News Somali Tv Raad International xafladii furitanka london!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
great-legend
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 330
Joined: Wed Aug 08, 2007 6:06 am
Location: geel baan ku ilaalinayaa Near the white house

News Somali Tv Raad International xafladii furitanka london!

Post by great-legend »

source : http://www.somalitalk.com/2008/apr/21mar308.html

Xafladda furitaan Taleefishinka Raad International oo London ka dhacaysa.
*

Xafladda furitaan Taleefishinka Raad International oo London ka dhacaysa.

Dad badan oo Soomaali ah waxaa ay in mudo ah hadal hayeen furitaanka Taleefishin ku hadla afka Soomaaliga, barnaamijyadiisana gaarsiin kara dhamaan daahafaha dunida iyo deegaanadda ay ku dhaqan yihiin dadka ku hadla afka Soomaaliga.

Ayadoo ay dhici karto in Taleefishino badan la furi karo ayaa haddana dadka Soomaaliyeed waxaa ay u baahi qabeen taleefishin tayeysan kuna shaqeeya, hufnaan, dhex-dhexaadnimo, run iyo u adeega dannaha ummdda Soomaaliyeed.

Maalinta jimcaha oo ku beegan 25/4/2008 waxaa lagu qabanayaa galbeedka London xafaladii furtitaanka Taleefishinka cusub ee Raad-International, xafladdaan oo siweyn loosoo agaasimay waxaa lagu martiqaaday, ganacsato,siyaasiyiin, aqoonyahano, iyo dadka laf-dhabarka u ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingriiska, waxaana looga soo qeybgalayaa hab martiqaad ah.

Haddaba taleefishinka Raad-Intenational oo ah taleefishin ay fikiradiisa leeyhiin aqoonyahanno iyo ganacsato Soomaaliyeed ayaa in mudo ah oo kor u dhaafaysa afar-sanadood, waxaa laga shaqeynayey sidoo loo taabo gallin lahaa, asagoo la jaanqaadi kara baahida ay dadka Soomaaliyeed u qabaan taleefishin tayeysan. Taleefishinka ayaa hadda waxaa uu gudbay marxaladdii uu hawada gali lahaa wuxuuna si toos ah hawada u galayaa 2-da bisha May oo ka dhimantay maalmo qura, taleefishinkaan ayaa waxaa ka hawlgali doona weriyeyaal sumcadd iyo qadarin ku dhex leh ummdda Soomaaliyeed, sifiican u garanaya xirfadda iyo mihnnada saaxaafadda, waxaana illaa iyo hadda la hubaa inay la jaanqaadi doonaan furitaankiisa weriyeyaasha ka ah,

Axmed Xasan Cuuke, C/salaan Hareeri, Maxamed Ducale, Maxamud Dalmar, C/shakuur Cali Mire, Cali Axmed Rabi, C/xaafid iyo Amran

Barnaamijyadda uu ummadda Soomaaliyeed ugu talagalay ayaa waxaa ay ka kooban yihiin,diin, siyaasadd, suugaan, wacyigalin,taariikh,warar,imw. Ayadoo taleefishinku yeelanayo hab faafreeb oo lagu illaaliyo tayadda iyo sumacada Taleefishinka.

Haddab Taleefishinka oo hawada galaya labada bisha May ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada Afrika iyo carabaha waxa ay ka daawan doonaan. Frequency: 3551 Horizontal Symbol rate: 1333 FEC: 3/4 Transponder:4GL. Waxaa sidoo kale maamulka taleefishink xaqiijiyey inay bisha June hawda galin doonaan qeybta Yurub oo markaas laga daawan doonno dalalka Yurub oo dhan. balse bisha may laga daawan doonaa dalalka

Universal tv :down:
User avatar
Suldaan_JC
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 558
Joined: Sat Feb 23, 2008 4:23 pm
Location: The City of Burao and London
Contact:

Re: News Somali Tv Raad International xafladii furitanka london!

Post by Suldaan_JC »

Good News wallahi... even Cabdullahi Hereri and Cawke are back in the UK, for this new Great TV Channel....

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”