MAXAAD KA TAQAAN BAARDHEERE ?

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

MAXAAD KA TAQAAN BAARDHEERE ?

Post by CoolPoisons »

BY : ZEYLICI ADEN URUR

Yabdi69@hotmail.com

TORONTO-CANADA



Waxaa laga yaabaa in aad maqashay magaca BAARDHEERE , laakiin ayna kuu suurogelin ia aad tagto oo aad booqato halkaas, waa magaala fac weyn oo taariikh dheer leh, waxayna ka mid tahay magaalooyinka faca weyn ee koonfurta SOMALIA sida Muqdisho, Baraawe IWM.



Wallow aanay xeeb ku oolin, hadana waxaa bartamaha magaalada mara Webiga JUBBA oo malaha taas ayaa ugu wacan in magaalo caan ah oo taariikh hore leh ay noqoto, sida la ogyahayna ilbaxnimooyinku waxay ka aasaasmaan oo ka bilowdaan meel BAD ama WEBI leh ama haddan si kale u dhigo bulshooyinka Kalluumeysatada ama Beeraleyda ahi waa ka ilbaxsan yihiin oo ka horumarsan yihiin kuwa reer Guuraaga ama Xoola dhaqatada ah oo iyagu mar walba Xoolahooda iska daba socda oo meeshii Baad iyo Biyo leh u raaca, halka labada hore ay yihiin kuwo deggan oo Badda iyo Webiga ka ag dhaqaaqin.

BAARDHEERE waxay ku taal oo dhacdaa Koonfur-Galbeed SOMALIA, waxayna Caasimadda MUQDISHO u jrtaa ilaa 400 km, waxaan halkaas ku noolaa oo aan joogay (1983-1991 ), waxaana markii iigu horeysay ee aan tegay dareemay oo ii muuqatay in ay tahay magaalo la wada deggan yahay oo qabaail Soomaaliyeed oo badani ku wada nool yihiin, iyadoo aad moodo in ay hal Qabiil yihiin ( JAMAACA ) sida ay u wada dhaqmayaan oo isu ixtiraamayaan, waxa wax ka barta boqolaal dhallinyaro ah oo xataa iska dhaaf Soomaaliyee qaarkood dalal kale ( ETHIOPIA ) ka yimid.



Waxaana ardeydaas oo Quraanka iyo Shareecada ISLAAMKA bartaa ay la nool yihiin qoysas aanay isku qabiil aheyn oo aanay hore u aqoonin, waxaana dhaqankaas Baardheere looga yaqaan TAXALUQ oo ah eray AF- Carabi ah oo micnihiisu yahay in ardeygaasi la nool yahay oo dhib iyo dheefba la wadaago qoyskaas, waana dhaqan ay Baardheere caan ku tahay , tan kale waa Xarun Diineed oo fac weyn leh oo caan ku ah barashada CILMIGA AXKAAMTA oo culimo aqoon sare u leh oo weliba kuwa Jaamacadaha ka soo baxay aan waxba u ogeyni ay dhigaan, waxaa kaloo jora SHEEKH laga dambeeyo oo la ixtiraamo ( SHEEKHU-AL-BELED ), kaas oo la weydiiyo wixii diinta ku saabsan oo la isku qabto ama la isku khilaafo.

Waxay BAARDHEERE caan ku tahay wax soosaarka BEERAHA iyo weliba tan XOOLO dhaqashadaba, waxaa mara Webiga JUBBA, waxaana Webiga labadiisa dhinac saaran kumanaan Matoor oo kumanaan Beerood waraabiya, BASASHA ayey caan ku tahay, waxaana la sheegaa in Basasha Baardheere ay tahay tan ugu tayada wanaagsan SOMALIA oo dhan, waxaa kaloo aad uga baxa TUBAAKADA oo waayadan dambe aan sidii hore aan loo beerin mar haddii aanay wax nacfi ah laheyn, GALLEYDA,SIN-SINTA, MOOSKA, CAMBAHA iyo wax kastoo la beero ayaa halkaas ka baxa,waxaa kaloo intaas dheer labada xilli ee GUGA iyo DEYRTA.



