugan deegaanka kala beyrka, uu dabageed kaga codsaday Saraakiishaasi in gargaar deg-deg oo ciidan iyo hub ah la siiyo, si uu isaga caabbiyo waxa uu ku tilmaamay kooxaha dagaalka ka wada Gobolka, iyo weliba maleeshiyo beeleedka dhowaan ka soo goostay kooxda mbagathi oo iminka isu diyaarinaya iney la wareegaan gacan ku heynta Gobolka Hiiraan.
Yuusuf dabageed ayaa waxaa soo wajahay cabsidii ugu weyneed oo uga imaaneysa Xoogagga Xoreynta Dalka, iyadoo haatana ay ashahaado la dirirka soo food saartay cabsi kale oo uga soo korodhay maleeshiyaad badan oo ay wataan saraakiil ka soo jeedda gobolka, dhowaantana ku soo laabtay degaanka, waxaana magaalada Beled Weyne xilligaan ka socda dhaq-dhaqaa ciidan oo ay wadaan maamulkii Yuusuf dabageed oo badankoodu ku biireen maleeshiyaadka dhowaan ka soo goostay kooxda mbagathi iyo saraakiishooda.
Lama oga jawaabta Saraakiisha Tigreegu siiyeen adeegohooda, waxaase muuqata in degaanka Hiiraan ay uga sii dhamaaneyso tabcanaha dabageed ee gobolka u gumeeyey maxaysatada wayaaniga oo iyaga qudhoodu aan cago badan ku taagneyn, kadib markii Xoogagga Xoreyntu ay dagaallo ba,an ku laayeen kuna quusiyeen cadowga.
Dadweynaha Gobolka Hiiraan oo culimadooda, Saraakiishooda, iyo dhallinyaradooda leh, ayaa u istaagay iney iska xoreeyaan gumeysiga ay wax-ma-garatada dabageed oo kale ah ku soo hoggaamiyeen, waxaana iska cad in dadka degaannada Hiiraan ay xilligaan u soo jeesteen ineyan quursi gunnimo ka qaadan doonin maxaysatada cadowga xabashida iyo dabadhilifyadooda.
Si kastaba; tuugsigaan uu xalay kaabo mooryaanka dabageed ugu tegey Amxaarada, ayaa ku soo beegmay xilli gobolka Hiiraan ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo balaaran oo bulshada gobolku uga xoreynayaan degaannada Hiiraan, cadowga tigreega iyo Cammiishooda.
Dhaq-dhaqaaq isbedel oo ka socda Beled weyne, iyo dabaged oo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 550 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 22 Replies
- 1674 Views
-
Last post by udun
-
- 1 Replies
- 340 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 4 Replies
- 684 Views
-
Last post by Beled Weyne soulja
-
- 19 Replies
- 1386 Views
-
Last post by Tourette Syndrome
-
- 16 Replies
- 1253 Views
-
Last post by Candy_Triggers
-
- 8 Replies
- 750 Views
-
Last post by Mizzy_Flame
-
- 66 Replies
- 4859 Views
-
Last post by Beled Weyne soulja
-
- 2 Replies
- 575 Views
-
Last post by Gang Green Yunga
-
- 1 Replies
- 404 Views
-
Last post by R.I.P Kiyan