Shabelle Mogadishu (09/03/08) Ciidamada Itoobiyaanka ee ka baxay xalay wadadda sodonka ee Magaalada Muqdisho ayaa yimid kadib markii xalay uu is afgaranwaa dhexmaray madaxweyne C/llaahi yuusuf iyo Korneel Gabre oo ku aadanaa in Suuqa Bakaaraha laga saaro Ciidamada soomaalida ah ee ku sugnaa, markii uu sidaa dalbaday R/wasaare Nuur Cadde uuna diiday madaxweynuhu, iyadoo xalayna ay kulan qaateen Yuusuf iyo Gabre sida ay ku warameen ilo lagu kalsoonyahay oo la hadlay Shabelle.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Shabelle u xaqiijiyey in xalay kulan aya qaateen Madaxweyne Yuusuf iyo Col:Gabre oo ay kaga hadlayeen inciidamada laga saaro suuqa bakaaraha uu ku dhamaaday is fahamwaa markii uu madaxweynuhu uu ku adkaysatay in kooxaha ka soo horjeeda dawlada iyo kuwa itoobiyaankaba ay ka soo duulaan Suuqa Bakaaraha, ganacsatada suuqaasina ay bixiyaan dhaqaalaha ugu badan ee ay helaan kooxahaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Gabre uu taasi kaga jawaabay inaysan jirin qof dhaqaalihiisa iska gubaya, mana aha in la baabi'iyo hantida shacabka ee taala suuqa bakaaraha, ma oran karo ayuu yiri waa ciidamo qaran ee waxaan ku tilmaamayaa maleeshiyo beeleed kuwa kula jooga ee biliqaystay suuqa bakaaraha , ciidanka itoobiyaankana raali ugama noqonayno inay kor ka waardiyeeyaan kuwa wax bililiqaysanaya ee maleeshiyadaada ah, ciidankeenana laguma caburinayo shacabka,marka laga reebo kuwa nidaamka diidan.
Wararka ayaa inta ku daraya in gabre uu sheegay in ganacsatadu ay yihiin qaybaha ugu muhiimsan heshiis ka dhaca soomaaliya, shalay ayaa lagu degdegay in ganacsatada laga qaado hubkooda ayuu sii raaciyey hadalkiisa, waxa kale oo uu u sheegay madaxweynaha arinta uu wado ay tahay colaad uu u qabo qabiil.
Col: Gabre ayaa xalay si cad ugu sheegay madaxweyne Yuusuf in haddii dhibaato ay ka timaado ganacsatada iyo muqaawimadaba uu isagu masuul ka yahay, isagoo waydiiyey madaxwynuha inuu masuul ka noqdo ciidanka TFG, arintaasoo uu diiday madaxweynuhu
Col Gabre ayaa sheegay in ay iyagu og yihiin arintan uu wado nuur cadde qaybna ay ka tahay dib u heshiisiinta soomaalida loona baahnayn in ciidan lagu sii hayo bakaaraha.
Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha ayaan xalay aqbalin warka uu sheegay Garbre, taasina ay sababtay in xalay mar qura ay ciidamadii itoobiyaanku isaga guuraan wadada sodonka ee magaalada muqdisho halbowlana u ah suuqa bakaaraha, waxayna taasi dhalisay in saaka weerar lagu soo qaaday ciidankii ku sugnaa bakaaraha ay isaga huleeleen suuqa bakaaraha.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu maanta ogolaaday soo jeedintii Nuur Cadde iyo Col; Gabre mar ciidankii Dawlada ay banaanka ka yihiin suuqa bakaaraha oo maalintii sadexaad aan lagu ganacsan.
if you wana read in english check it out http://shabelle.net/english/2008/03/09/ ... dishu-reve
i think oday yeey iyo boyfreindkiisa gabra waa is furi rabaan looooool
Faahfaahin qarsoon oo ka soo baxday ka bixista ciidamadda ..
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- ciyaal_warta
- SomaliNet Super
- Posts: 9629
- Joined: Mon Jan 22, 2007 9:58 pm
- Location: Hiiraan State of Somalia
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 423 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 6 Replies
- 688 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 337 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 3 Replies
- 333 Views
-
Last post by udun
-
- 0 Replies
- 1053 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 5 Replies
- 389 Views
-
Last post by DustyFoot Farah
-
- 0 Replies
- 242 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 1 Replies
- 282 Views
-
Last post by hanqadh
-
- 0 Replies
- 307 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 17 Replies
- 1382 Views
-
Last post by ChiefAaqil