oromada somaliland
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2325
- Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm
oromada somaliland
ynihii Kulmiye: Calan Cas Kulantay, Kalgaceyl Cusub, Koox La Magacaabay iyo Gabaygii `Oromo`ee reer Oodweyne!
Muj Prof,UK
03/04/08
Waxaa caddaatay waxyaalihii dad badani awel horeba ogaayeen ee ay sheegi jireen (inkastoo aan la dhegeysan jirin)!
Taas oo ah in xisbiga Kulmiye uu yahay urur ay 'Isu Booddada' Habar Jeclo iyo Habar Awal ay Garxejis ugu shuraakoobeen, gaar ahaan HY!
Meeshu waa maqaaxi uu Siilaanyo iska leeyahay oo kolba siduu doono uu u maamulaayo: markuu doono ayuu muddalabka shaaha eryaa, sharciyada maqaaxida beddelaa, shaqooyinka oo dhan isagu isku wada qabtaa...!
Maantana HA badan oo shaqo tag ah ayaa meesha iska soo buuxiyey - sidii maqsin jaad oo shacabka Hargeysa looga furay!! Arrintani waxay keentay in Muuse Biixi loo doorto guddoomiye-ku-xigeenka maqaaxida Kulmiye waayo ergo-ku-sheegta shirka ka soo qayb galay oo idil si gaar ayaa loo soo xulay! Natiijaduna sidii loogu talo galay ayey ugu dhacday!
Hase yeeshee, sheekada oo dhammina waxay u dhaceysaa waa Garxejis, gaar ahaan Habar Yoonis, oo waagii 'Isu Booddada', 'Muuseyaasha Isu Booday' ama 'Jeegaanta' ay siyaasiyiin-ku-sheegta HA iyo HJ isu baheysteen!!!
Siilaanyo iyo Ina Biixina ujeeddadoodu waa kursi uun! Gaar ahaan awood iyo xukun ay Garxejis/HY kaga ciil beelaan ama ku aargoostaan reero ahaan!! Sheekadaii Maryo-Aloolka oo kale!
Taariikhdii madoobeyd ee Siilaanyo haddii aan 'wax yar' ka soo qaado oo idin yara xasuusiyo:
1) Saraakiisha SNM oo uu isku dhufto waqtigii uu ururka SNM madaxda u ahaa!
Mujaahidiinta uu isku diri jirey waxaa ka mid ahaa Maxamed Cali (AHUN) iyo Axmed Mire, Jaamac Cali Cilmi iyo Axmed Mire, Xasan Yoonis Habbane (AHUN) iyo Calan Cas eg Muuse Biixi iwm... iyo kuwo kale oo tiro badan.
Falkaas oo ahaa si uu kursiga keli ugu ahaado, maamulka aan loogula loollamin oo aan hoggaamiye kale u soo bixin (mar keliya).
Ma maqasheen 'ii dheh' yar oo gaaban oo ah "Siilaanyo = guddoomiyihii ugu muddoda dheeraa ee SNM.."? Sidaas ayuu ugu guuleystey ee ragannimo, hawlkar iyo wax kale toona may aheyn!! Imminkana sidaas ayuun buu Kulmiye ku wadaa, weligiisna ku wadi doonaa oo kursiga sare ugu dhegsan tahay - sidii uu dhaxal u helay ama xanjo adagi ugu dhegsan tahay!
2) Weerarkii dalka ka hor, Siilaanyo wuxuu si cad u oggolaaday in SNM hubka oo dhan laga wada dhigo kaddibna xeryo qaxooti oo Itoobiya ah (sida Dulcad oo markaas ujeeddan loo furaayey) lagu xereeyo! Siyaasiyiinta, madaxda iwm ahna magan-gelyo siyaasadeed loo fidiyo!
"Marka Hore, Dabkuu Idinka Dhigi Dumar Sidiisiiye,
Marka Xiga Dushuu Idinka Raran Sida Dameeraha e,
Marka Ugu Dambeysana, Dalkuu Idinku Odhan Duunyo Dhaafsada e"!
Siyaasadda uu Siilaanyo Itoobiya u saxeexay 'tabtaas' ayey aheyd! (Maantana SNM ayuu sheegtaa)!
Nasiib wanaag, waa laga diiday ujeeddadiisa! Maantana waa taas mahad Ilaah laga joogaa.
3) Gudogalkii dalka oo uu diido, iskuna dayo joojiyo si uu weearakii1988 u dhicisoobo!
