Gabay Askartii Tagoogyaha Xumayd

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Gabay Askartii Tagoogyaha Xumayd

Post by CoolPoisons »

Guuleed Jucufo gabaygan waxuu marshay mar nin Iidoor ah oo Askartii Ingiriiska ka mid ah afarey tirshay u lee yahay
Waa taako leel maansaduu tiriyey guuleede
Toban qaadka nimankaa sitaa taabay dunidiiye
Talaabo xun ha dhigin reer Siyaad baan ka soo tubiye

Afaray markuu tirshay baa Guuleed Jucufo gabaygan isla goobtii ka marshay waxuuna Yidhi:-


Cabdiyoo nin walane magalo waano loo diray'e
Wacdiga iyo shareecadana waa laga wareershaay'e
Adna heedhe gabygaagu waa Wayl aan la cuneene
Wadadaan ku dhici waa midaan la iska waayeene
Axmad iyo walaalkeey Warsame waa u waramayaay'e

Warqad baan udiri Yusufkii waamahaas jiray'e
Waawaada iyo faanka waad wadi taqaaniin'e
Wax hadeey dhacaan jeer danbaa wayda lahayaay'e

Alle wiilka meey joojiyaan wagaska Iidoore
Wax hadaad taqaan faranjiga wehel mamoodeen'e
Wagii baryaba Awrta Gaalada lama wareegteen'e

Wad hadii uu galo qaalin yarahu weer ma xirateene
Dumar waad wasteen maalintaan wadana geeliiy'e
Wabta waxaad ka galiseen waa habar wardeyeed'e

Ma waliqin gabar heyjad leh iyo wabarkii Darood'e
Wecel iyo washensi baa tahay iyo waladi xaraan'e
Inaad waaray tahay waan ognahay walid laguu naary'e

Ingiirska wiiqyad xun baad wiil u noqoteen
Wax wanagsan bari baad hesheen waana wadateen.
Hayeshee nin wiil iyo duqoow waad is wargaliseen

Wagas baad ku goyseen ilkaha wac iska siiseene
Waayeladii ree Isaaq war xun laga keeny'e
Wabi dhaafe dumarkeey qabeen wadna lagu sheegy'e

Wajigiina gubay naag hadaad wadar ujeexdeene
Waraabuhuba neefka uu dilo weer unbaa u haro
Waxtar buu u dilay reer Afgaab wilaashaad garane'

Waa tuu waraabuhu kabogay wabradiniiy'e
Markaad wabiga jeexdeen rasaas waa aad wadateene
Wacdigii rasuulka iyo katage waysadii duhur'e
Warjaaf iyo calan cad magalo wabahka Iidoore
Ana haatan maan waax laharo waa waxii hor'e
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”