24 Apr 24, 2008 - 8:33:28 AM
Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf ayaa maanta gaarey wadanka Ingriiska kadib markii uu booqasho ku tagey wadanka Mareykanka gaar ahaan New York iyo Washington DC.
Cabdulahi Yusuf oo hadal ka jeediyay golaha amanka ayaa kulamo kula yeehay wadanka Mareykanka jaaliyadaha Somalida halkaas ku nool
Dhinaca kale waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Madaxweynaha DGPL Cadde Muse ku sugan yahay London halka kuwa kale sheegayaan in uu ilaa maanta ku soo fool leeyahay wadankaas.
Cadde Muse oo in muddo ah ku suganaa wadanka Ethiopia sababo aan la shaacin ayaa wararka ka soo baxaya tagistiisa London la xiriirto sidii Cabdulahi ula kulansiin lahaa madaxada shirkado shisheeye kuwaas oo qaarkood saldhig ku leeyihiin wadanka Ingriiska.
Cadde Muse ayaa horey Cabdulahi Yusuf ula kulmey xiligii uu Narobi uga sii duulayey wadanka Mareykanka iyada wararku sheegayaan in aysan wax badan uga hirgalin qorshayaashiisa oo ay ugu wayneyd heshiisyada shidaalka.
Madaxweynaha DFKMG Cabdulahi Yusuf ayaan heshiiyadaan si rasmi ah u diidin islamrkaana u ogolaan xili murankoodu sii kordhayo.
Asbucii la soo dhaafey ayaa Gudomiyaha Barlamanka PL waxaa uu eedeyn toos ah u soo jeediyey Gudoomiyaha Barlamanka DF ah kadib markii xildhibanaada fadhigoodu yahay Baydhabo isku raaceen in sharci loo sameeyo shidaalka Somalia.
Garowe Online, Somalia

