Beelaha Sede iyo Absame oo Fariin udiray Isimada Puntland

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Beelaha Sede iyo Absame oo Fariin udiray Isimada Puntland

Post by CoolPoisons »

Mudaaharaad lagu diidanyahay Maamulka Puntland oo Maanta Gil-Gilay Magooyin katirsan Gobalada Jubbooyinka iyo Beelaha Sede iyo Absame oo Fariin udiray Isimada Puntland.

Mudaaharaadyo lagu diidayahay Maamulka Gobaleedka Puntlnad ayaa maanta Gil-Gilay qaybo katirsan magaalooyinka waawayn ee gobalada Jubbooyinka kadib markii maamulka Puntland ay Muwaadiniin kasoo jeedo beelaha Sede iyo Ogadeen ay Gacanta u geliyeen Ciidamada Cadawga Itoobiya.

Kumanaan qof ayaa Maanta Duhurkii isugusoo baxay Wadooyinka waawayn ee magaalada Bu'aale xarunta gobalka Juubba dhexe kuwaas oo diidanaa Siyaasadda uu ku dhaqmo maamulka Gumaysi raaca ah ee Punland, Mudaaharaadkii Maanta ka dhacay Bu'aale oo ahaa kii ugu balaaraa ayaa waxaa Hadalo u jeediyay Dadkii iskusoo baxay Gudoomiyaha degmada Bu'aale oo Cambaareeyn ujeediya Puntland oo uu kutilmaamay Sharta Soomaaliya.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland waxay Dad u dhashay beelaha Ogaadeen iyo Sede waxay ka qafaasheen magaalooyinka G/kacyo Garawe iyo Boosaaso iyagoona u Gacan geliyay Saraakiil kasocotay Ciidamada Cadawga Itoobiya.

Dhinaca kale Mudaaharaad kan lamid ah ayaa isna ka dhacay degmooyinka Afmadoow Badhaadhe oo ay Dadku ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin hab dhaqanka Khaldan ee Maamulka Puntland oo u xuubsiibtay in uu isku diro Beelaha Walaalaha ah ee Soomaaliya, Boqolaal qof oo isugusoo baxay magaalada Afmadoow ayaa ku qaylinayay Hadalo ka dhan ah Maamulka Puntland gaar ahaan Dagaal ooge Cadde Muuse Erayadii ay ku dhawaaqayeen waxaa ka mid ahaa" puntland ha dhacdo, Caddae Muuse iyo C/laahi yuusuf waa dhiig cabayaasha Soomaaliya Kharibay" ugu dambaytii Shacabkii iskusoo baxay ayaa ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed ee kunool Puntland in ay arrinka soo fara geliyaan haddii kale ay u arki doonaan Mid qabiil oo iyaga lagu beegsanayo.

http://huriwaa.com/view_contents.php?articleid=2656
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Beelaha Sede iyo Absame oo Fariin udiray Isimada Puntland

Post by CoolPoisons »

^^what the fock
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”