DHISMAHA ISMAAMULEEDKA JUBBALAND WAXAA HORTAAGAN CANAASIIR AAN DOONEYN MUWAADHINIINTA 3 GOBOL INAY AAYAHOODA KA TASHADAAN. URURKA HORUMARINTA GOBOLADA JUBBOOYINKA, WAXUU U BALLAN QAADAYAA SHACABKA GOBOLADA JUBBOOYINKA INAYAN CIDNA MARTI UGA NOQON DOONIN DHISMAHA JUBBALAND, LANA HIRGELIN DOONA DAWLAD GOBOLEEDKA ISMAAMULKAASI SANNADKAN 2008, IYADOO WAAFAQSAN DHAMEEYSTIRKA NIDAAMKA FEDERAALIGA EE DAWLADDA DALKA KA TALISO.
Waxaa lama huraan ah inaan maskaxda ku hayno in Axdiga Dawladda Federaaliga uu ku qeexan yahay in Dawladda ay tahay Dawlad Federaaliya. Mar haddii Axdiga ku qeexan yahay in Shacabka Soomaaliyeed uu aayahiisa ka tashado, waxaa lagama maarmaan ah in sida ay Gobolada Ismaamul Goboleedka Puntland iyo Soomaaliland uga tashadeen Aayahooda oo ay sameeysteen Ismaamul Iyaga u qaas ah ay Dhammaan Gobolada Dalka intiisa kale iyaguna u sameeystaan doonaan nidaam ka dhaxeeyo oo ay Aayahooga uga tashadaan.
Waxaan soo dhoweeynaynaa nidaamka ay sameysteen Gobolada Soomaaliland iyo Puntland oo ah mid u daneeynayo shacabka ku nool Goboladaas inay u horseedaan horumar iyo badhaadhe.
Waxaan kasoo horjeednaa cid kastaa oo duulaan ku ah nidaamkan federaaliga oo dhammaan dalka u horseedayo horumar iyo inayan mar kale soo noqon dhibaatooyinkii horay loola kulmi jiray.
Waxaan soo dhoweeynaynaa horumarka ay gaareen Ismaamul Goboleedyada Puntland iyo Soomaaliland dhinacyada Waxbarashada, Siyaasadda heer Ismaamul, iyo Dhaqaalaha.
Sidaa darted, waxaa lagama maarmaan ah in Dalka intiisa kale ay dedejiyaan hadba inta Gobol oo isu-tegi karto midnimadooda , isla markaana ay sameystaan Ismaamul Goboleed Iyaga u qaas ah, si ay u dhameeystiraan Nidaamka Federaaliga ee uu qeexayo Axdiga ( Dastuurka) Qaranka .
Waxaan marnaba la qaadan Karin in la siifiirsado Nidaamkii Jabhadeynta iyo awood sheegashada Dagaal Ooga-yaasha dalka dhibaatada ku hayey 17 sanno lasoo dhaafay.
Shacabka Soomaaliyeed, waxaa godob ka galay Dalalkii reer Yurub ee soo Gumeeystay sida Talyaaniga, Ingiriiska, Fransiidka iyo Bortoqiiska ( 1549 Bortoqiis against Ahmed Gureey) oo runtii kala qeeybiyey isla markaana gacant u geliyey xitaa dalal Afrikaanka qaarkood sida Soomaali Ogaadeen gacanta Xabashida (under Ethiopian), NFD under Kenyan Authority, iyo Djibouti oo Dawladda Fransiiska ay ku sheegto inay tahay Dawlad xor ah., laakiin aanan ahayn ee ilaa Xornima- ku sheegii 1977 ay qaadatay Ciidamo xoog leh la kordhigay, si ayan ugu darsan Dalka Soomaaliya..
Shacabka Soomaaliyeed iyo shucuubta reer Ethiopia iyo Kenya , waxaa la dhex dhigay cawtinimo aysan weligood iska xalin Karin si aysan marnaba heshiis dhexdooda ah u helin.
Waxuu Ururka ugu baaqayaa shacabka seddexda dal inay hadda iyaga ka tashadaan dhibaatada reer Yurub uga tageen, xal u helaan sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen iyagoo aanan xabad isu adeegsan.
Shacabka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqeeynaa inay u midoobaan jiritaanka dalkooda, Dadkooda, Diintooda , iyo Dhaqankooda, kana xoroobaan cawaaqib xumada ay ku sugnaayeen 17 sanno ee lasoo dhaafay. Kana faa'iideystaan saxan saxada Dawladnimo ee dalka ka ifeeyso. Iyagoo aan eegin Cidda ay ka dhasheen Mas'uuliyiinta Qaraaaan ee ee labada Gole ee ilaalinayaa maslaxadda shacabka .
Gobolada Jubboyinka waxaa soo wajaha mawjado isdaba jog ah oo lagu carqaladeeyo ka hortaga dhismaha Ismaamul Goboleedka Jubbaland, waxaase hubaal ah in muwaadhiniinta Gobolada Jubbooyinka ay si Geesinimo; Ad-adeeyga, iyo hawl karnimo uga gudbi doonaan marxalad kastaa oo soo foodsaarto..
Waxaan ugu bishaareeynaynaa shacabka Gobolada Jubbooyinka in Guddiyo ay gacanta ku hayaan dhameeystirta nidaamka Dawlad Goboleed Ismaamulka Jubbaland, kuna bixinayaan doona juhdi ama dadaal kastaa sidii loo dhisi lahaa Dawlad Goboleedka Jubbaland sannadkaan 2008.
Idaaradda Ururka waxay dhawaan idiin soo gudbin doonta hawlaha dhameystirka Dawlad Goboleedka, kadibna loo gudbin doona Guddiyada ku hawlan dhismaha Ismaamulka 3 Gobol.
Shacbiga Gobolada Jubbooyinka, waxaan ugu baaqeeynaynaa inay si feejigan uga digtoonaadaan Makasta u guntatay inay Khubarada Ajnabiga iyo Aqoon yahanniinta doonayo inay Gobolada Jubbooyinka wax u qabtaan Miinooyinka u dhigayo, si digaanadaas u noqdaan klama galeen.
Inta lagu dhawaaqayo Dawlad Goboleedka Jubbaland sidaa ayeey Makasto ogu dadaali doonaan inaysan halkaan waxba ka hirgelin , bacdamaa ay Iyagu u arkayaan inay sadkoodii soo meelaysteen..
IDAARADDA URURKA HORUMARINTA GOBOLADA JUBBOOYINKA
ururkahgj@live.com
URURKA HORUMARINTA GOBOLADA JUBBOOYINKA (GEDO,J/DHEXE,J/HOO
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 11 Replies
- 901 Views
-
Last post by mahdi01
-
- 0 Replies
- 298 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 275 Views
-
Last post by CoolPoisoninthisbijj
-
- 24 Replies
- 1879 Views
-
Last post by VeiledGarbasar
-
- 18 Replies
- 2076 Views
-
Last post by hargaysaay