afka laysla gaadh habre-jeclaa ilaha dhaw taalle.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

afka laysla gaadh habre-jeclaa ilaha dhaw taalle.

Post by wadaniweyn1 »

Afka laysla gaadh Habr-Jeclaa ilaha dhaw taalle
Ibleys baa ku yidhi waw tagnaa waana erinaaye
Ararsame qarfood iyo GeedQuwaax eede taladaase

Ugaadhyahan ku dhimay geelashay ooda jebiyeene
Ilaalayste reerahayaga ay agabla' moodeenee
Waagoo iftiimay oo nirgaha edegga loo soocay

arooryuu na weeraray colkay ababa' siiyeene
Arbaciin kunbaa noo fadhidey ayda nagu dhowe
Aartiigu(RT) waa qaylada ee lagu ogeysiiye

Asyab baa ku kacay guutaday nagu Istaadheene
Aboob kama baxsado reer tolkay nimu abbaaraaye
Ateera ula gale Rifle-kaan aradda reebayne

Ashahaada-boob iyo Sunleey lagu asqaysiiye
Army-ga Sanweynaha kolkay Aaladdu u buuxdey
Alamaanka Qiiqa iyo markuu ololku soo duulay

Ulo noqoy Shacayska iyo waxay urursanaayeene
Iyaga iyo Talyaaniguba way orod nuglaayeene
Oogsade baquhu waa waxay Ab u lahaayeene

Ku idlaade Idhankii Xargaga Agabarkiisiiye
Arxan looma galo duul hadday ku adyadeeyaane
Waataas ayaan qudha sidii Uub la soo jaraye

Abasguul Ammaanle iyo Bartire, oosha Wadasaar ah
Iyo uurarweyntii kinsidey aamusina weydey
Abayoonis iyo Tuuryar bay u itibaaseene

Eersade quruumii kalaan cidiba eegteene
Englandbaa warkaa laga hayaa uunka wada gaarye
Harti Off ogaadeenna waw araranaynaaye

Daarood ismaaciil ku noqoy alablihiisiiye
Nin walboow ogsoonow kibradi aayatiin malehe


you been warned .
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”