Tan iyo markii uu Kismaayo ka dhacay qaraxii lala beegsaday shaqalaalihii caafimaadka ee hay'adda dhakhaatiirta aan xuduuda laheyn ee Medecins Sans Frontieres (MSF) Holland waxaa loo soo xiray dhowr qof oo ugu danbeyntii ay isugu soo biyo shubatay 3 ruux oo la sheegay in ay yihiin kuwa aad loo tuhunsan yahay oo looga shaki qaba in qaraxaasi ay wax ka ogaayeen, saddexdan qof ayaa midkood oo ah nin si weyn magaalada Kismaayo looga yaqaana waxaa uu ku xiran yahay goob la qariyo, hase yeesheee lawada og yahay in aysan xabsi aheyn, halka labada kalana ay ku jiraan xabsiga Kismaayo oo aniga laf ahaanteyda aan
arkay mar aan xabsiga booqday.
Saraakiisha police-ka Kismaayo ee qaabilsan muqaabaraadka ayaa Maxkamadda gobolka J/hoose u soo gudbiyey qoraallo muujinayey in raggan ay ku eedeysan yihiin qaraxii oo waxaa qaarkood waa saraakiishee aan la kulmay ay ii sheegeen in ay Marqaatiyo (Witnesses) u hayaan, inkastoo haddana marar dhaweyd aan suuqa ka dhex maqlayey in ay kala tageen marqaatiyadii oo laga soo xigtay in ay yiraahdeen ''arrin aan waxba kala socon ma gali karno marqaatigeeda'', Maxkamadda oo kiiskan loo soo bandhigay lagana codsaday in ay qaado oo ay dhageysata ayaa guddoomiyiha Maxkamadda J/hoose Sheekh Muqtaar Xasan Cabdalle waxaa uu ka sheegay warbaahinta gudaha in case noocaan oo kala ah aysan qaadi karin oo ay u gudbinayaan Maxkamadda sare ee DKMG ah, balse waxaa ka daba hadlay garsooraha Maxkamadda oo isna sheegay in sharciga uu qaba in dacwadda lagu dhageysta goobta qofka uu danbiga ku galay, labadii nin ee meesha sharciga wada joogay ayaa kala hadlay.
Iyadoo xaal halkaas maraya ayaa beesha ay ka soo jeedaan saddexda qof ee xiran waxaa ay daboolka ka qaadeen in aysan ku qanacsaneyn Maxkamad la soo taaga dadka laga haya, Maxkamadda ayey ku tilmaameen ''Ma aqoonsanin Maxkamadda, waa meel qabiil oo mar hore lagu kala tagay'', Ugaaska beeshaasi ayaa sidaas yiri, xaaladda oo si ba'an u murugsan ayaa dantay hadal heynteedii oo waa la isku aamusay, police-ka markaad weydiisa oo aad tiraahda baaritaankii xaggee marayaa waxay kuugu jawaabayaan ''Aanaga waa naga wareegtay, oo Maxkamadda ayey u taalaa'' waxaaba sidaa igu yiri taliyaha saldhigga police-ka xilli shalay aan ku wada sheekeysanay saldhigga hortiisa, wuxuu intaasi ii raaciyey,''Waxay iigu muuqaneysaa mid faraha ka baxeysa''
Shirar aan si buuxda loo ogeyn ayaa maalmahan ka soconayey bara mucayin ah oo ku yaala magaalada Kismaayo, shirarkaas waxaa yeelanayey sida aan xaqiiqdii ku ogaanay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Kismaayo iyo ehelada ay ka soo jeedaan dadkii Soomaalida ahaa ee qaraxii ku dhintay, waxaa looga tashanayey sida qaraabada laga yeelaya, nin diiday in magaciisa la sheega, xog-ogaalna u ahaa kulamadaasi ayaa si hoose wuxuu wariye ka tirsan Gedoweb ugu sheegay in kulamadaas looga tashanyey sidii lacago Mag ah loo siin lahaa ehelada dadka ku baxay qaraxii MSF Holland shaqaalaheedii ajinebiga ahaa lagu laayey, odayaal ku beel ah dadka Soomaalida ah ee qaraxa ku geeriyooday Allaha u wada naxariistee ayaa la arkayaa xilli kasta iyagoo gooni gooni u shiraya oo la aaminsan yahay in ammuurtan jahwareerka ka taagsan yahay ay ka arrinsanayeen, maleeshiya hubeysan oo ku heyb ah odaayashan ayaa la ii sheegay in ay soo qaateen dhowr jeer hub, islamarkaana ay ku hanjabeen in ay dili doonaan ragga xiran haddii kale laga soo gar baxa.
Waxaa tani ay u muuqan kartaa marka la eega ifafaalaheeda siideyn saddexda ruux ee la heysta, in Diya la siiya dadka cabanaya, kuwa jeelalka ku jirana madax banaanidooda loo soo celiya dad badan ayaa tani ku sheekeysanaya maalmahan danbe, walow guuxii faraha badnaa iyo xantii badneyd ay yaraatay, laakiin haddii la siidaayo maxaa dhacaya?.
Mas'uul ka tirsan Isbitaalka Kismaayo ayaa xog badan si aan uga ogaada suurtagal ahaanshaha in ay dib ugu soo laabta magaalada Kismaayo hay'adda MSF Holland iyo guud ahaan gobolada Somalia ee ay ka baxday waxaa u igu yiri: ''Midbay ku xiran tahay in sida ay iyaga soo codsadeen Maxkamad la saaro dadka la tuhmayaasha ah, go'aanka ay ku rida Maxkamadda la keena, taas oo ay wax ka dhihi karaan oo keliya'', kama harina waxaan weydiiyey go'aankooda maxaa loo maleyn karaa saaxiib?
Wuxuu iigu jawaabay saddex mid uun bay noqan kartaa.
1. In ay sii shaqeyso oo ka dhigan in Isbitaalka Kismaayo ay howlahiisa sii wado
2. In la xira mashruuca Kismaayo oo la micna ah in Isbitaalka Kismaayo ay isaga guurta
3. Iyo ugu danbeyntii in ay Somalia oo dhan ka baxda ama ay go'aansata in ay howsheeda wadata
Faaladan ayaa waxaa ay gunaanadkii su'aal hordhigeysaa dadka ay ku xiran yihiin ragga lala xiriirinaya in ay maleegeen qaraxii Kismaayo gilgilay 28 bishii January ee 2008, su'aashaas waxay noqaneysaa si Ilka iyo Carab ay u nabad galaan maxaad kiiskan daba dheeraaday ka yeeleysaan?, Macquulgalna ma tahay sida guddoomiyaha Maxkamadda gobolka soo jeediyey in aad Maxkamadda sare ee dowladda federaalka la aadaan?.
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.
Maxaad kala socotaa baaritaanada qaraxii Kismaayo ka dhacay?
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 254 Views
-
Last post by JeyR
-
- 30 Replies
- 2260 Views
-
Last post by KyrieJama
-
- 1 Replies
- 350 Views
-
Last post by afisoone
-
- 9 Replies
- 621 Views
-
Last post by afisoone
-
- 0 Replies
- 225 Views
-
Last post by MRHASSAN
-
- 0 Replies
- 577 Views
-
Last post by CoolPoison
-
- 2 Replies
- 259 Views
-
Last post by ahmad guray
-
- 2 Replies
- 665 Views
-
Last post by Ugaas Diini
-
- 0 Replies
- 306 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 37 Replies
- 3433 Views
-
Last post by Murax