Gud-Xiriirka Kubadda Cagta Ee Magaalada Kismaayo Burhaan Maxamuud Xasan (kukuyo) Oo Maanta Sheegay Inay Ciyaarahii Gobollada Jubbooyinka Ay Dhamaadeen Ayna Koobkii Loo Tartamayay Ay Ku Guuleysteen J/Hoose
Apr 07,2008
byKismaayo-GEDO-NN
Burhaan Maxamuud Xasan (Kukuyo), gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee degmada Kismaayo ayaa maanta ka hadlay khilaafkii dhawaan soo kala dhex galay ciyaaryahannada gobalka Jubbada Hoose iyo xulka gobolka Gedo oo maalmo ka hor uu khilaaf weyn soo kala dhex galay kadib markii ay ciyaartii ugu danbeysay ee la filayay in lagu kala baxo gool qurux badan laga diiday kooxda gobalka Gedo.
Burhaan Kukuyo ayaa maanta ku adkeystay in aysan Kooxdiisa ku laaban doonin garoonka, wuxuuna sheegay in hadii arrimaha ciyaaraha ay galaan odayaasha dhaqanka sidaa daraadeedna la goaamiyo in garoonka lagu celiyo kooxdiisa ay galidoonaan xaajo kasto oo ciyaareed taasoo ka dhacdo goboladani odayaasha dhaqanka ayuu yiri Burhaan Kukuyo.
Dhanka kalana, waxey maanta doorteen ciyaartoyda sedexda gobol gudoomiyaha xiriirka kubada cagta ee Sedexda Gobol, waa Gobolada J/Hoose, J/dhexe iyo Gobolka Gedo oo loo doortay mudane Cabdi Xaaq oo ka tirsanaa goolhayayaashii ciyaartoydii u ciyaari jirtay Gobolkani Jubbada Hoose. Doorashadani oo ka dhacday xafiiska kubada cagta ee Kismaayo, waxaana dooranayay ilaa 15 xubnood oo ka kala socotay sedexda gobol.
Waxaa haatan guddi garsoor ah oo si dhexdhexaad ah u galo loo saaray khilaafkii dhawaan soo kala dhex galay ciyaaryahanada gobolka Gedo iyo kuwa jubbada hoose kadib markii mid kamid ah calanwadayaasha uu dafiray gool ay keensadeen ciyaaryahanada gobalka Gedo.
Wali Sh Cabdi Gurxan
Arimaha Sports-ka
Kismaayo Soomaaliya
Lower Juba (Siyad Husein) beat Gedo (Ali Husein)
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 608 Views
-
Last post by Gedo_Boy
-
- 9 Replies
- 738 Views
-
Last post by Luq_Ganane
-
- 26 Replies
- 2075 Views
-
Last post by Advo
-
- 13 Replies
- 1539 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 6 Replies
- 631 Views
-
Last post by The`Republic
-
- 4 Replies
- 912 Views
-
Last post by Shankaroon_614
-
- 0 Replies
- 433 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 7 Replies
- 584 Views
-
Last post by precious_dyme
-
- 1 Replies
- 376 Views
-
Last post by qoraxeey