Saraakiishii iyo mujaahidiintii SNM ee dagaalkaas qaaddayna wuxuu ku sheegay 'Dembiileyaal'!
Magacyadoodana wuxuu u gudbiyey dawladda Itoobiya si loo wada xidhxidho marka ugu horreysa ee laba indhood laga qaado! Wuxuu ku dooday inay dagaal 'inqilaab' ama amar la'aan ah ay qaadeen! Dagaalkaas oo ka dhinac ah heshiishkii Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana burburin doona xidhiidhka wanaagsan ee SNM iyo Itoobiya! Qoraalkii iyo liiskii uu Siilaanyo Itoobiya u gudbiyey waxaa ka mid ahaa: Jaamac Cali Cilmi (AHUN), Xasan Yoonis Habbane (Ahun), Axmed Mire, Maxamed Cali (AHUN), Dhego Weyne... iyo mujaahidiin kale oo badan!
4) Isagoo marna qirta inaanu dagaalkaas qaadin, marna ku faana! Tusaale ahaan "Anigu dagaalka idin maan gelin... raggii lugaha/gacmaha idin soo googooyey (saraakiisha aan kor ku soo sheegay iyo kuwo kale) ordoo u taga... wax ha idiin qabteene" shirkii Khaatumo, isagoo la hadlaaya jajab/dhaawac mujaahidiintii hore u ka mid ah oo is yidhi soo shahaada isaga iyo weftigiisa dibedda ka yimid.
5) Diidmadii dib-u-xoreynta dalka iyo abaabulkii Calan Cas ee uu guddoomiyaha u ahaa. Tusaale ahaan " Reer hebel ayaa dagaalka ka baxay" si beelaha la isaga hor keeno oo dagaal sokeeye u bilaabmo, dalkiina aan dib loogu xoreynin!
Waagii Isu Boodda, raggii sheekadan kula jirayna waxaa ka mid ahaa Muuse Biixi, Max'ed Xaashi iyo kuwo kale oo Muuseyeesha Isu Booday ka tirsan/u badan oo Balli Gubadle uun ku qayili jirey!
6) Xaasidnimadii dawladdii Tuur isagoo saraakiil-ku-sheeg badan oo SNM ahaa (sida Ina Biixi iwm) iyo Calan Cas baceeyey oo kaxeystey si uu maamulka Tuur u dhaco! Kaddiba isagu madax u noqdo!!
7) Dagaalladii Sokeeye (1991-1994) oo dhan isaga (Calan Cas iyo saraakiil-ku-sheeg u watay sida Ina Biixi) ayaa ka mas'uul ahaa, madaxna ka ahaa - ilaa Burco ilaa Berbera ilaa Hargeysa!
Muxuuse ka faa'iidey?
"Bohol Hadimo Ha Qodin, Haddaad Qoddana Ha Dheereyn, Ku Dhici Doontaana Mooyee"!
8) Baabi'inta SNM isagaa kow ka ahaa si uu u soo baxo waayo taariikhdiisii SNM mad madow ayaa ka buuxay!
Markaas inay SNM baaba'do oo uu 'shaadh cusub' la soo baxo ayuu rabay! i.e Si aan geesiyadii dalka xoreeyey ee magacyadooda la yaqaannay loogu codeynin (isaga iyo shaadhkiisa waskhda lehna la isaga illaabin)!!
9) SNM sheegasho been been ah, isagoo la wada og yahay wixii uu dhibaatooyin geystey, loona xilqarinaayo - wuxuu qabto iska daaye sida Kulmiye = SNM!
Dhaqan Celis iyo dhangaagaale aan waxba ogeyn ayuun baa sheekadan jilicsan oo kale dhegeysan kara ee dadkii goob-joogga ahaa (bilow ilaa dhammaad) faankan jilicsan oo kale dheg uma dhigaan ee miskiinka way u qajilaanba - indho adayggiisa!
10) Gebo-Gebo:
- Siilaanyo mabda'iisa oo idili waa kursi uun, gaar ahaan mid HY laga aargoosto!
- Weligiis kursi ayuu mabda'iisu ahaa ilaa Faqashiya, SNM!
- Weligiisna kursi ayuu mabda'iisu ahaan doonaa (ila Aakhiro)!
-- Xoreyntii dalkiisana hore ayuu kursi, lacag iwm uga doortay/dooran jirey waagii halganku ugu xumaa!
