By wariye Yaxye C/risaaq Soofe
Kacaankii Bur Buray Kadeedaa Ka danbeeyay kadib markii ay bur burtay dawladii Kacaanka ee uu hogaanka u hayay allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Siyaad Barre dadka Soomaaliyeed iyo dalkaba waxa ay la dariseen dhibaatooyin fara badan kuwaasoo aan qoraal qura lagu soo koobi karin. Aan ku hor maro dhibaatooyinka uu dalkeena hooyo la kulmay ka gadaal marki ay meesha ka baxday dawladii kacaanka aniga oo jeclaystay inta aan ka hadlin dhibtaada in aan mar ka hore ka hadlo sida soomaaliya ay ahaan jirtay bari Samaadki.Dalka siduu ahaan jiray iyo maanta siduu yahay muuqaalka aragiyo maqalkaba u kala roon.
Laga soo bilaabo1969 xilligaas oo uu talada dalka Soomaaliya la wareegay kacaankii, Soomaaliya waxay ahayd dal si wayn looga qadariyo duniada caalamka iyada oo dawladii xilligaasi jirtay ka qayb qaadatay xoreenta dawlado badan oo afrikaan ah sida South Afrika iyo kuwa kale iyada oo heeso badan oo ay ka mid tahay, Madaxdii Afrikaay Mabdaii gumeesiga magacood ba wuxuu yahay, wanka macasha ii qabo adiga gawrac ii mari dhiigana an muudsado iyo kuwa kale aan la soo koobi karin iyada oo xilliga heestaasi la qaadayay uu Maxamed Siyaad barre uu ahaa gudoomiyaha Midawga Afrika.
Sidoo kale, dawladii Kacaanka waxa ay hergelsay adeegyada dadwaynaha oo lacag la'aan ah sida caafimaadka, wax barashada illaa heer jaamacadeed taasoo si wayn ay uga faaidaysteen dadka Soomaaliyeed talaabadaasi oo ahayd mid wax ku ool ah, hadaba dalkii sidaasi ahaa haatan waxa uu noqday dal tusaale u noqda xumaha oo dhan iyada oo markii meel ka mid ah aduunka ay qalalaaso ka dhacdo Soomaaliya tusaale looga dhigo oo la yiraahdo sida Soomaaliya oo kale, arintaas oo qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ku noqonayso fool xumo aad u wayn iyo dhabar jab. Abwaan Abshir Nuur Faarax oo loo yaqaan (Abshir Bacadle) oo ah abwaan Soomaaliyeed oo haatan ku sugan caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo ahaa abwaan si wayn uga soo horjeeday xilliyadii hore Kacaankii, balse marki uu arkay dhibaatadii ka danbeesay bur-burkii kacaanka ayaa waxuu ka tiriyay gabay aad u dheer oo ereyadiisa ay ka mid ahaayeen: Allahayow yaa Noo diga markaan duqa ku yaaceynay, waa loo darsaday duqii dacayda waynaaye, ha la doono ducana ha loogu daro ileen waad na dubateene!.
Ma ahan oo kaliya dalka Soomaaliya oo kaliya waxa dhibaatada ay soo gaartay, balse dadkiisana waxa uu noqday mid ku dayacan daafaha aduunka isla markaana aysan jirin cid ka war qabta iyada oo ay taasi u sii dheer taay dhaca, kufsiga iyo boobka. Waa kuwan caruurta Soomaaliya sida ay u dhibaateesan yihiin mana haystaan wax barasho iyo daryeel caafimaad midna, waxaana intaasi u sii dheer gaajada iyo rafaadka. Sida hadaba aad ka arki kartaan sawirakan, waa kuwaan dadka sumcadda ku lahaa aduunka laga soo bilaabo xilligii aan xornimada qaadanay illaa 1991 haatan loo qaybinayo cunno, kaddib markii caalamka la gaarsiiyay sida ay u tabaaleesan yihiin dadka Soomaaliyeed. Fanaaninta Soomaaliyeed ayaa in badan ka hadashay dhibka haysta maatida Soomaaliyeed ee meel walba oo aduunka ah ku dayacan, waxayna yiraahdeen "Daalnayoo dhibtoonayee nabad lagu dakeeyiyo, dib la isku wareystiyo, xal dag-daga Allahayow."
Hadaba su'aasha jawaabta u baahan ayaa ah, kacaankii uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre malaga reystay mise waa loo darsaday?
Fiiro Gaar ah: Fariimaha durduraiyo su'aalaha is daba yaal, dulucdiyo u jeeda - Soomaaliyeey waa dood inoo furan waxaadna ku soo hagaajin kartaan jawaabihiina ama wixii dood ah ee aad ka qabtaan arrintaan emailka Cinwaankiisu yahay yaxye15@hotmail.com. Ogow fikirkaaga waa muhiim.
Waxaa barnaamijkan soo diyaariyay iskuna soo duba riday wariye Yaxye C/risaaq Soofe.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
http://www.allgedo.com/Galged/maqaal%20 ... 0soofe.htm
Kacaankii bur-buray, kadeedaa ka danbeeyay!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 1048 Views
-
Last post by Timiro1999
-
- 3 Replies
- 1429 Views
-
Last post by Advocatar
-
- 0 Replies
- 340 Views
-
Last post by STOP!
-
- 5 Replies
- 609 Views
-
Last post by sahal80
-
- 1 Replies
- 1522 Views
-
Last post by CUSHITE KINGDOM
-
- 1 Replies
- 10131 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 16 Replies
- 101 Views
-
Last post by zingii
-
- 0 Replies
- 1255 Views
-
Last post by The Magnificent
-
- 1 Replies
- 10483 Views
-
Last post by qoraxeey
-
- 0 Replies
- 9703 Views
-
Last post by The Magnificent