Haradii walwaaleed oo ilaah hiba idiin siiyey

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Haradii walwaaleed oo ilaah hiba idiin siiyey

Post by CoolPoisons »

HORWAYN BAA LA KALA QAADI JIREY HARADII DOOLLOODE
Maanso: C/nur maxamud (Qurux).talokeen

Waxaan aad uga xumahay walaalahay CELI IYO REER BICIDYAHAN iyo dagaalka dhex maray, runtii meel aan niyad jabkayga aan dagaalkooda kaga xumahay ku soo gudbiyo ayaan horay u la'aa ilaah mahaddiise waxaan hadda helay muraayddaan.
Walaalayaal ehelkaygii qaaliga ahaayoow waa inaad joojisaan dagaalka ehelka.
Waxaan runtii aad uga xumahay in aan maanta idinka joogo shaqsi ahaan meel aad idiinka fog, aanse qiyaasayo in ehelkeennii wixii gayiga ka joogey ay gurmad iyo gar garyo idiinku yimaadeen.
Walaalayaal waxaa saxaafaddu idinku tilmaantay dad aan wax qiimo leh ahayn, oo naftii wiilashooda ku waayey wax aan qiimo lahayn iyo daaqsin iyo barkad DHUL ABAAR ay hayso laga qotay iwm.
Walaalayaalow waxaan txidaan yar idiinku tilmaamayey in dhankii aad doontaan ay walaalihiin idin jecel idinka xigeen, dhulkuna uu dhammaantiin aad idiinka badan yahay. Maashaa allah.
Ilaahay nimcadiisa ku shukriya oo degaanka qaaradda dhan ah oo ilaah gacanta idiin geliyey meeshaad doontaan ka dega oo berkado ka qota, oo guryo ka dhista.
Ha iiga xumaanina erayada maansada ugu danbaysa, waxaan idin iraado kolley waa midaan idin la ahay aniguba, hase ahaatee haddii mid naga mid ah wax ducufada sidooda ah ku dhaqmo ama naftiisa uu ka dhigo wax aan qiimo lahayn waa in lagu caayaa oo loo sheegaa inay tahay fal-fal xumo iyo nasabnimo ka dheeraansho.

Maansadii waa tan:

Haradii walwaaleed oo ilaah hiba idiin siiyey

Hogga jiracle, hawdkii wardheer iyo balanbal hooskiisa

Shilaaboo intuu roobku helay wada hillacaysa

Had iyo goor gallaadiyood ka helin il'ad ka haag beesho

Haddii aad hamuun wali qabtood horay uga sii dhaafto

Bal hareerta yaa idinka xigee hooto kuu quurey

Hooyadiin halyeeyaday dhashiyo hagar la'aantooda

Hanti badane reer DIINI oodan hoo ka waayaynin

Boqor hufan, hartida bari degtiyo badaha heeggooda

Leelkasahan higlahan dhow deggane hilib ku sooraaya

Ogaadeenka haaf qaaradeed oo hantiya haysta

Dhabbad hoose wagardhaca hagaag hebedyo maalaysa

Halkii aad istaagtood geyiga hagarla'aan joogtey

Hilibkaa nagubayee wallee hadal u maqalntiine

Waxa uurku nala hurahayaa waa hanyaridiinna

Ee hal yar baan kusii darahayaa hogo dhaclayntayda

Bicidyahanow heerkaad lahayd ha iska hoos dhigine

Oo Habsami iyo sharaftaadi yay Celiyow kaa haadin

Horweyn baa la kala qaadi jirey harada doolleede

Naftoodana rag waa u huri jireen had iyo gooraale

Ee Inaad Hawser daaq aanan jirin hoobiye u tuurto

Oo aad haween iyo carruur holaca qiiqsiiso

Hoheey way'na aad raacisaan kuma habboonayne

Haddii hogol kaliileed naflihi maanta hurinayso

Nasab hayb wadaagaa hunguri kuma hadhiinnowdo

Oo kii in yara soo helaa wuu hanbeeyaaye

Daaroodba hayb uma gashaan oo hunufyo baad tiine

Hadda keena hanaddadaad disheen haawi yahay liita

abdinur mahamud Qurux:talokeen
amohmoud@hotmail.com

wuxuu khaas u yahay qoraaga gabaygan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”