Last Updated::2008-04-19 16:04:53
TopStoryGarowe(HR Media):-Mudaharaad looga soo horjeedo ascaarta kacday ayaa maalintii labaad ka dhacay Garowe .................
mudaharaadka oo saaka goor hore ka bilowmay garowe ayaa waxaa uu ahaa mid looga soo horjeedo qiimaha doolarka lagu sarifo , Banaan baxayaashu waxay socdaal ku mareen qaybo badan oo ka mid ah wadooyinka waa weyn ee caasimada Puntland
laakiinse markii uu indoor ah socday ayuu dibad baxu waxaa uu isu badalay mid rabshado wata , Policeka ayaa soo faragashtay mudaharaadka waxaana uu dibadbaxu istaagay markii ciidamada Birmada ee gobolka nugaal ay kala eryeen dadkii banaan baxayey
Maamulka puntland waxaa uu sheegay in mudaharaadku uu ahaa mid dano gaar ah laga lahaa isla markaana waxaa ay saraakiisha ciidamada Birmadu sheegeen in ay xabsiga dhigeen dad gaaraya 12qof oo banaan baxayaasha ka mid ahaa
Asad sa'id ALi
Horseed Media
Garowe
--------------------------------------------------------------------------------------------------
I guess it wasn't peaceful after all.. I knew they couldn't resist the temptation to riot.
