sow england kuma arag

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Mr.Wise
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1726
Joined: Thu Aug 29, 2002 7:00 pm
Contact:

sow england kuma arag

Post by Mr.Wise »

Ili qabatey gabadhoo
ilka dabar ku yeeliyoo
afka dhuxul madow yahay

Oon iin laheynooo
Ebyan oo dhameystiran

Astaantiii somalidee
idilkood ka muuqdaan
la adkeysan waayiyoo

amal saw
England saw kuma arag

Saw adoreskeeni(?)
ma'uun ka iman jaceyl dhabi
durba amar ileehey
saw aqal galkeygii
oridaydii may noqon


Ifka labo isjeceloo
u duceeyay ehelkood
arwaxdoodu kulantee

Alalays mashxaradoo
ilaa oogta waaberi
ubax duud ka buuxsamaa

ilaahey ka yeeloo
ku istareexayaayoo

adba saw
England sow kuma arag
aniga saw
adiga saw kuma arag

Saw aragtideenii
ugub caashaq may noqon
iftiran kalgacaliyoo
saw wakhtigeenii
oori wacan ma'aan noqon

Ubadkaan sugayniyoo
ilwad qurux ma'ay dhalin
iima bixin ileyskii

ayaamahan fileyniyoo
aniga iyo nasiibkey
ikran ifka saw ma iman
ambaqadka noloshu
waa is afgaradka guurkee

amal saw
England saw kuma arag

Saw adoreskeni
ma'uun ka iman jacayl dhabi
durba amar ilahey
saw aqalgalkeenii
oridayda may noqon


Ii ahatey noloshoo
inta lagu ducaystiyoo
aqal hodona waan helay

Aabiyo caruur lahoo
eegmadan jaleecabaa
mahad eebe qirayaan

aroortii la toosaba
la ilmeynayayoo
adba saw
England saw kuma arag
aniga saw
London saw kuma arag

Saw aragtideenii
ugub caashaq may noqon
iftiran kalgacaliyoo
saw wakhtigeenii
oori wacan ma'aan noqon
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”