Buundada degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa lagu bilaabay dayactir si kumeel gaar ah u socon doona, kaasoo ay iska kaashanayaan qeyba kala duwan ee bulshada degmadaasi oo ku fekirtay in ay iskood u dhistaan buundada oo halbowle u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Guddi ka koooban ilaa 9 xubnood oo ay iska soo dhex magacaabeen ganacsatada, culumaa-udiinka iyo waxgaradka Baardheere ayaa manta oo Sabti ah dayactirkii ugu horeeyey ku sameynaya buundada burburka uu ragaadiyey ee Baardheere ku taal, taasoo tan iyo bishii October ee sanadkii hore burbursaneyd, waxaana shaqaalaha dhismaha saaka ay bilaabeen in qeybihii ay buundada ka burburtay dhigaan Alwaax iyo Biro la tilmaamaya in ay dhaxalgal u tahay bridge-ka.
Guddoomiyaha guddigan howsha dayactirka ah wada C/fitaax Maxamed Cali oo wariyayaasha kula hadlay gudaha Baardheere ayaa hoosta ka xariiqay in qorshahan uu yahay mid si kumeel gaar ah u socon doona, islamarkaana uu xigi doona kuwa ballaaran oo lagu hirgelinaya buundada oo idil, lana filaya in dhawaan la qabta waa sida uu carabka ku dhuftaye mas'uulkaasi oo intaasi sii raacsaday baaq uu u jeediyey Soomaalida qurba jooga ah oo uu ugu baaqay in ay gacan ka geysteen howshan wax ku oolka ah.
Dayactir lagu sameeyaa buundada loo maara waayey ee Baardheere ayaa waxaa meesha ka baxay xayiraadii waayadan danbe ay galisay adeegsiga gaadiidka xamuulka ee buundada, waxaana tani ay ka danbeysay kadib markii maalmahan ay kulama xiriir ah yeelanayeen maamulka, odayaasha deegaanka, ganacsatada iyo hay'adaha samafalka oo looga hadlayey sidii buundada dib u dhis loogu sameyn lahaa.
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.
Buundada degmada Baardheere oo dayactir lagu bilaabay
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 909 Views
-
Last post by Somaliweyn Commando
-
- 2 Replies
- 551 Views
-
Last post by Ismail87
-
- 0 Replies
- 438 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 7 Replies
- 1623 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 4 Replies
- 637 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 5 Replies
- 576 Views
-
Last post by damu
-
- 0 Replies
- 370 Views
-
Last post by Naaima
-
- 0 Replies
- 439 Views
-
Last post by Garbo_Gedo
-
- 17 Replies
- 1215 Views
-
Last post by Voltage