Labo Beelood Oo Dhowaan Ku Dagaalamay Magaalada Luuq Ee Gobolka Gedo Oo Isla Gaaray Heshiis Nabadeed
Apr 16,2008
by Baardheere-GEDO-NN
Labo beelood oo todobaadkii lasoo dhaafey ku dagaalamay Gudaha Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa lagu soo waramayaa in ay isla gaareen heshiis nabadeed oo ay ku dhamaynayaan colaada iyo khilaafka u dhaxeeya,iyadoo isla maantana labada beelood ay kala qaateen sabeen iyo duug oo la xariirta dadkii ku dhintey dagaalkii dhowaan ka dhacay Degmada Luuq iyo dil sii horeeeyey oo aanan wax xal ah laga gaarin.
Arrintani ayaa waxa ay ka dambeysay waan waan nabadeed oo baryahii la soo dhaafey halkaasi ay ka wadeen Gudi ka kooban 15 Xubnood oo ka madaxbanaan beelahii dirirtu ay dhexmartey, kuwaasi oo maalmahba kulamo iyo wada xaajoodyo la yeelanayey labada dhinac, taasi oo ugu dambeentii sababtey in labada dhinac ay si toos ah ugu wada hadlaan khilaafka u dhaxeeya iyo colaadii dhex martey dhowaan sida uu Gedonet u xaqiijiyey Ugaaska Beesha Macalin weyne, Ugaas Biloow Xasanow Xeydar.
Ugaas Bilow ayaa rajo wanaagsan waxaa uu kamuujiyey heshiisyadii ay wada gaareen labada dhinac ,taasi oo uu sheegay inay dhabada u xaari doonto khilaaf soo jiitamayey in mudo ah oo u dhaxeeyey labada dhinac,waxuuna tilmaamay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in dadkii dhintey arintooda lagu dhameeyey hab mag ah.
Dagaal dhowaan ka dhacay gudaha magaalada Luuq ayaa inta la ogyahay waxaa ku naf waayey ilaa 3 ruux,hlka tiro shan ruuxna ay ku dhaawacmeen. Si kastaba ha ahatee, heshiiskani ay wada gaareen Odoyaasha iyo waxgaradka labada beelood ayaa si weyn waxaa looga soo dhaweeyey Degmada Luuq iyo deegaano ka tirsan Gobolka Gedo,iyadoo dadka qaarkiina talabada noocani oo kale ay ku tilmaameen mid horey loogu qaadayo dhanka nabada.
A C Saalixi-GEDO-NN-Baardheere
http://www.gedonet.com/index.php?news=2855
Rahanweyn and Rer Ahmed make peace
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 2521 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 9 Replies
- 660 Views
-
Last post by galia
-
- 0 Replies
- 322 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 11 Replies
- 781 Views
-
Last post by LionHeart-112
-
- 24 Replies
- 158 Views
-
Last post by surrender
-
- 2 Replies
- 25 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 12 Replies
- 1242 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan