Gudoomiyaha Golaha Siyaasada Gobolada Jubbooyinka

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Gudoomiyaha Golaha Siyaasada Gobolada Jubbooyinka

Post by CoolPoisons »

Gudoomiyaha Golaha Siyaasada Gobolada Jubbooyinka Mud: Yaasin Nuur Gaas (Raadeer) Oo Maanta Ka Hadlay Arrimo Dhowr Ah:Maxeyse kala yihiin?


Mar 22,2008
by Kismaayo-GEDO-NN
Gudoomiyaha Golaha Siyaasada Gobolada Jubbooyinka Mud:Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiin-raadeer) oo maanta u waramayay Shabakada Warbaahinta Gedonet ayaa Shaaca ka qaaday in ay wadaan howlo wax looga qabanayo xaalada nabadgalyo ee guud ahaan Gobolka Jubbada Hoose iyo gaar ahaanna Magaaladani Kismaanyo.

Yaasiin- Raadeer ayaa sidoo kale xusay in ay Jiraan wax xoogaa jidgooyoyin ah oo ku soobatay maalmihii danbe wadooyinka isaga goosho Gobolkan Jubbada Hoose. Balse waxaa jiro ayuu yiri Gud: Yaasiin Raadeer howlgallo ay wadaan Ciidamada Amaanka ee Gobollada Jubbooyinka iyo saraakiishooda, taasoo la filayo ayuu yiri Yaasiin in ay wax weyn kaqaban doonto falalka amni darada ah ee laga soo sheego Jidadka gobolkani, aanna loo dulqaadan doonin, kooxaha falalkaasi ka dambeeya talaabo ku haboon laga qaadi doono.

Mar ay warbaahinta Gedonet gudoomiyaha golaha siyaasada Yaasiin Raadeer wax ka weydiisay xaalda nabad-galyo ee gobolka iyo in la oran karo amaan ma lahan, ayuu Yaasiin ku war bixiyay in ay Kismaanyo nabad tahay, waxaana hadaladiisi kamid ahaa "aduunka ma jirto meel nabad ah oo waxaa dhibaato ka dhacdaa dowladda waa weyn iyo magaalooyin kooda, Kismaayo mudo Afar-bilood ah Cidna laguma dilin, waxaana la dhihi karaa waa nabad Kismaayo" ayuu yiri gudoomiyahu.

Si kastaba ha ahaatee, hadalada masuulkani ayaa ku soo aadayo xili ay Kismaayo martigalisay Cup-ka kubadda cagta ee Gobolada, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gobolka Gedo, kaasoo la filayo in uu furmi doono todobaadkan fooda nagu soo hayo.


Wali Sh Cabdi Gurxan
Gedo News Network
Kismaanyo Jubbada Hoose

http://www.gedonet.com/index.php?news=2725
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”