Maqaalada Buur-hakaba warkood, Gedo lagu maagye?

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Maqaalada Buur-hakaba warkood, Gedo lagu maagye?

Post by CoolPoisons »

Maqaalada Buur-hakaba warkood, Gedo lagu maagye?


Ma aha markii ugu horeysay ee warar been abuur ah, oo aan taariikhda dalka Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan Gobolka gedo, ama gobollo kale ee ka mid ah Gobolada dalka in lagu soo qoro shabakadaha Internatka, oo iyagu ah kuwa kaliya ama isha kaliya oo waxii war ah ama fariima ah lagu soo bandhigo.

Burburkii ka dhacay dalka Soomaaliya sanadii 91ka laga soo bilaabo, wax walba waa la biliqaystay oo qof walba wuxuu sheegtay wax uusan ahayn oo uusan aqoonin, wax walba waxay u gacan galeen kuwo siday doonaan ka yeela.

marka , sida ay u jiraan Dagaal-oogayaal iyo qabqablayaal siyaasiyiin sheegta oo isla markaasna qoriga ku xasuuqa bulshada , iyagoo adeegsanaya diirato iyo yeydooda, ayaa waxaa sidoo kale ka soo dhex baxay Saxaafadda Soomaaliya , qaar runtii aan ka agab iyo macne sokeynin kuwaas qoriga iyo xoogga dadka ku wax yeelayna, isla markaasna bulshada ka dhex abuuraya xasarad iyo warar aan sal iyo baar midna lahayn , iyagoo u adeegaya kuwa qoriga wax ku haleynaya.

Inkasta oo ay jiraan qaar badan oo ka tirsan bahda Saxaafadda oo soo saara warka ka soo baxa shabakadaha websitka , kuwaas oo isugu jira kuwo maalin le ah iyo kuwo usbuucle ah ba, oo soo bandhiga ,warar ,faalooyin , dhacdooyin , kartoono, iyo waliba suugaan sugan oo ku fadhida dhab ka hadal iyo dhacdooyinka maalin laha ah, ee shirarka , arrimaha ammaanka, arrimaha Bulshada, dhaqaalaha, iyo wax soo saarka gudaha ee dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo runti la oran karo , waxay gutan wajibaad aad u ballaaran iyagoo u hura maalkooda iyo maskasdoodana.

Balse marka aan u noqdo shabakadaha uu ka midka yahay BUUR-HAKABA Website, waxaa weeye runti baas abuur , aan la hayn aqoon saxaafadeed, iyo waliba tayo wareed oo mugtiran , isaga oo u shaqeeya kuwa jecel in fidnada Soomaaliya ay waligeed iska soco, isla markaasna jecel in aan wax heshiis ah iyo nabadeyn iyo walaaleyn Soomaalinimo aanay dalka iyo Dadkaba ka dhex dhicin, waxaana Akhristoow kuu cadeyn kara Magaal ay ku soo qortay Gabadha la yiraahdo, SHUKRI AXMED cadadkiisa Maalinta 22/6/05ka.

gabadhaas oo runtii Aflagaado iyo xumaan u geysatay Beesha Mareexaan ee ku dhaqan degaanadooda, iyada oo xiisato balaayo abuur ah, ka dhex aloosaysa taariikhda iyo gacan ku haynta deegankaas sida GEDO iyo Jubbada Hoose.

Haddii aan in yar ka gudbo warka gabadhaas iska hadashay oo iska hadaaqday, iyada oo aan gaarin xilligii waxgarad nimada iyo qaan gaarnimada qof ahaaneed, balse ka faa'iiday qorista iyo akhrinta afka Hooyo.

Beesha Mareexaan waxay ku nooshahay degaanka Gedo iyo degaanka Dooy iyo degaanada xeebta Jubba hoose, muddo dheer oo aan ka yarey 4 qarni , iyada oo taariikh dheer ku leh halkaas,oo waliba ay ka soo jireen boqor-tooyooyin iyo talisyo magac dheer ku lahaa bulshada Koonfurta fog ee Soomaaliya ilaa konfurta Galbeed ee dalka Soomaaliya.

Waxaa ka mid ahaa Boqortooyadii YUUSUF CABDI ee DOOY iyo Degaanka Xeebta ee Jammaame(Turdho) halkaas oo wali laga heli karo raadkii qabuurahooda, sidoo kale Jilib iyo Taliska Gosha ku meersan oo iyana hadkii ka Soo jeeday ay wali ku dhaqan yihiin halkaas.

Dhanka kale ee gedo,iyadana waqtigaas aan kor ku soo sheegay ayey ka arimin jireen , oo ay degaan ku ahaayeen iyagoo wax la qayb san jiray Beelihii kale ee Soomaaliyeed oo ilaa hadda ay wada dagan yihiin, mana ay jirto degmo ka mid ah , gobolka gedo oo aanay wax uga nooleyn dad kala gedisan ee beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Haddii aan xilligii Gumeysiga dib ugu noqdo, waxaa jiray beelo Soomaaliyeedn oo iyagu Gumeysi la jir ahaa iyo kuwo gumeysi diid ahaa, marka kuwa gumeysi Diidka ah , waxaa ku dhici jiray dhibaatooyin iyo hagar daamo ay u wada geysanayaan Gumeystihii iyo kuwii lahal maali jiray.

