Page 1 of 1

AL SHABAAB CAPTURE DINSOOR!

Posted: Sun Feb 24, 2008 11:53 pm
by zackabdul
Diinsoor(HR-Media) Waxaa markii ugu horeysay ay maleeshiyooyinkii ka haray Maxaakiimta ee la baxay Al shabaab ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah Degmooyinka gobalka Bay.

Shiikh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa maanta markii ugu horeysay saxaafada usoo bandhigay in ay maleeshiyooyinka ka amar qaata ee Al Shabaab la wareegeen gacan ku heynta magaalada Diinsoor ee gobalka Bay.

Maleeshiyooyinkan ayaa gacanta ku dhigay degmadaasi kadib markii uu dagaal kooban halkaasi ku dhexmaray ciidamadii ka socday dhinaca Ciidamada Militariga federaalka.

Horey ayey u jireen baqdin la xariirta dhaq dhaqaaqa maleeshiyooyinka oo ay soo bandhigeen Maamulka degmada Diinsoor oo hada kahor baneeyey magaaladaasi.

Abu Mansuur oo saxaafadda maanta la hadlay asagoo sheegay inuu ku sugan yahay gudaha Diinsoor ayaa sheegay in qorshihiisa uusan ahayn inuu sii dhex degenaado magaaladaasi.

Mansuur ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay in ay meel walba kula dagaalamaan Dowlada Federaaliga ah ee Soomaaliya oo uu asagu ku sheegay in ay tahay shisheeye kalkaal, waa suu hadalka udhigayee.

Wuxuuna mas'uulkan kamid ah kooxda Al shabaab sheegay in aysan marnaba wax wadahadal ah la geli doonin maamulka Federaalka.

Abu Mansuur ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in kooxdoodu aysan wax xiriir ah oo siyaasadeed la lahayn Kooxda Asmara ee la baxay Dib u xoreynta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay hogaamiyahan in ay ayagu yihiin koox madax banaan isla markaana doonayaan in ay dalka ka hirgaliyaan maamul ku saleysan Shariicadda Islaamka.

Maamulka gobalka Bay ayaa ayagu dhinacooda xaqiijiyey in lagala wareegay gacan ku heynta magaalada Diinsoor.

Guddoomiyaha siihaya xilka Gobalka Bay, Mr.Shiine Macalin Nuur ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in dagaal saacado qaatay kadib ay degmadaasi u gacan gashay xoogaga kasoo horjeeda Dowlada Federaalka.

Waa markii ugu horeysay oo deegaan ka tirsan gobalka Bay ay gacanta ku dhigaan maleeshiyooyinka kasoo horjeeda Dowlada Federaaliga tan iyo sanadkii hore.

Degmada Diinsoor ayaa kamid ah goobihii ay dagaalada ugu kulul ku dhexmareen ciidamada DFKMG iyo kuwa Itoobiyaanka oo isgarabsanaya iyo Maleeshiyooyinkii Maxaakiimta Islaamiga, ayadoo xiligaasi uu burbur xoogleh soo gaaray dhinaca Maxaakiimta.

In muddo ah ayaa la hadal hayey maleeshiyooyinka tiro badan oo horey ugu sugnaa goobo kamid ah gobalka Bay in ay isku aruursanyeen deegaanka ku hareeraysan Diinsoor ayadoo uu abaabulkaasi waday Shiikh Mukhtaar Roobow ABu Mansuur oo kamid ahaan jiray hogaamiyaashii Maxaakiimta, hadana kamid ah horboodayaasha Kooxda la baxday Al Shabaab.

Horseed Media
Baydhabo, Somalia

Re: AL SHABAAB CAPTURE DINSOOR!

Posted: Sun Feb 24, 2008 11:54 pm
by zackabdul
Walle they are on the move!

Re: AL SHABAAB CAPTURE DINSOOR!

Posted: Mon Feb 25, 2008 4:09 am
by WasteMan
Allah weyn

Re: AL SHABAAB CAPTURE DINSOOR!

Posted: Thu Feb 28, 2008 10:40 pm
by Monk-of-Mogadishu
48 hours later and its lost.

good night.