Xildhibaanada Kismaayo ku sugan oo kulan la qaatay golaayaasha Sade
Afarta mudane baarlamaan ee magaalada Kismaayo ku sugan ayaa maanta kulan saacado badan qaatay la yeeshay Golayaasha siyaasadda iyo dhaqanka ee beesha Sade ee gobolkan J/hoose, kaulankaasoo arrimo badan looga wadahadlay.
Kulanka oo ay dalbadeen xildhibaanada ayaa maanta lagu qabtay hotel Maridian, waxaana dhanka xildhibaanada hoggaaminayey Barre Aadan Shire (Hiiraale), waxay xubnahan labada gole kala hadleen arrimaha ammaanka gudaha magaalada Kismaayo, dib u heshiisiinta guud ee beelaha gobolada Jubbooyinka, dhismaha maamul Kismaayo laga yagleelo oo ay beelaha gobolka wada dega ka qeybgalaan iyo midka Jubbaland State oo ay mudanayaashan si weyn ugu xusul duubayaan maaalamahan.
Inkastoo aanay jirin cid si toos ah warbaahinta ula hadashay oo ka warbixisay waxyaabaha gabagabada kulanka la isku afgartay oo dhinacyada kulmay ay isku raaceen ayaa haddana xildhibaanada iyo labada gole warar ku dhaw-dhaw waxay tibaaxeen in kulankooda uu ku soo idlaaday guulo wax ku ool ah oo laga gaaray qodabadii laga wada hadlay oo dhammaantood ay soo jeediyeen xubnaha xildhibaanada, warku wuxuu intaas ku darayaa in loo ballamay kulan kale oo ammuurahan miiska saaran lagu soo afjarayo, kaasoo dhici doona 48 saac ee soo socda hadduu Rabbi idmo.
Waayadan waxaa hadal heyn badan oo Kismaayo taal ay sheegeysay in uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay xildhibaanada Kismaayo jooga iyo labada gole ee beesha Sade, hase yeeshee kulankii maanta ayaad moodeysay in gebi ahaanba lagu turxaan bixiyey shaki fara badan oo jiray, kaasoo ka sheekeysigiisa uu hareeyey guud ahaan magaalada Kismaayo toddabaadyadii u danbeeyey.
Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.
http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... le&sid=344
Xildhibaanada Kismaayo ku sugan oo kulan la qaatay golaayaas
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 351 Views
-
Last post by EastAfrica
-
- 0 Replies
- 206 Views
-
Last post by Twisted_Logic
-
- 3 Replies
- 402 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 2 Replies
- 488 Views
-
Last post by InaKhalif
-
- 0 Replies
- 323 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 15 Replies
- 1050 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 3 Replies
- 453 Views
-
Last post by Keyse_0208
-
- 8 Replies
- 1863 Views
-
Last post by Faarax-Caytame
-
- 8 Replies
- 819 Views
-
Last post by Calibesteen