Footbal tournament Jubaland starts in Kismayo
Posted: Sat Mar 22, 2008 1:35 pm
Kismaayo:Ciyaartoy laga kala keenay degmooyinka gobolka gedo oo caawa soo gaaray magaalada kismaayo
[2008-03-21 07:27:11] Ciyaartooydaan oo shalay ka soo amba baxday degmada baardheere ayaa waxaa ay gabal dhicii maanta soo gaareen magaalada kismaayo. Ciyaartoydaan ayaa lagu wadaa in ay kulamo ciyaarood la yeelan doonaan ciyaartoy kale oo ka socda gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe.
Dhalinyaro ay hiwaayadoodu tahay cayaaraha kubadda cagta lagana kala keenay degmoyinka gobolka Gedo ayaa waxaa ay galabta soo gaareen magaalada Kismaayo kadib markii ay socdaal dhinaca dhulka ah kaga yimaadeen magaalada baardheere ee gobolka Gedo.
Ciyaartoydaan oo aan la ogayn caddadooda rasmiga ah laakiin la sheegay in ay gaarayaan ku dhawaad 30 ciyaar yahan ayaa waxaa lagu wadaa in ay kulamo tartan ciyaareed ah la yeeshaan xulka Jubbada hoose iyo ciyaartoy kale oo ayaguna u ciyaaraya gobolka Jubbada dhexe.
Inkastoo ay dhalinyaradaan ka socotada degmooyinka gobolka Gedo Kismaayo soo gaareen ayaa hadana waxaan la ogayn xilliga ay bilaabanayaan ciyaaraha ay la yeelanayaan labada gobol ee Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, hase ahaatee waxaa la filayaa in maal maha soo socda ay ciyaarahaasi si rasmi ah uga bilaaban doonaan magaalada Kismaayo.
Arrintaan ayaa ka danbaysay markii uu maamulka xiriirka kubada cagta ee gobolka Jubbada Hoose uu qaadacay tartamadda ciyaaraha gobolada dalka oo loo qaybiyey in lagu qabto dhowr magaalo oo dalka ah Kismaayana la hoos geeyey magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose taas oo u cuntami wayday xiriirka kubadda cagta ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.