GAALKACYO:diyaar garow magaalada laga dareemay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

GAALKACYO:diyaar garow magaalada laga dareemay

Post by gemini07 »

Gaalkacyo: Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda oo ku soo dhowaaday magaalada Galkacyo & diyaar garow magaalada laga dareemay.
10. april 2008




Galkacyo (AllPuntland) - Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay qabanqaabinayaan weerar ay ku qaadaan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Ciidamada amaanka ee Magaalada Gaalkacyo ayaa hiigan Culus lagaliyey habeenadii ugu danbeeyey ,waxa ayna arintan ka danbeysay markii ay soo baxeen warka sheegaya in kooxahaasi ay ku soo wadeen magaalada Gaalkacyo.

Warka ayaa sheegaya in Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,ay soo gaareen deegaano ka tirsan gobalka Mudug markii ay todobaadkii hore qabsadeen Magaalada Cadaado ee gobalka Galguduud.

Hubka waa weyn ayaa mararka qaarkood Saaka & Xaleyba Magaalada Gaalkacyo ka dhacayay ,mana aheyn mid ay cid isku rideysay wuxuu ahaa mid ay tijaabsanayeen Ciidamada Iskaashada amaanka Magaaladaasi.

Masuuliyiinta gobalka ayaa sheegay in ay soo afjarayaan Kooxahaasi hadii ay isku dayaan in ay soo qaadaan weeraro.

Dhinaca Koonfurta ayaa heegan la geliyay ciidamdooda, Waxa ayna sidoo kale xireen wadooyinka ka leexda Wadada Aada gobalada Koonfureed ee Soomaaliya, si aysan kooxahaasi geesaha u adaan.

Abaabulka kooxaha ka soo horjeeda Dowladda waxaa uu maalmihii la soo dhaafay si xawli ah uga soconayay Gobalka galgaduud oo ay inta badan Saldhigyo Milateri ku leeyihiin ,waxaana jira ciidamada ka tirsan ciidamada taageerada Milateri Siinaya dawladda Soomaaliya ee Itoobiya oo ku soo dhawaaday Xaduuda ay wadaagaan gobalada Mudug & Galguduud.

Cabdicasiis Maxamed
AllPuntland
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: GAALKACYO:diyaar garow magaalada laga dareemay

Post by sheekh-Farax-zero »

:shock:
User avatar
zackabdul
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3313
Joined: Tue May 01, 2007 4:22 pm
Location: The Canadian Artic

Re: GAALKACYO:diyaar garow magaalada laga dareemay

Post by zackabdul »

Is this Galmudug trying to make a move on PL? :?
User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: GAALKACYO:diyaar garow magaalada laga dareemay

Post by gemini07 »

it's the UNITED MOORYAAN MOVEMENT also known to naive xoolo as the 'islamic courts union'
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”