Somalis in Norway divided in 2 clans
Posted: Fri Mar 07, 2008 4:20 pm
Fock! i've 2 brothers and a sister who live there.
Howlgaladii dhawaan laga fuliyay magaalada Oslo ee dalka Norway ee lagu xir-xiray sadex Somali ganacsadayaal ah oo lagu eedeeyay maalgalinta kooxaha dowladda Norway u aqoonsantahay argagixisada ayaa dhaliyay xiisado u dhexeeya Somalida Norway dhexdeeda, xiisadasoo ey dadka norwijiga iyo qowmiyadaha kale ee dagan dalkan aad ula yaabeen kadib markii ey ka daawadeen kana akhristeen idaacadaha dalkani Somali isku haysata qabiil-qabiil isna eedeyneysa.
Xiisadan oo aan aheyn mid gacan ka hadal ah balse aheyd mid ku qotontay "Yaan lagaaga hormarin mediyaha/saxaafadda norwejiga" ayey somalida Oslo ugu kala bexeen kuwo taageersan nimanka la xir-xiray iyo shaqadi ey hayeen oo iyagu qabiil ahaan kasoo jeeda beesha Hawiye iyo kuwo iyaguna taageersan howlgalkii ey sirdoonka dalkani kusoo xir-xireen ragga iminka lagu eedeynayo falka argagixisnimo oo iyaguna kasoo jeeda beesha Daarood.
Rag Hawiye ah oo ka hadlay idaacadaha Norwejiga sida taleefishinada iyo raadiyayaasha oo qaarkoodna lagusoo qoray joornaalada ayaa ku eedeeyay falkii lagu xir-xiray raggii la qab-qabtay maalinkii khamiista aheyd mid ey ka danbeeyeen oo ey soo basaaseen dad kasoo jeeda beesha uu ka dhashay C/laahi Yuusuf oo ah beesha Daarood kuwaasoo aan ogoleyn in lacag la diro.
Sidoo kale qaar iyana taageersan falkii ey bolisku ku xir-xireen sadexda nin ayaa idaacadaha u sheegay in ey sax tahay in laga qabto shacabka somaliyeed ragga lacagaha dira ee ka ololeeya gudaha Norway islamarkaana taageera kooxaha dadka ku qarxiya Somaliya ee argagixisada ah.
Shacabka reer norway ayaa ku jahwareersan cida ey aaminayaan labadan garab ee dhab ahaantii isku haysata qabiilka isna eedeynaya.
Loolankan loogu kala ordayo idaacadaha dalka Norway una dhexeeya garbaha Hawiye iyo Daarood ayaa waxaa uu ku tusayaa heerka ey wali taagan tahay Somali 17-sano kadib markii ey dalkoodii qabiil iyo reer hebel ku burburiyeen, waxaana la yaab leh in ey wixii burburiyay dalkooda ey usoo xanbaarteen wadamada ey qoxootiga ku yihiin iyagoo uga yaabinaya dadka ey martida u yihiin ee aan ku dhaqan iyo diin aheyn.
Waxey kaloo arintan ku tuseysaa heerka ey Somali kala taagan tahay xilli laga doonayay in ey is walaashadaan islamarkaana af mideysan ula tagaan dadka ey ku dhex noolyihiin eey magangalyada usoo raadsadeen.
Somalida dagan Norway ayaa lagu qiyaasay ku dhawaad 20-kun, sideed kun oo ka mdi ah waxaa lagu sheegay in ey dagan yihiin caasimadda Oslo hadana ma jirto dalad ama urur ey ku mideysan yihiin sida qowmiyadaha kale ee ajaanibta ah ee dagan dalka Norway oo hadii uu dhib ku dhoco u hadla.
Taas waxaa kasii daran in afartii isku qabiil ahba ey inta isku tagto organisation ama urur furato dabadeedna la baxaan magac, waxaana baaris ey sameeyeen Norwegigu sheegeen inta urur oo ey somalida leeyihiin ey kor u dhaafayaan 169-urur marka la isbarbar dhigo inta ey yihiin ey aad u badan yihiin ururadan.
Si kastaba ha ahaatee arintan tafaraaruqa iyo isqabqabsiga somalidu ku haysato qurbaha ayaa loo aaneynayaa aragtidooda gaaban iyo jaahilnimada, waxaana gabi ahaanba halis ku jira jiritaankooda dad ahaan iyo dal ahaanba hadii eysan sidaa isu dhaamin, somali waxey ku maah maahdaa "Waxaas day, waxa ka sokeeya day".