Xilidhibaanada Ganacsatada Odayaasha iyo Maamulka Bardhere

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Xilidhibaanada Ganacsatada Odayaasha iyo Maamulka Bardhere

Post by CoolPoisons »

Xilidhibaanada Baarlamaanka Ganacsatada Odayaasha iyo Maamulka Deg, baardheere oo ka wada hadlay Xaalada amaan ee degmadaasi.
Submitted by wararka on Thu, 03/27/2008 - 07:10.

Muqdisho.27March. 08 (Sh.M.Network)-Xildhibano ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee DFKM iyo Maamulka degmada Baardheere ee Gobolka gedo ayaa waxa ay ka wada hadleen arimaha amaanka ee degmadaasi.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka oo dhawaanahaan ku sugnaa Magaalada Baardheere ayaa shalay galinkii dambe markii ugu horeysay kulan dheere la qaatay Odayaasha iyo ganacsatada oo ay kaga wada hadleen xaalada amaan ee Gobolka gedo iyo sidii loo hir galin lahaan howlaha canshuur uruurinta iyo sidii loo taageeri lahaa sahqooyinka Maamulka.

Kulankaan oo ahaa mid Al,baabada u xiranyahay oo aan loo ogolayn in saxaafada wax yaabaha looga hadlayo ay ka ogaato kulanka ayaa gaba gabdii saxaafada waxaa la hadlay Guddoomiyaha degmada baardheere Maxamed Xirse ayaa sheegay in kulanka ay wada qaateen baarlamaanka iyo ganacsatada iyo maamulka ay uga wada hadleen xaalada amaan sidii Canshuur looga aruurin lahaa Gobolka iyo in taageero la siiyo Maamulka Cusub.

Guddoomiyaha degmada Baardheere ayaa waxa uu intaasi raaciyay in kulanka ay la qaateen Ganacsatada laysku Afgartay in ay bixiyaan lacagaha canshuuraadka balse ay sheegeen in marka hore loo baahanyahay in la sugu amaanka Gobolka gedo.

Xubnaha xildhibaanada ee kulanka la qaatay Ganacsatada iyo maamulka Gobolka waxaa ka mid ah xildhibaan Axmed Warsame Max'ed xildhibaan bare Aadan Shire xildhibaan nuur Mataan Cabdi iyo Gor.Yuusuf Maxamed C/qaadir ayaa waxa ay sheegeen in kulanka muhiimadiisa ay tahay in shacabka reer baardheere ay qabsadaan.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Xilidhibaanada Ganacsatada Odayaasha iyo Maamulka Bardhere

Post by CoolPoisons »

Where the fock are the rest?
Beside Ahmed Warsame and Hirale, only noor mataan he's fiqi yaquub. Yusuf Mohamed Abdiqadir and he's Ali Dhere.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”