Hadaba Seerka Degaanka Taliska Ugaaska Beesha Mareexaan ama Sade wuxuu xagga Dhulka xiga Kinya ee hadda loo yaqaan Gobolka Bari ee Soomaalida Kinya, ku joogay Degmada Wajeer iyo degmada Mooyaal,dhanka kalena wabiga Jubba, sidaas darteed ayaa waxaa dhacday , in Ugaaskii Mareexaan UGAAS XERSI UGAAS MOXAMED allaha janadii ka waabiyee uu ka hor yimi koodhigii la qaadayey beelaha Soomaaliyeed.

Waxaa dhacday in Gumeystihii Ingiriisku uu soo cadaadiyey dhulkii uu ka talin jiray Ugaaska Mareexaan ama Sade , iyada oo laga jaray degaanada ay ka midka yihiin wajeer iyo Mooyaale, ilaa la keenay meesha hadda xadka u ah labada dal ee Kinya iyo Soomaaliya.

Sidaas darteed Ugaaska mareexaan oo ahaa nin jecel midnimada iyo wada noolaashaha Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ay u yaqaanen dawladihii dalka Gumeysan jiray (Ugaaskii Ugaasyada Soomaaliyeed) Ama ( Boqorkii Boqorada Soomaliyed).

Waxaa caado u ahayd waligeed in Beelaha Soomaaliyeed ay ku murmaan ,daaqa iyo Degaanka iyo Dawda ama Ceelka biyaha, iyadoo mararka qaarkood ay dhici jirtay in dagaal dhoco, isla markaasna dad ay ku dhintaan, kuwana ay ku dhaawac-maan sidoo kale xoolo lagu kala dhoco.

Waxaase caado u ahayd , in ikhyaarlu ay daaweyso waxii ay ardaashu haleeyaan, balse waxaa jici jirtay in la dilo dad magac leh sida Dilikii Ugaas Cali Damdamle ilaah janadii haka waraabiyee, iyada oo dad careysan oo iyaga dadkoodii la xasuugay ay falkaas geystaan, waa sabata keentay in la dilo Ugaaskaas, waxaa yeelay Beesha uu ka dhashay ayaa lagu sheegaa in ay hal habeen ku xasuuqeeyn beel Dudo ahayd oo dugsiloow quraan ahayd, oo mareexaan ah, iayada oo halkaas ay ku dhinteen ilaa 70 dad gaaraya oo u badan ardo Quraan iyo dhalin yaro xoolo jir ahaa, ayna dhibkaas geysteen beesha Garre.

Balse arrintaas laga xaal tamay oo laga sameeyn iyo sooryo qaatay, waxii waqtigaas ka dambeeyeyna aan wax dil iyo dhib ahi ha dhex dhicin laba beelood,waqtiga falkaasi dhacay oo ku aadan 1950kii, iyaga oo laba beelood ah dad isku degaan ah, isku daaq ah, isku diin ah, isku midab ah, isku af ah, isla markaasna isdhalay.

Balse bishii abriil 05ka waxaa dagaal ku dhex maray degmada Ceel-waaq oo labada beeloodba ay wada daganaayeen, iyada oo xooga isku dhacyo meel ka baxsan ay jireen oo ay dad isaga laayeen, balse amuurta ugu weyn ay ka dhacday degmada c/waaq, iyada oo hadba qolo laga saaray, laguna dilay dad badan oo ka tirsan laba beeloodba, isla markaasna guud ahaan laga baro kacay degmadaas oo hadda wax ku nool oo dadweyne ah aysan jirin, marka laga reebo maleysiyooyin isku hor fadhiya aafaheeda.

Deegaanaya kale ee Gobolkaas, sida Luuq iyo Baardheere, waxaa ka jira Xasilooni iyo wada noolaansho, iyada oo dhamaan beelihii wada degaanaa ay si buuxda u wada joogaan oo ay ku wada nool yihiin, iyada oo aysan jirin qolo laga tagooraa ee loo wada siman yahay in lagu wda noolaado.

Dhanka Jubba hoose, waa degaan ay ku wada nool yihiin qomiyado ama beelo fara badan ee Soomaaliyeed,kuwaas oo ku wada leh taariikh nololeed degaankaas, in kasta oo waqtiga burburka ay dalka waxa badan iska bedeleen, haddana gobolkaas waxaa la oran karaa waa kan kaliya oo laga helo qoomiyad kasta ee Soomaliyeed, balse hogaanka waxaa ka haya isbahaysi ay ku mideysan yihiin inta badan beelaha hubaysan ee ka tirsan deegaankaas, sababtoo ay burburka ka dib , waxaa beeluhu u kala baxaan kuwo hubeysan iyo kuwo aan hubeysneen.

Haddii aan dib wax yar ugu noqdo dawladdii ugu dambeysay oo uu Madaxda ka ahaa allaha naxriis iyo Janaba ka waraabshee Marxuum Muxamed Siyaad Barre, waxay caan ku ahayd in aysan bulshada Soomaaliyeed , kala lahayn Degaan iyo Daaq ay kala sheegato, oo qof walba oo mudaan Soomali u dhashay meel kasta ha ku noolaadee, ama ha ahaado mid kunool NFD ama Soomaali Galbeed, ama Jabuuti in uusan jirin qof laga sheegan karo degaan Soomaliya Kuyaal.

Iyada oo tirada Gobollada iyo Degmooyinka Dalka Soomaaliya ay ahaayeen Kacaankii 21/10/69 waxii ka horeeyey 8 Gobol iyo ilaa 40 degmo oo kaliya, halka markii dambe uu kacaanku gaarsiiyey 18 Gobol iyo ku dhawaad 90 degmo, iyadoo loo eegayo danta Maslaxadda dadka Soomaaliyeed, si loogu sahlo arrimaha Maamulka, waxbarashada,Caafimaadka iyo dhammaan hawlaha kale ee lagama maarmaanka.

Iyada oo beesha Mareexaan ay tahay ama lagu yaqaan beel Maslaxada jecel oo wax walba ka xigsata xagga Wanaaga , in kastoo ay iska jirto in dhammaan beeluhi ay iska bedeleen wax yaalo badan oo lagu yaqaanay, taasna loo aanaynayo dhibaatada burburka iyo Dawlad la.aanta ka jirta gayiga Soomaaliyeed, oo ay san jirin beel xalay dhalay ah, ee ay maanta beel walba dhexdeeda iyadu isku mash-quulsan tahay.

Marka waxaan u noqonayaa arrinta shukri Axmed iyo Maqaalkeeda ahaa WAR JIRAA CAKAARUU IMAAN, aniga oo runtii aan siinayn muhiimad balaaran erayadeeda, balse jecel inaan xoogaa u caqli celiyo Gabadhaas ayaan idhi:


Malookeyntaada Beentaah, Shukroy Waa mid aan jirine.

Majalada Buur-hakaba Warkaa, Gedo loogu Maagye.

Marin habaabka Saxaafadadu,Waa taariikh Marane.

Moor-yaanimadu Soomaaliya,Meherad weeyaane.

Magac sheegasho aan jirin, Magfac laga doonye,

Milga xumida Qormadaada , yaan mirar ka faaleyne.

Marka hore Digil iyo Mirif, Magac degaan weeye.

Marka xiga GARRE iyo Mareexaan ,Dad is-mudan weeye.

Marka kalena ,kalama maarmaan, Maalin iyo laylee .

GASAARGUDE iyo MAREEXAN, Wakaa Maamulaan Luuqe.

Mudanayaal Is-jecel weeyoo, Muran Madhexyaale .

Baardhere Waa Manbac cilmiyo, Majlis Dariiqade .

Mareexaana inuu mid kayahay,Waad iska moog tahaye.

Madaxnimadii Sh.Axmed Yare, Weykaa Madowdahaye.

Malagiisu ruuxii uu galana , Maalinbuu dhimane .

Marxumkii Shiikh Mursal , Munaafaqbaa Dilaye .

Mareexaanna waa ka murgaday,wixii Maalintas dhacaye.

Absame iyo Mareexaanku , waa labo Mataanaahee .

Midig iyo Bidix weeye runtii, Meel ku wada yaale.

Mahuraanka Talooyinkay, meel ku wada jorane .

Waa iyagaa wada mamulan, Jubbo Magaceede .

Inay Isbahaysiga Wada matalan, wadka murantaye.

Faafaxdhuun muran kama jiro, waa magaalo Daaroode.

Balse Ceel-waaq waxa maydka ,dhigay sir aad malegtene.

Marnaba inan la meerin karin, maanka soo geliyee .

Ugaas xersi Dhulkii u matalay, waa malka wajeere .

Mooyaale koley kutahay , waa mudula diisiiye .

Gumeystaha Markuu diidayna, meesha laga saarye .

Bangal Caanaha Macaan , Geela sade maalye .

Dooy Boqor maamuli jiriyo, Turdho Madasheede .

Mudanihii ina cabdaa bari , jilib magaaleeyee .

Muxamed ina Siyad Bare , markii mudo soo taliye.

Soomaalina mid inay tahay, Mabda Kacaameeeye.

Qabiil inuu meel ku xiray , waa mid waadixa hee .

Magac sheegadkii Degaan, meesha laga saarye .

Dabadeed Maamul Gobol degmo, tiro ku miisanye.

Madax timo riman la yidhi, Gedona Mareexaane .

Murti odey waa horiyo, samaan la soo maraye .

Inaan kula majlisaana , maaha mudankaaye .

Mareey dumar maangaabnimadu,waa mihindiskediye.

Ogow micno maadan sheegine, cidlaad soo macaac tiriyee.


Isku soo wada duuboo akhristoow ama dhageysrtoow waxa haboon in aan la garaacin albaab xiran, sababtoo ah ma ogid wax kaaga soo bixi doona, waxaa la yidhi qof or qabsaday ilaaq dalbay.



Moxamed.Sh. Moxamud (Garyare)
London, U K .
dini_89@hotmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”