Waxaa la beertaa MESAGADA ama HARUURKA oo aad uga baxa halkaas, Wakaaladdii ADC waxay ku laheyd halkaas Bakhaarro waaweyn oo kumanaan iyo kumanaan kiintaal oo BADAR ah lagu keydiyo iyadoo loo iib geyn jiray Gobollada aan beerashada ku fiicneyn.

MASHUUCA BIYO-XIREENKA BAAR-DHEERE, waxaana saldhigiisu ku yaal meel 30km bariga kaga began Magaaladan ( MARKABLEY ),.

Waxaana culimada cilmiga dhaqaalaha ay sheegaan in hergelinta Mashruucan uu ahaa horseedkii barwaaqada iyo baraaraha SOMALIA, waxa daraasaddiisa oo soo martay heerar badan ay soo bilaabatay ilaa xilliigii uu TALYAANI ( ITALY ) ka talinayey Somalia, waxaana sida magaca Markabley ka muuqata halkaas ku qalbmay oo weli raadkiisii ka muuqdaa Markab uu Talyaanigu lahaa, laakiin daraasaddii ugu dambeysay oo ay Dawladdii KACAANKU sameysay waxa maantadan laga heli karaa Xarunta BANKIGA DUNIDA(WORLD BANK) ee WASHINGTON D.C.



Waxayna Xukuumaddii KACAANKU aad ugu dadaashay in Mashruucani hirgalo , laakiin Dawladihii iyo Haadihii maalgelinayey ayaa ka caga jiiday oo diidanaa, in kastoo sannadihii ugu dambeeyey Dawladdii Marxuum MAXAMED SIYAAD BARRE ay gor-gortan iyo wada hadal ku la jirtay Dawladda CHINA sidii Mashruucan ay u la wareegi lahedyd, waxaan Magaaladan TORONTO oo aan degganahay kula kulmay sarkaal sare oo Mashruucan ka tirsanaa oo wax badan iiga sheegay marxaladihii uu soo maray BARDERE DAM PROJECT(BDP).



Waxaanu loo aasaasay Wasaarad dhan Wasaaradda Horumarita Dooxada Jubba oo uu Wasiir ka ahaa Dr. AHMED HABIB AHMED oo aan filayo in uu Dalka BELGIUM hadda ku nool yahay, waa laba qeybood oo waaweyn Mashruucani : WARAABIN dhul beereed boqolaal kun oo Hectar ah iyo KORONTO DHALIN uu dabooli karo baahida koronto ee SOMALIA, ilaa 3,000, 000 ( Saddex Milyan ) oo beeraley ah ayaa loogu talagalay in la dejiyo Dhul beereedka DOOXADA JUBBA, waxaa markii ugu dambeysay Maareeye Guud ka ahaa Masruuca Biyo-xireenka Baardheere Dr. BASHIIR DHIIN oo aan filayo in uu U.K deggan yahay, rajo intee leg baadse akhristow ka qabtaa in Mashruucani hirgalo oo uu shaqeeyo ?.

Barwaaqada iyo Baraaraha BAARDHEERE ee haddii ALLAH idmo rajada laga qabo waxaa ka mid ah keyd SHAMIINTO ( CEMENT ) oo laga helay Tuulada CAANOOLE oo Koonfurta 35km ka xigta Magaalada, waxaa kaloo Tuulada FAA-FAXDHUUN oo 80km Galbeed kaga beegan BAARDHEERE la filayaa in keyd SHIDAAL (CRUDE OIL) uu ku jiro,waxaana baaritaanno ku samaayey qaar ka mid ah shirkadaha batroolka baara , waxaa dhowaan booqday Magaaladani oo iiga warramay xaaladaheeda maanta Saaxiibkay MOHAMED ABDULLAHI HERSI oo sawirrada halka aad ku aragto soo qaaday, wuxuuna ii sheegay in Baardheere oo dad aad u badani ay hadda ku nool yihiin uu Maamul iyo Nidaam ka jiro , Odayaal Dhaqameedyo wixii dhib ah oo dhaca daweeyana ay joogaan, Dhowr dugsi oo ardey badani ay dhigtaana ay ka furan yihiin, wax badanse ma ka ogaatay oo ma kaaga baxeen BAARDHEERE.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: MAXAAD KA TAQAAN BAARDHEERE ?

Post by CoolPoisons »

Sayid Abdule Hasan learned Koran in Bardera
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”