http://www.allwadani.com/allwadani%20ne ... age002.jpg
http://www.allwadani.com/allwadani%20ne ... age004.jpg
Odayaal ka Socda Degmada Cadaado oo Magaalada Caabudwaaq u yimid wada Xaajood Nabadeed.
Nabdoono ka socda beesha saleebaan ee cadaado ee gobolka galgaduud ayaa waxaa ay yimaadeen magaalada caabudwaaq ee isla gobolkaasi, duqaydaan ayaa waxaa ay usocdeen sidii ay heshiis ula qaadan lahaayeen beesha wagardhaceed oo muda yar ka hor 4-nin oo saleebaan ah ku dushay aga gaaraha gilinsoor.
Guurtida reer cadaado ee hada ku sugan magaalada caabudwaaq ayaa waxaa ka danbeeyay imaatinkooda kadib markii ay qaar ka mid ah beelaha mareexaan ay xiriir la sameeyeen sidii looga wada xaajoodo loona xaliyo dhimashadii 4-tii nin uu ugu danbeeysay ee la ga dilay beesha saleebaan, waxaana horkacaya beelaha dhigay gogosha Nabada ee lagu dhex dhexaadinayo beelaha saleebaan iyo wagardhac beesha Reer Siyaad Xuseen.
Nabadoon Cali Geedi oo ka mid ahaa odayaasha reer cadaado ayaa waxaa uu allwadani u sheegay in ay beeshoodu aad ugu faraxsan tahay sida wanaagsan ee ay noosoo dhaweeyeen waxgaradka reer caabudwaaq qaas ahaan soo abaabulayashii shirkaan oo uu ka magacaabay nabadoon faarax nuure xuubeey oo asna goobtaasi joogay.
Dadka reer caabudwaaq ayaa waxaa ay si weeyn u hadalhayaan maanta gudigaan Nabadoonada reer cadaado iyo iyo sida ay noqon doonto xaalada hada loo fadhiyo ee ah xal ka gaarista dhibaatada labada beelood ee dariska ah kuwaasoo ah saleebaan iyo wagardhac.
Af-hayeenka shirka nabadeeynta beelahaas oo ah Cali Saafi Cabdille Jimcaale ayaa waxaa uu allwadani u sheegay in maanta oo ay tahay 14-2-2008 uu si toos ah u furmi doono shurku waxaana ka soo qayb galaya dhamaan waxgaradka labada beelood iyo dhex dhexaadiyaasha kulankaas oo horay loo sii qorsheeyay.
Xaafiiska Warqabadka Allwadani
Allwadani@live.com
Rer Siyad Husein makes peace between Wagerdha and Salebaan
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
- Voltage
- SomaliNet Super
- Posts: 29214
- Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
- Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron
Re: Rer Siyad Husein makes peace between Wagerdha and Salebaan
Nabadu waa qaali
- Shankaroon_614
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4644
- Joined: Tue Feb 14, 2006 5:21 pm
- Location: Dhabad, Caabudwaaq, and Baledxaawo!!
Re: Rer Siyad Husein makes peace between Wagerdha and Salebaan
Whatever *rolls eyez*
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: Rer Siyad Husein makes peace between Wagerdha and Salebaan
[quote="Shankaroon_614"]Whatever *rolls eyez*[/quote]
Without Rer Siyad Husein, Wagerdha would still karbash the hutu Salebaan but war's not good.
Rer Siyad Husein, the Nabdons of Galgadud and Mudug.
Without Rer Siyad Husein, Wagerdha would still karbash the hutu Salebaan but war's not good.
Rer Siyad Husein, the Nabdons of Galgadud and Mudug.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 17 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 2 Replies
- 687 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 7 Replies
- 586 Views
-
Last post by precious_dyme