Hasan Dhere (Rer Ahmed)
Abdirahman IndhoBur (Ugas Shermake)
Ardoy (Urmidig)
Husein Cadawe (Hawrsame)
Ceymoy (Rahanweyn)
Bulo xisbiyo (Rahanweyn)
but where are
Mohamud Sayid Hasan (Rer Hasan)
Mohamed Mohamud Adan (Rer Hasan
Hasan Omar Mohamed (Talha)
Isaq Bihi (Rer Siyad)
Mohamed Sayid
Qoobey (Wagerdha)
Sharmake Gani (Rer Dalal)
I hope Farey or Sarey wins

Doorashada Gudoomiyaha Gobolka Gedo Oo Dhici Doonto Bishan 27keeda Iyo Xildhibaano Ka Tirsan DFKMG Ah Oo Soo Gaarey Magaalada Garbahaarey
Apr 25,2008
by Garbahaarey-GEDO-NN
Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa haatan waxaa ka soconaya qaban qaabo balaaran iyo diyaar garoowgii ugu dambeeyey oo loogu diyaargaroowayo Tartanka doorshada Xilka Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo ku xigeenadiisa oo si rasmi ah loogu dhawaaqay in Magaalada Garbahaarey ay ka dhacdo Maalinta Axada ah oo taariikhduna ay ku beegan tahay 27/04/08.
Shaley galab ilaa xaleyna waxaa magaalada Garbahaarey soo gaarey ilaa lix mudane oo ka tirsan Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya, kana soo jeeda Gobolkan Gedo, kuwaasi oo ka soo kicitamay Magaalada Baydhabo, xildhibaanadaasi ayaa waxaa ka mid ah Xasan deer, C/raxmaan Indho buur, Ardooy, Xuseen Cadaawe, Bulo xisbiyo iyo Ibraahin ceymoy. Sidoo kale Wasiiro iyo Xildhibaano kale ayaa lagu wadaa in Malinta Doorshada ay ka soo kicitimaan dhinaca Magaalada Muqdisho,si ay goob joog ugu ahaadaan tartanka Doorshada Gobolka Gedo.
Xubnaha u sharaxan xilka Madaxtinimada Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa waxaa ka mid ah Aden Ibraahim Aw-Xirsi, Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil iyo Jamaal Xasan Sarey, inkastoo Seddexdan masuul dhexdooda ayan ka muuqan wax isu tanaasul ah ayaa mid weliba waxuu muujinayaa kalsooni uu ku qabo in jagadaasi uu ku guulaysan doono.
Goobaha dadku ay isugu yimaadaan ee Magaalada Garbahaarey ayaa waxaa hareeyey hadal haynta ku saabsan cida ku guulaysan doonto jagadaasi,inkastoo dadku qaar ay ka bixinayaan saadaal,balse waxa la ogaan doonaa natiijada ka soo bixi doonta 27 bishan oo lagu wado in maalintaasi ay qabsoonto tartanka doorashada Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo Ku xigeenadiisa.
A C Saalixi-GEDO-NN--Garbahaarey