





Gaari Ural ah oo goor dhow lagu gubey Gobolka Shabeelada Dhexe.
Beerdhiga 14.04.2008 12:21
Waxa goor dhow oo saaka ah miino kula kacdey mid ka mid ah gaadiid ay wateen ciidanka Gumeysiga Itoobiya meel u dhaxeysa tuulooyina Jinbilow iyo Fiidow oo lagu magacaabo Xarar Lugoole oo ka tirsan Gobolka Shabeelada dhexe.
Gaari ural ah oo ka mid ah 4 gaari oo ka soo amba baxdey Buulobarde kuna soo jeeday Jowhar oo sidey meyd iyo dhaawac ka dhashey qaraxyo iyo weeraro shaley la gula beegsadey ciidanka Gumeysiga Itoobiya Gobolka Hiiraan, ayaa saaka waxa ay miino kula kacdey halka loo yaqaan Xarar Lugoole oo ka tirsan Gobolka Shabeelada dhexe.
Sida uu shabakada Beerdhiga u xaqiijiyey mar uu la soo xariirey afhayeenka ciidanka MMI soomaaliyed C/Raxiim Ciise Cadow,waxa uu sheegay in ay hal gaari oo Ural ah ka gubeen ciidanka Gumeysiga Itoobiya, ka dib markii ay la beegsadeen miinada nooca meelaha fog laga hago.gaadiidka oo uu sheegay in ay ahaayeen 4 gaari oo ka timid dhinca Buulo, kuna soo jeeday Jowhar oo sidey meyd iyo dhaawac ka dhashey qaraxyo iyo weeraro shaley ay kula beegsadeen Gobolka Hiiraan.
4 ta gaari ee ay wateen ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee saaka lala beegsadey qaraxa miino ayaa wali ku sugan halkii weerarka la gula beegsadey , iyada oo aysan jirin waxa gurmad ah oo uga yimid ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee ku kala suga Jowhar iyo Buulobarde.