Jubaland presidental candidates in Kismayo

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Jubaland presidental candidates in Kismayo

Post by CoolPoisons »

Faallo:Waa sidee Xaaladda Ammaan Ee magaaladda Kismaayo, Dekkadda Iyo Garoonka Diyaaradaha?

Magaalada Kismaayo ayaa sidoo laga dareemayaa isu diyaarinta dowlad goboleedka Jubbaland, waxaadna ku Arki kartaa marka aad soo mar marto gudaha magaalada iyo meelaha laga qaxweeyo dadka oo badankiisa hadal hayo dowlad goboledka Jubbaland iyo adiga oo mararka qaarba arki karo rag sar sare oo kuu sheegayo in ay isu diyaarinayaan u tartamida madaxweynenimada Jubbaland. isla markaana ay tahay waxa kaliya oo ay sugayaan maamul u sameynta goboladda Gedo iyo jubbadda dhexe oo ay sheegeen in ayba u direen xubne sar-sare oo ka tirsan madaxada Kismaayo.

Dhanka kalana, waxaa haatan Kismaayo ka jirro labo gole oo la kala yiraahdo Golaha Fulinta oo ah gole dhaqan oo ciddii ay daraabaanba ka qaado maamulka ciddii ay fahmaanna u dhiibto iyo gole loo yaqaan golaha siyaasadda. Golahani ayaa ah kuwo isugu jirro aqoonyahanno iyo saraakiil dhinaca ciidamada ah. Wexeyna shaqadoodu tahay in ay fuliyaan waxa ka soo baxo golaha Fulinta ee ka kooban Illaa dhowr iyo labaatan isugu jirro Odayaal dhaqameedyo, Culumo Udiin, iyo Salaadiin, waxaana madax u ah Suldkaanka Beesha Sade ee Goboladda Jubboyinka Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yarow.

Magaalada caasimadda ee gobalka jubbada hoose ayaa ah meel hadda la oran karo waxey ka fiican tahay magaalooyin badan oo waaweyn oo kamid ah magaalooyinka Koon-furta Soomaaliya. Wexayna haatan Kismaanyo isu sudiyaarineysaa marti galinta Cup-ka Kubadda Cagta ee Goboladda jubbooyinka.

Max'ed Wali Sh Cabdi Gurxaan
Gedo News Network
Kismaanyo Jubbada Hoose

http://www.gedonet.com/index.php?news=2710
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”