Imminkana Somaliland kursi uu fuulo, sida C/laahi Yuusuf, ayuu ka dooran doonaa!
"Bahal Ceedhin Ma Daayo, Ninna Caadadiisa Ma Baajo".
Siilaanyo waa Ina Yey 2!
Nin aan aqoon ayuun baa maamul la wadaaga ama kursi ku qabsada!
Bal eeg xitaa saaxiibkii Muuse Biixi oo uu ilaa Galool Hoostii/Qaaxo 'wadan' jirey ayaanu Siilaanyo wax maamul ah u oggoleyne! Cid kalena maxaad moodday?
Waa yimi Muuse Biixi:
1) "Xeebtaa Batalaale, Berbera ayaan doonayaa inaan khamriga xorriyad ugu cabbo..." marka la weydiiyo "SNM maxaad u soo gashay...?" ama mujaahidiinta kale yidhaahdaan "Anigu SNM waxaan ugu soo biiray inaan dawlad caddaalad, sinnaan, Muslinnimo iwm ku dhisan sameeyo..."! i.e mabda' laawe meesha dheef/dhuuni ugu jira! Waanu kaga dhabeeyey arrintaas markii dalka lagu jiray!!
2) Weerarkii Hargeysa 3 (saddex) cisho oo idil ayuu Burco ka dambeeyey! Waayo? Rag ay Muuse Biixi, Khasaare iwm ka mid yihiin ayaa dagaalka dabada hayey (xaasidnimo, terrisaad iyo kursi doon)!
3) "Garxejis/HY ayaa dagaalkii ka baxay" waagii Balli Gubadle! Sidoo kale, cajlado iyo sawirro been been ah oo uu Hargeysa ka soo duubo isagoo ku leh qurbo-joogga Sacad Muuse "Aniga, Khasaare, Max'ed Xaashi et al..." ayaa Hargeysa xoreeyey (ee lacag Garxejis/HY lagula dagaallamo soo dira)!
4) Maahmaah SNM ayaa ahaan jirtey " Muuse Biixi Basal Ma Kala Jeexo"! Taas oo macneheedu yahay weligiis geesiyada SNM ee dagaallama (eg Habbane, Mire iwm) ayuun buu la xintami jirey ee meel uu 'qashar' ka riday waa yar tahay ama lama sheegin!
5) Dagaalladii sokeeye raggii ugu waaweynaa ayuu ka mid ahaa! Gaar ahaan, faanka Sacad Muuse ee " Garxejis/HY meydkoodii ayaa Qool Caday, Sallaxley... laga badiyey" isagaa ka mid ahaa!
6) "HY Burco iyo Oodweyne ayaannu ka eryannay oo Gaashaamo ayaa la geeyey..." ayaa waagii Maryo-Aloolka maqaaxiyaha Sacad Muuse la iskaga maaweelin jirey!
7) Imminkana wuxuu madaxnimada xisbiga Kulmiye ugu dhegsan yahay waa inuu HY mar ka aarsado oo yidhaahdo "waannu eryannay..." sidii waagii Maryo-Alool/Ciidankii Cigaal!
Sababta Kulmiye loo sameeyey ayaaba sidaa aheyd!
Runtii Muuseyaasha Isu Booday markay hadlayaan (gaar ahaan Muuse Subeer) waxay ku faanaan oo yidhaahdaan " xisbigayaga"!
Hadal iyo dhammaan, xisbigan Kulmiye caddaalad, sinnaan iyo midnimo ka dheer intuu Siilaanyo kursiga sare awood ku haysto! Waayo qorshihiiso dhammi waa:
1) Kursi jaceyl sida Ina Yey
2) Naceybka HY (oo uu la god gelaayo)
3) Madax-ku-sheegta kale oo uu qabyaalad ku kala xado (sida Ina Biixi iwm)!
4) Dagaal uu ka dhex dhaliyo HY iyo HJ oo magaalada Burco uun lagu burburiyo!
5) Taariikhda SNM iyo halgankii oo uu ka been sheegto si uu dhangaagaalaha iyo Dhaqan Celiska aan aqoon u laheyn (isaga iyo Calan Cas toona) isaga dhaadhiciyo! Muuse Biixina waa gacan yarahiisa (weligiisna ahaa) iyo muddlabka cusub ee maqaaxida oo kolba shaqada loo diro ayuun buu fulin doonaa - sidii Gaanni/Moorgan! Mise tolow way ka sii dari oo " Abeeso Ninkii Koriyaa, Isagaa U Aayi" ayuu arrinkuba noqon doonaa? Waynnu eegnaa!
