ZIyaaradiii sh. Xasan macallin cali oo lagu qabtay meela kala duwan. { 25 Mar 2008}
waxaa la daabacay Tue 25 Mar 2008 05: 19: 50
Xuskii Caalimkii weynaa ee caarifka ahaa sh Xasan Mucallim Cali ayaa ka dhacday meela badan oo adduunka ka mid ah.
Iyadoo ay Ziyaarada sheekha soo qabanqaabiyeen dadkii sheekha dinta ka bartay, kuwii kasii bartay, culammaa'udiinka iyo dadyow aad u fara badan maadaama uu sheekhu sumcad wayn ku dhexlahaa dadka muslimiinta ah dhecdooda.
Sida ay ogsoonyihiin inta aqoonta u leh taariikhda culammada soomaaliyeed sheekh xasan mareexaan oo galbeedka soomaliya looga yiqiinnay sheekh xasan jigjiga wuxuu ahaa caalim caan ku ah dhammaan culuumta carabiyada iyo tafsiirka, sidoo kale wuxuu sheekhu aqrin jiray Axaaadiithta Rasuulka CSWS, Caqiiddada, Fiqhiga, Usulul fiqhihiga, Taswufka iyo funuun badan oo kamid ah culuumta diinta Islaamka.
Sheekha allaha u naxariistee, wuxuu diinta baray dad aad u fara badan, wuxuu soo saaray culammaa'uddiin caan ka ah soomaaliya iyo waddama badan oo caalamka kaamid ah, taas oo sababtay in sheekha si weyn looga qadiriyo muslimiinta dhexdeda iyo in taariikhda ku aaddan bishan laga siyaarto meela badan oo ka mid ah caalamka.
Hawl wadeenada bogga ahlu sunna waxay nasiib u yeesheen inay ka qayb galaan xuskii sheekha loogu sameeyey magaalada Nairobi ee daka kenya. Xuskaan oo ay ka soo qayb galeen dad badan oo qaarkood ka soo jeedaan madarasada sheekha iyo culammaa'udiin meela badan ka kalayimid.
Waxaa muslimiintii xuskan isugu timi Ilaahay nasiib uga dhigay dhegaysiga Quraanka kariimka, amaanta Rasuulka CSWS iyo ammaanta Awliyada, waxaa ixtifaalka shekha laga soo jeediyey wacdiyo dhaqaajiyey quluubta muuminiinta oo aad dadka loogu boorriyey Ilaahay cabsidiisa, sidoo kale waxay culammadu ka hadleen tariikhdii sheekhii la xusayey iyo kaalintii weyned ee uu kasoo qaatay faafinta barista iyo difaaca diinta Islaamka.
Ziyaaradan oo si fiican loo soo shamiray waxaa Culammaa'udiinkii wacdiga ka soo jeediyey ka mid ahaa:
Sh. c/qaadir xaashi cali ( sh. c/qaadir Baajuuri)
Sheekh muxammad Yuusuf( dhagaxbuur )
sheerkh c/raxmaan mir jumcale
Sheekh c/Rasqaq yusuf aadan
Macallin maxamuud iyo culama kale.
Ugu danbayntii sheekhyadii ka soo qayb galay xuska sheekha waxay muslimiinta ugu ducayeen nasri, guul iyo Alla ku xirnaasho ay ku waaraan aduun iyo aakhiro, waxay sidoo kale u duceeyeen dadkii khayrkan sababta u noqday.
Macallin Zakariya Sheekh Cusmaan
http://www.ahlusunna.org/view.php?id=57
ZIyaaradiii sh. Xasan macallin cali oo lagu qabtay meela ka
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 996 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 741 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 1108 Views
-
Last post by CoolPoison
-
- 3 Replies
- 757 Views
-
Last post by KyrieJama
-
- 0 Replies
- 480 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 2 Replies
- 643 Views
-
Last post by original dervish
-
- 0 Replies
- 357 Views
-
Last post by Salaxbaashe