Dowlad La Aan Wa Dal La Aan!!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Pictures From Mogadishu Today Police Celebrate Anniversary

Post by Somalian_Boqor »

Sanad-guuradii 38-aad ee Ciidanka Asluubta

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 22-Febraayo-08


Munaasabad lagu maamuusayay 38-guuradii ka soo wareegatay Maalintii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed la aas aasay ayaa manta lagu dhigay Xabsiga Magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas'uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka, Saraakiisha Ciidamada Dowladda, Maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf aad u badan.

Xubnihii ka soo qeyb galay xafladaas ayaa waxaa ka mid ahaa Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka 1aad ahna Wasiirka Cadaalada iyo Diinta Prof. Saalim Caliyow Ibrow, Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka 2aad ahna Wasiirka Waxbarashada Ceydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Nuur Iidow Beyle, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Biyaha Maxamed Gaanje iyo Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Gen. C/llaahi Macalin Cali oo ah Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn ka warbixiyay wax qabadka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isagoona sheegay in Ciidanka asluubta si rasmi ah ay ugu biireen Ciidamada qalabka sida sanadkii 1970-kii, xilligaasoo uu sheegay in aheyd markii dhidiba loo aasay.

Genanka ayaa sheegay in Ciidanka Asluubta ay qabtaan howlo badan oo isugu jira difaaca qaranka, ilaalinta xabsiyada iyo xanaaneynta caruurta agoonta ah.

Waxa uu kaloo sheegay in Ciidanka Asluubta ay si toos ah ugu xiran yihiin Wasaarada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska iyo qeybaha kale ee Ciidanka Dowladda.

Gen. C/llaahi ayaa waxa uu kaloo tilmaamay in 58 Xabsi ay maamusho Taliska Ciidanka Asluubta kuwaasoo u kala baxa Xabsiga Dhexe, Xabsi gaar ah, xabsi furan, Xabsi Gobol, Degmo iyo Xarumaha agoonta, kuwaasi oo uu sheegay in 20 ka mid ah ay ku yaalaan Deegaanada Puntland halka 38 kalena ay ku yaalaan Deegaanada Koonfurta.

Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadashay Wasiirada Haweenka iyo horumarinta Qoyska Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye sheegtay in maalinta Ciidanka Asluubta ay tahay maalin xusid mudan, waxayna cadeysay in Ciidanka Asluubta iyo Wasaaradeyda ay yihiin kuwo isla shaqeynaya, iyagoo tababaraya Gabdhaha agoonta iyo wiilsha ee ku jira Xeryaha Ciidanka Asluubta.

Ugu dambeyn waxaa Xaflad ka hadlay Ra'iisul wasaare Kuxigeenka 1aad ahna Wasiirka Cadaalada iyo Diinta Prof. saalim Caliyow Ibrow oo daboolka ka qaaday in Dowladda Federaalka ay ahmiyad ballaaran siineyso Ciidamada Qaranka.

Prof. Ibrow ayaa sheegay isagoo ku hadlayo Magaca Madaxweynaha iyo Kan Xukuumada uu maanta hambalyo u dirayo dhamaan Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, wuxuuna ku amaanay dadaalka dheeraadka ah oo ay u galeen ilaalinta Xabsiyada iyo xerooyinka ay ku hayaan agoonta soomaaliyeed.

Xaflada maalinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo bandhigay riwaayad ka turjumeysay waxqabadka Ciidanka Asluubta, taasoo ay soo bandhigeen Hobalada Onkod oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.


Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Pictures From Mogadishu Today Police Celebrate Anniversary

Post by Somalian_Boqor »

Dawladnimo looks beautiful I do not know why people continue to fight it?

But we all know it's only the self interest bastards in and out of the country that don't want a Dawlad and to those I say burn in Hell!!!
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”