Ugu yaraan 8-qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 10-ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, kuwaasoo socday illaa xalay saqdii dhexe.
Dagaalka ayaa billowday kaddib markii malleeshiyooyinka dagaalamay ay isku qabsadeen dhul laga qodo cusbada iyo wara-biyoodyo ku yaalla deegaanno ka durugsan Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in dagaalka uu sababay in la gubo laba tuulo oo dhanka waqooyi ka xiga Degmada Luuq qiyaastii 35-km, kuwaasoo lagu kala magacaabo Dul-murux iyo Warta-cad.
Guddoomiyaha Degmada Luuq Axmed Buulle Maxamed oo saxaafadda uga warramay dagaalladaas ayaa sheegay inay horay isku dayeen dhexdhexaadinta malleeshiyooyinka dagaalamay oo hore isku qabsaday dhulka lagu dagaalamay, iyadoo wax xal ah aan laga gaarin dhexdhexaadintaas.
Buulle; wuxuu sidoo kale sheegay in guddi uu u saaray inay dhexdhexaadiyaan labada beelood markii xiisadda dagaalkan cusub ay curtay deegaannada la isku haysto aysan wax guul ah ka gaarin isku-daygoodii dhexdhexaadineed ee lagu baajinayay dhiig daata.
Dhaawacyadii ka dhashay dagaalka ayaa la dhigay Isbitaalka Luuq oo ay xaaladdiisa dawo aad u liidato, iyadoo howlwadeennada isbitaalkaasna ay sheegeen in dhaawacyada qaakrood aysan waxba u qaban karin.
Sidoo kale, dadkii ku noolaa tuulooyinka la gubay ayaa waxay ku sugan yihiin deegaannada miyiga ah halkaasoo laga cabsi qabo inuu dagaalkaan ku fido, waxaana ka socda goobihii lagu dagaalamay dhaqdhaqaaqyo ciidan.
Dhanka kale, dagaallo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Buriya oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca dad gaaraya 9-qof, iyadoo dagaalladaasna ay yihiin kuwo u dhexeeya malleeshiyooyinka ay xurguf dhuleed ka dhexeyso.
