Kismayo new mayor. Ahmed Sheikh Mohamed Burale.

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Kismayo new mayor. Ahmed Sheikh Mohamed Burale.

Post by CoolPoisons »

what subclan's he?

Axmed Sh Maxamed Buraale (Surdheere) Oo Maanta Loo Magacaabay Gudoomiyaha Degmada Kismaayo
Apr 13,2008
by Kismaayo-GEDO-NN
Waxaa maanta loo magacaabay gudoomiyaha degmada Kismaayo Axmed Sh Maxamed Buraale (Surdheere) Sida uu maanta u Xaqiijiyay Warbaahinta Gedonet Gudoomiye ku xigenka 1aad ahna duqa Magaalada kismaayo Mudane Maxamed Nuur Xasan (Gacma-dheere).

Wuxuuna Gacma-dheere sheegay in ay Soo gaartay Warqad Qoraal ah oo kaga timid labada Gole ee haatan ka arrimiyo magaalada Kismaayo, taasoo ay ku qeexan tahay in mudane Axmed Surdheere uu yahay Gudoomiyaha degmada Kismaayo.

Gudoomiye ku xegeenka 1aad ahna duqa magaalada Kismaayo Mudane Maxamed Nuur Xasan (Gacma-dheere) oo aan wax ka weydiiday in uu soo dhaweynayo gudoomiyaha cusub maadaamo oo maalmahan danbe la isla dhex marayay in uu Gacma-dheere aad kaga soo horjeedo maamulka cusub ee ay soo magacowday Beesha Sade ayuu ku Nuux-nuux saday in uu la shaqeyn doono Gudoomiye Axmed Sh Maxamed Buraale (Surdheere) ayna haatan u Baahan tahay Kismaayo Maamul wax ku ool ah oo tabar leh, Axmed Surdheerana uu yahay nin arrimahaaas aragti u leh. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Annaga Ninkan Ciidamo nagunma Qabsan ee qalin ayuu la yimid wuxuuna sheegay haddii aanan u baahneyn in uu laabanayo, annaga yaana u baahan nin dhalin yara ah oo waxtar ah".

Axmed Sh Maxamed Buraale cudoomiyaha cusub oo aan kula kulmay gudaha xafiiskiisa ayaa sidoo kale sheegay in uu wax ka qabandoono xaaladaha ammaanka, Sicir-Bararka, iyo weliba abaaraha iyo biya la'aanta ka taagan Gobolada Kismaayo hoos yimaado. Waa sida uu hadalka u dhigaye, wuxuuna Axmed Surdheere intaa raaciyay in ay soo magacaabeen Golayaasha dhaqanka iyo Siyaasada ee Beesha Sade oo haatan iyaga ka arrimiyo Kismaayo iyo inta badan goboladani jubbooyinka.

Isku soo wada duuboo waxey dad Badan isweydiinayaan waxa uu Surdheere ka badali karo maamulkii hore ee ka jiray Kismaayo iyo Weliba xaaladaha ammaanka ee degmada kismaayo oo waayadan danbe lagu arkayay jidgooyo ay dhiganayaan maleyshiyo beeled kastaa oo Wax tabaneyso.

Wali Sh Cabdi Gurxan
Gedo News Network
Kismaayo Soomaaliya

http://www.gedonet.com/index.php?news=2836
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”