Xarawish Prisoners Freed ..

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Suldaan_JC
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 558
Joined: Sat Feb 23, 2008 4:23 pm
Location: The City of Burao and London
Contact:

Xarawish Prisoners Freed ..

Post by Suldaan_JC »

Waxaa saaka subax nimadii hore soo gaadhay magaalada Buuhoodle ee Xarunta u ah gobolka Cayn Geesiyadii u dagaallamay degaankooda siidii fadhata Hargaysa laga soo amaamuday looga sifayn lahaa, lagana soo Abaabulay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco.


Geesiyadan oo guud ahaan tiradoodu dhammayd 79 (toddobaatan iyo sagaal), oo laga afduubay xilliyo kala duwan laguna qafaashay goobo kala duwan ayaa waxaa toddobaad kan horraantiisii loo qaaday qaaar kamid ah, iyaga oo lagu qaaday diyaarad magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halka intii kasoo hadhayna shalay ka soo ambabaxeen magaalada Hargaysa gaadiid isugu jiray basas iyo baaburta yar yar.


Waxayna usoo kala am ba baxeen magaalooyinka Buuhoodle iyo Laascaanood.

Haddaba waxaa saaka arooryadii hore laga dareemayey magaalada Buuhoodle u diyaar garowga sidii loo soo dhaweyn lahaa geesiyaashaas, oo dadku ay si weyn ugu farxeen imaatinkooda ay kusoo nabad noqdeen guryahoodii ayagoo fayow.

Waxaa lagaga hortegay meel magaalada ujirta ilaa afartan kiiloomiter (40Km), iyagoo ay isugu jireen dadka soo dhaweynayey Booliskii, ciidanka daraawiishta, Odoyaal,Culimaa' udiin, hooyooyin, dhalinyaro iyo dhammaaan bulshada ku nool gobolkan Cayn, oo watey gadiid aad u fara badan.


Markay soo gaadheen magaalada Buuhoodle gudaheeda ayaa waxaa mar qudha is qabsaday magaaladii sawaxanka iyo qaylada dadweyne aad u fara badnaa, oo ku faraxsan imaanshaha geesiyadan Col. Dayr Hoggaaminayey iyo rasaas aad u tiro badan oo kadhacaysay qoryaha waa weyn ee loo yaqaano Lidka Diyaaradaha iyo Qoryaha Fudud.

Intaa kadib waxaa loo sii galbiyey oo ay isugu tageen dhammaan dadkii iyo gaadiidkii soo dhaweynayey Goroonka weyn ee Kubbadda Cagta ee loo yaqaano Xabbado Stadium, halkaas oo uu khudbad kasoo jeediyey Col. Dayr Cabdi Iskatoos hadaladiisiina waxaa ka mid ahaaa.

Waxaan aad iyo aad ugu farax sanahay anigoo ku hadlaya afka raggii af duubka ee idinka maqnaa soo dhaweynta iyo jacaylka aydaan u kala hadhin dhammaantiin ee aad nagu soo dhaweyseen.

Waxaan idinka maqnayn laba bilood iyo sagaal iyo toban habeen, waxaana naloola dhaqmay intaanu xidhnayn si aad u wanaagsan, wax dhibaato ah oo aan ka ahayn xorriyada-yadii oo nalaga qaaday maanaan qabin, waanu ogayn in aad hadh iyo habeen naga wel welayseen oo ka shaqayneeseen sidaan idinku soo gaadhi lahayn.


Anagu waxaanu nahay ciidankiinii. talo gaarana idinkama lihin waxaa reer Buuhoodle yahay ayaanu ku Gawracan nahay, waxaa nalagu yidhi markaanu joognay Hargaysa "Ma waxaad aadaysaan Puntland iyo maamulkii aad horay uga tirsanaydeen mise waxaad kusoo biiraysaan maamulkayaga, oo waad na la shaqaynaysaan", waxaan ugu jawaabnay "Taasi waxay u taallaa Waxgaradka iyo ummadda aanu kasoo jeedno, iyaagaanu wada tashanaynaa waxay yihiin baanuna la noqonaynaa.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”