Laascaanood Puntland ayaa Laga Qabsaday iyo Laascaanood Dawalada Federaalka ah ayaa Laga Qabsaday...
Nairobi-Kenya February 19, 2008
Waa Riwaayad ay Jilayaal ka yihiin Laba Kooxood isku si wax u wada Xafiisyadooduna ku Yaalaana Garoowe iyo Baydhaba,mashraxa la doonayo in riwaayadaas lagu jilo wuxuu ku yaalaa magaalada Laascaanood waxaana loo ogol yahay in ay daawadaan Shacabka Sool,Sanaag iyo Cayn oo keliya,tigitka loo goosanayona waxaa jaraya qaar ka Mid ah Isimada Sool,Sanaag iyo Cayn waxaana daawan Doona.....
Riwaayadan waxaa isku soo duba ridey isla markaasina u sameeyey qaabka loo jilayo Col.Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxaana Dhinaca Laxamka ku Kabay Gen.Cade Muuse oo isagu ah in uu meel mariyo daawshada Riwaayadan.
Shacabka Sool,sanaag iyo Cayn ayaa ah kuwo maalinba masrax cusub looga jilo Riwaayad iyo indho sarcaad ku saabsan soo celinta Magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay haatan ku sugan yihiin Koox u dhalatay SSCayn hase yeeshee u adeega kuwa Midnimada neceb ee gooni isu taagu madax maray.
Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Col.Cabdulaahi yuusuf Axmed ayaa iyaduna markeeda soo gasha Jilayaasha Riwaayada iyo indha sarcaadka loo dhigo Shacabka Sool,Sanaag iyo Cayn iyaga oo hal hays ka dhigtay"laascaanood waxaa laga Qabsaday dawlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo hadalo la mid ah,tani waxay si kale wax u tustaa shacabka Sool,Sanaag iyo Cayn gudo iyo Dibedba.
Dhinaca kale waxay Riwaayadani dhaawac ku tahay oo ka hor imaanaysaa gacantii dadka Dhulka Sool Sanaag iyo Cayn u Dhashay ee Qurbaha Ka ururinayey Dhaqaalaha loogu talo galay in lagu xoreeyo dhulka SSCayn qaab beeleedna wax la isaga celiyo wax kasta ha la xisaabiyee.
Dhinaca kale Riwaayada laga Jilo garoowe ayaa waxaa "actor"ama jile ka ah Cade Muuse oo ku maaweeliya Isimada iyo Odayaasha Dhulka Sool,Sanaag iyo Cayn bil ha la ii qabto cirkaan soo ridayaa iyo waxa aan sameeyo waa la arki doonaa,tanina waxay dareenkoodii ku aadanaa Difaaca Dhulka iyo sifaynta cadowga jiifisay Isimadii iyo odayaashii u tafa xaytey in Dhulka la xoreeyo cadowgana la iska kiciyo.
Siyaasiinta u Dhalatay Dhulka Sool Sanaag iyo Cayn waxay u qaybsamaan "afar qaybood oo kala ah" sidan hoos ku cad.
Siyaasiin ku hoos jira gacanta jabhada SNM oo guryo looga kireeyey hargeysa mushaharna looga qoray dhaqaalihii UNku ugu talo Galeen degaanadii ay ka soo jeedeen ee Sool,Sanaag iyo Cayn.
Siyaasiinta ku hoos Jirta Gacanta Cabdulaahi Yuusuf oo iyagana Guryo looga kireeyey magaalada baydhaba ee xarunta Gobolka Bay,oo iyagana lagu qanciyo waxaad Tihiin harti biilkana halkaas lagaga bixiyo oo sidaas ku qanacsan.
Siyaasiin ku hoos jira gacanta Cade Muuse oo garoowe Guryo looga kireeyey iyada oo loogu yeero magacyo badan Sida"Garaadka,Mas'uulka iyo Darwiishka kooxdanina waxay ku qanacsan yihiin Biilka laga siiyo Dekeda Boosaaso iyo magacyadan kala Gedisan ee loo bixiyey.
Siyaasiin hore oo ruug cadaa ah oo qaxooti ku ah dibeda oo ka sheekeeya Makhaayadaha ay yimaadaan ragii yaqaaney berigii ay Hogaanka dawladii Burburtay wax ka ahaayeen,iyagana waxaa loogu yeeraa magacyo ay ku qanacsan yihiin sida "Prof,Ammbassadore,Genarale,iyo magacyo kale oo ay iyagu aad ugu qanacsan yihiin in loogu yeero.
Dhamaan Kooxahan afarata qaybood ka kooban ee ka soo jeeda Dhulka Sool,Sanaag iyo Cayn Buruburkii Soomaaliya ka dib wax xog hoosaad ah oo ay ka hayaan dadkooda iyo dhulkooda ma jiraan,ma garan karaan dhinaca burburkii ka dib loo guurey iyo xataa meesha awrka loo raray ee hayaanka ama geediga loo yahay maanta,mana oga mustaqbalka dhulkoodii iyo dadkoodii meesha uu maanta ku danbeeyo.
Shacabka Sool ,Sanaag iyo Cayn Ceela uma Qodna Cidina uma maqna,waxaa la gudboon in hadii ay Nabad , Walaalnimo, derisnimo Soomaalinimo iyo Muslinimo lagaga leexan waayey in ay Dagaalamaan ilaah baa og ninka guushu raaci ,in ay dhulkooda ka xoreeyaan Cadowga Muuqaalka Soomaalida leh ee ku amar ku taaglaynaya.
Dadka aan Siyaasiinta ahayn ee ku dhaqan dalka Dibediisa Waxaan oran lahaa ka fekera Dhulkiina iyo dadkiina una damqada Dhulkiina Dhulalka aad joogtaan ma lihidin ee waxaad ku tihiin qaxooti si kasta oo aad sharci u qaadataan,ahadana waxaad tihiin soo galooti,u tudha oo Mustaqbal u sameeya ubadkiina dadkiina ku sugan Sool,Sanaag iyo Cayna la qaybsada Dhib iyo Dheef difaacana kala qayb qaata Dhinac Walba.
Wabilaahi Towfiiq
Xasan Xuseen
Xargaga Online
Nairobi Kenya
HARGEYSA GAROWE AND BAYDHABO SIYAASAD
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 45 Replies
- 4230 Views
-
Last post by Smile-LiKe-SuN-RiSE
-
- 23 Replies
- 1891 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 10 Replies
- 109 Views
-
Last post by EmperorofEyl
-
- 23 Replies
- 1705 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 13 Replies
- 1661 Views
-
Last post by Kismaayo21
-
- 6 Replies
- 355 Views
-
Last post by shidow1
-
- 20 Replies
- 1078 Views
-
Last post by Cigaal-Siyaad
-
- 0 Replies
- 314 Views
-
Last post by Spursman
-
- 15 Replies
- 1248 Views
-
Last post by Hodan94