Waxgrad Iyo Odayaal Ka Tirsan Beesha Reer Xirsi Diini Oo Baa

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Waxgrad Iyo Odayaal Ka Tirsan Beesha Reer Xirsi Diini Oo Baa

Post by CoolPoisons »

Odayaal iyo waxgrad ka soo jeeda beesha Reer Xirsi Diini oo ku kala sugan wadamadda Maraykanka, Yurub, Kenya iyo Itoobiya oo la soo xiriiray xafiiska Gedonet ee magaalooyinka Columbus iyo Kampala ayaa sheegay inay aad ugu xun yihiin dilkii ka dhacay caawa magaalada Caabudwaaq oo nin gacan ku dhiigle oolaba marxuum oo la kale yiraahdo Hurre Warsame Xiireey iyo Cadaawe Cigaal oo labaduba midna uu la dhashay, midna ay ilmo adeer ahaayeen. Waxayna waxgaradkani tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen labada marxuum.

Waxgaradkani waxaay codsigooda ku sheegeen in ninka falka dilka geystay lagu qaado shareeecadda islaamka oo la qasaaso, taasina ay tahay midda kaliya oo xal waara lagu keeni karo, falalka dilka oo noocaan oo kale ahna looga hortagi karo. Waxgradka iyo odayaasha ayaa sidoo kale ka digay in haddii gacan ku dhiglahaas la daayo ay keeni karto cawaqib xumma, taasoo ay sheegeen inaaysan u wanaagsanaan dadka degaanka.

Gacan ku dhiiglaha ayaa horay ugu dilay magaalada Caabudwaaq marxuum la oran jiray Saciid Darbaal kaasoo abti ugu aadanayaa gacan ku dhiiglaha. Wararkii ugu dambeeyey oo uu soo tabinayo wariyaha magaalada Caabudwaaq ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha maanta falkaan gaystay lagu hayo saldhigga booliska ee magaalada, maalinta berri ahna maxkamad la horkeeni doono.

Odayaasha iyo waxgaradka soo saaray baaqan:

1.Aadan warsame xiiray
2. Col. cabdigeelle dabaalay
3. Nabadoon cabdixaashi dhoore
4. Xasan dhoomey ciise
5. Cismaan xaraare xirsi
6. Xasan xaashi dhoore {wayax}
8. Sayid saleebaan ashkir gurbe
9. Timajilic xirsi beyle
10. Cabdi xayd gurbe

GEDO-NN-Columbus-News Desk
GEDO-Kampala News Desk
S-D-M
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5774
Joined: Tue Dec 20, 2005 6:03 pm
Location: Never take life seriously. Nobody gets out alive anyway.

Re: Waxgrad Iyo Odayaal Ka Tirsan Beesha Reer Xirsi Diini Oo Baa

Post by S-D-M »

Is one of the vicitims the brother of the killer?. I think the killer madax baa loga jiraa and in Islam lama qisaasikaro ruux waalan.



Peace.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”