Ugu dambeyn, su'aashu waxay tahay:
1) Oromada reer Oodweyne ma og yihiin siyaasadda iyo xeeladahan lagu wado?
2) Ma basaas Riyaale iyo UDUB ayaa kaxeysan oo 'gobol' ayaannu idin siinnay iwm ku sasaban?
3) Ma afar calooshood-u-shaqeyste ayaa sidoodii meel daran u kaxeyn oo magacooda 'iibsan'?
4) Ma urur/xisbi kale (eg Qaran) ayey ku biiri ama sameysan?
5) Mise sida ilma adeerradood, Oromada Itoobiya, ayey weligood ahaan doonaan?
Gabaygan 'Oromo' ayaa su'aalahan iyo qaar horeba ka jawaabaya!
"Waa Erayadii Ina Cabdi Jiriill, ee Oromo yahay Ururtay!
Abidkiinba Waa La Idin lahaa, ilaa tan iyo Ingiriise
Imminkana UDUB miyaa yeeshay Adhigii Habar Yoonis?
Alleylehe Abaalkiin baydin helay, Awood Markuu Helaye!
Waxaa Idin Aqoon Dhaamey Odeygii Adhiga Soo iib Geeyey
Oo Wuxuu Yidhi "Ma Arrafo Ayaan ka ilbixi Waayey?" ...
Bartaa Waxaa idin Dhigay Biidhi-Qaateyaal Beeso Loo Fidine
Business-koodu waa Basaasnimo iyo inay Beeshan Dumiyaane
...
Huunnada Hadalkooda iyo Heesohoodu Waa Halkan oo Dhowe
Habruhuna Waxay Hargeysa Kaga Haasaawayaan
"Haradan HY Ee Laga Hirqaday, Hooyo Anigana Hadhuubka ii Soo Dar"!!!
...
Kulmiyena waa Maqaaxi, Uu Siilaanyo Shaah Ku Kariyaaye
Waa Kalshin, Uu Maxamed Kaahin Kaalinta Hayaaye
Waa Kilaab (Club) Gaar ah oo Calan Cas ay Ku Kulantaaye
Waa Kaare uu Ina Biixi Maanta Soo Koraye
Waa Jeedal Kulul Oo Oromo Lagu Karbaashaaye!
Waa Muuseyaal Kibir Is Biday iyo Koronkorro Oo Kale e
Ee Kursi Oroma Loogama Oggola, Kor iyo Hoos Toona!
Kubkay Maryo-Alool Ka Jabi, Intay Ka Ordayaan Ormo Raadkeeda!!!
...
Maantana Ninkii Ina Cabdi Jiciir Miyaa Jeelka Loo Jiiday?
Mandheera Ayey Maxaabiis Ku Yiin Madaxdii Reeruhuye
Meel Aad Ku Leedihiin Dalkana Map-ka Laga Waaye!
"Madaxii iyo Minjihii Isaaq Baannu Nahay" Oromo Yahay Meeday?
...
Nin Walowba Nacaskaagu Yaanu Neefsane, ee Naar Ha Lagu Tuuro!
...
"Raggeedii" Iska Dhiga Haddii aad Rabtaan
in Reer Sheekh Isaaq "Ka Baqdo Raadkiinna"
...
Saraakiishiinnii SNM Meelo Sare iyo Maamul Lama Siinne!
Suldaankiinnii Miyaa La Iska Xidhay Sidii Seylad Awr Joogay!!
...
Xayawaan Yahow "Xisbi Lama Yeelan Karo" Ayaa Xaalku Marayaaye!
Xog Ogaalkiinnii Ayaa La Iska Xidhi, Sidii Xoolo oo Kale!
....
Wasiirradiinnii Miyaa Loo Wataa Wanan La Soo Iib Geeyey?
Wuxuush Yahay Isaaq Baa Idin Watay ilaa Calan Cas Waageede
Oo Waa Kuwii "Jeegaanta" Weyn Idinku Soo Waageertay!
...
Yuruuruc Yahow Yur Iska Dhaha Ayaxan Idinku Soo Yoomay!"
Muj Prof, UK!

- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: oromada somaliland
wtf did you get this Bullshid from?
- GENERAL_SNM
- SomaliNet Super
- Posts: 9757
- Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
- Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''
Re: oromada somaliland
You black adens need to leave my rear abti alone.....Or else 

- Xaaji_Xundjuf
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1790
- Joined: Tue Jan 29, 2008 2:29 pm
- Location: Desert Nomadic
Re: oromada somaliland
GARXAJIS
:somaliland:

- SahanGalbeed
- SomaliNet Super
- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: oromada somaliland
Is this guy really HJ? think , just think for a minute !!
- GENERAL_SNM
- SomaliNet Super
- Posts: 9757
- Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
- Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''
Re: oromada somaliland
What he is is none of your business, why does it concern you your not HJ and you dont like them.
PS We have to put up with his madness it comes from his other side, just like you.Both your problems began in las anood. Naska dhulbahnte cano ka cabten.

PS We have to put up with his madness it comes from his other side, just like you.Both your problems began in las anood. Naska dhulbahnte cano ka cabten.

- Xaaji_Xundjuf
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1790
- Joined: Tue Jan 29, 2008 2:29 pm
- Location: Desert Nomadic
Re: oromada somaliland
he is not h j he is not isaaq he is not somaliland he darod dhulbahante faqash cimile ina axmed jamac jangali ba qarxiyee
- SahanGalbeed
- SomaliNet Super
- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: oromada somaliland
General SNM, this piece is not about Black adens saying anything about HY, it is about essentially describing Silanyo as a FRAUD !
Now is that guy really your cousin?
Now is that guy really your cousin?
- Ben Dover
- SomaliNet Super
- Posts: 5259
- Joined: Fri Mar 25, 2005 8:08 pm
- Location: getrichathome.co.uk
- Contact:
Re: oromada somaliland
Wadaniweyne and General SNM are two people whom I can swear are not HJ or Isaaq.
- GENERAL_SNM
- SomaliNet Super
- Posts: 9757
- Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
- Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''
Re: oromada somaliland
Do you think its stupid and childish to question peoples ancestory because they do not agree with your stupid expectation of how a Isaaq/HJ person should think.In this from people expect each group to think along certain patterns, anyone that does not do that is questioned.Ben Dover wrote:Wadaniweyne and General SNM are two people whom I can swear are not HJ or Isaaq.
Ben dover, for your info his my line
Dahiir
Farax
Noah
Mohammed
Jabril
Muuse
So the one they named bendover, you should stop bending over for these none HJ, in the hope that by questioning other HJ people, it will make you more of a HJ.Because it doesn't it only makes you a collabrator.
- Xaaji_Xundjuf
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1790
- Joined: Tue Jan 29, 2008 2:29 pm
- Location: Desert Nomadic
Re: oromada somaliland
ur not hj period
- GENERAL_SNM
- SomaliNet Super
- Posts: 9757
- Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
- Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''
Re: oromada somaliland
and your not HA....
- Xaaji_Xundjuf
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1790
- Joined: Tue Jan 29, 2008 2:29 pm
- Location: Desert Nomadic
Re: oromada somaliland
Dahiir
Farax
Noah
Mohammed
Jabril
Muuse
six names doesent make u hj my friend
Farax
Noah
Mohammed
Jabril
Muuse
six names doesent make u hj my friend
- GENERAL_SNM
- SomaliNet Super
- Posts: 9757
- Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
- Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''
Re: oromada somaliland
Trust me if you were a HJ those 6 names would be enough, but a lonley monkey wants me to educate him.Ask nicely and I might tell you the rest.
- Xaaji_Xundjuf
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1790
- Joined: Tue Jan 29, 2008 2:29 pm
- Location: Desert Nomadic
Re: oromada somaliland
soo gen duufle if i say i am
cabdi cali sicid Muse Muhammad cali farax nur sicid Jamac abdurlamaan muse ciidangalle daud garxajis
i am ciidangalle
war meeshe ka carar

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 54 Replies
- 1703 Views
-
Last post by GENERAL_SNM
-
- 2 Replies
- 320 Views
-
Last post by Daanyerow
-
- 4 Replies
- 488 Views
-
Last post by hanqadh
-
- 0 Replies
- 512 Views
-
Last post by GacanSareeye
-
- 9 Replies
- 584 Views
-
Last post by Strategic
-
- 67 Replies
- 6292 Views
-
Last post by Waachis
-
- 1 Replies
- 1963 Views
-
Last post by Polus
-
- 15 Replies
- 2513 Views
-
Last post by TarTar
-
- 6 Replies
- 706 Views
-
Last post by BigBreak